Skip to content

Taariikhda Ibnul Qayyim Aljawziyyah

April 4, 2013

New

Bismillaah

Al-Imaam Ibn Qayyim Al-Jawziyyah

 

Dhalashadiisi iyo Asalkiisa  

Macagiisu waa: Abuu Cabdillah Shamsu D-Deen Muxammed Ibn Abii Bakr Ibn Ayyuub Ibn Sacad Ibn Xariiz Ibn Makkiy Zayd D-diin Az-Zarciy Ad-Dimishqiy Al-Xanbaliy, wuxuuna ku caan baxay Ibn Qayyim Al-Jawziyyah. Aabihiina waxa uu Masuul ka ahaa Madrasada Jawziyah, caruurtiisan dhamaantood waxaa la dhihi jiray Ibn Qayyim. Imaamku wuxuu dhashay 7 bishii safar 691H, wuxuu ku dhex barbaaray qoys cilmi iyo diin u saaxiib ah.  Aabihini wuxuu ahaa nin Alle kacabsi badan saalix  ah, waxa uu kaloo ahaa caalim weyn, wuxuuna Ibn qayim ka qaatay Aabihi cilmiga dhaxalka, walaakiina Sheekh Zeynud-Deen wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka aflaxday Sheekh Ibn Rajab Al-Xanbaliy, sido kale Ibn Qayyim caruurtiisa waxey ahaayeen culimo taasi waxey ku tusinaysa Inu ka soo jeeday sheekha qoys Diin iyo Cilmi u saaxiib ah.

 Barashadiisii Cilmiga:-

Wuxuu cilmiga horaantii ka qaatay Shihaab An-naabuluusiy, wuxuu kaloo ka qaatay  Taqiyy-Diin Ibn Suleyman, Abuubakar Ibn Cadi Ad-Daa’im, iyo culimo kaloo fara badan. Wuxuu Luqada Carabiga iyo Fiqiga ka qaatay Majd Al-Xarraani Ibn Taymiyyah, Cilmiga Usuulka wuxuu ka qaatay Safiyul Hind Ash-Shaaficiy. Wuxuu kalo cilmiga ka qaatay Shaykhul Islaam Taqiyyad Diin ,wuxuuna laazimay wakhti farabadan.  Waxey sheegaan culimadu inuu 17 sano in ku dhaw uu la joogay Shaykhul Islaam, Ibn Qayyim aabihii wuxuu ahaa mid aqoon u leh Cilmiga Xisaabta iyo Dhaxalka, wuuna ka qaatay Cilmigaas.

  Culimadiisa: -

  •   Qayyim Al Jawziyyah, Abihii
  •   Shaykhul Islaam Ibn Tayymiyah
  •   Abuubakar Ibn Cadi Ad-Daa’im
  •   Badrud Diin Ibn Jamaacah
  •  Imam Xafid Ad-Dahabi
  •   Sharafud- Diin , Shaykhul Islaam walaalki
  •   Safiyul Hind Ash-Shaaficiy

 

Ardaydiisa:-

 

  •   Burhaan Ibn Qayyim, waa wiilkiisa
  •   Al-Imaam Xaafid Ibn Kathir
  •   Al-Imaam Ad-Dahabiy
  •   Al-Imaam Ibn Rajab Al-Xanbaliy
  •   Al-Xaafid Ibn Cabdil Haadi
  •   Al Feyruzabaadiy Saaxibul Qaamuus

 

 

Kutubtiisa:-

  •  Zaad Al Micaad Fi Hadyi Khayril Cibaad
  •   Iclaamul Muwaqiciin
  •   Ighaathatu Al-Lahfan
  •   Badaa’ic Al-Fawaa’id
  •   Al -Jawaab Al-Kaafi
  •   Xaadi Al-Arwaax Ilaa Bilaadil Afraax
  •  Rawdatul Muxibbin Wa Nuzhatul Mushtaaqiin

  Lama soo koobi karo Shaykha Mu’alafaadkiisa

  

Culimada maxey ka dheheen

Ibn Khathir wuxuu dhahay : Ma garanayo qof ka cibaada badnaa Caalimkaa, wax la mid ahna ma jirin marka la fiiriyo axwaashiisa. Wuxuu ahaa mid salaada aad u dheereeya, wuxuuna ku mashquulay Cilmul xadithka iyo Tafsiirka Qur’aanka.

Ibn Xajar wuxuu dhahay: Marka uu tukado salaada subaxa ka ma kici jirin meesha uu fadhiisto asagoo Ilaahey xusaya ilaa ay maalintu kor noqoto. Wuxuu dhihi jiray tani wa qadadeyda haddi aanan fariisan jirkeyga wuxuu beelayaa awooda (yacni quwwada).  Wuxuu kaloo dhihi jiray Sabarka iyo Faqriga ayaa waxaa lagu garaa imaamnimada diin (booska Imaamnimada ) Waxaa sheekha ka adkaaday Jacaylka uu u qabo Shaykhiisa (yacni ibnu Teymiyyah) ,wuxuuna u gargaari  jiray aqwaasha Shaykhiisa.

Al xaafid Ibn Rajab wuxuu dhahay:  Wuxuu ahaa mid u saaxiib ah Cibaado iyo Tahajjud iyo salaad aad u dheer, wuxuuna wehel ka dhigan jiray Dhikriga Allah,  waxaana lagu arzaaqay Jacaylka Dhikriga iyo u laabashada Alle, wax la mid ahna ma arag mana arag wax kagaca Cilmi badan macaanida quraanka iyo sunnada iyo xaqaa’iqda Iimaanka. Immaamka waa la imtixaamay marar badan, waxaana lala xeray Shaykh Taqqiyadiin markii ugu dambeysay ee lagu xeray qalcadda kamana uusan  soo bixin Ilaa uu Shaykhul Islaam ka dhintay. Inta uu xabsiga ku jiray waxa uu ahaa mid ku mashquulsan akhrinta quraanka iyo tadabburka quraanka waxaana loo furay khayr fara badan. Imaamku wuxuu kheyrka ka gaaaray meel aad u sareysa lehna dhadhan aad u sareeya oo saxiix ah. Imaamku wuu xajiyay marar badan, waxeyna Ahlul Makah ahaayeen inay ku sheegaan inu ahaa mid cibaado badan oo dawaaf badan ilaa ay ka yaabeen.

 Imaam Ash-Shawkaani wuxuu dhahay: Culuumta oo idil wuxuu ku ahaa Baxar, wuxuuna aad ugu dheeraaday Garashada Madaahibta Salafka, wuxuu yaqaanay Alfaad aad u macaan ,kuwa wax alifa  qaabka uu wax u keeno uma keeni karaan qofka wuxuu  jeclaanayaa qaabka uu wax u keenayo quluubtana way jeclaaneysaa, mana cuksado wax aan ahayn daliil mar marna waxa uu u leexdaa Madahabka Xanaabilada, mas’alo kastana asal ayuu u raadiyaa wuxuuna ku dadaali jiray cadaalada meesha uu daliilka u leexdo ayuu u leexan jiray mana cuksado qaala iyo waqiila. Isku soo wada duub oo waxa uu ahaa culimada Sunnada faafiya.

Ilaahey ha u naxariisto Islaamkana khayr Allaha ka siiyo oo haka abaal mariyo waxa uu qabtay.

 

Geeridiisii:-

Wuxuu geeriyooday Shaykh Ibn Qayyim habeen khamiis ah 13. 7. 751H, Aaadaanka salaada cisho kadib wuxuuna ahaa 60 jir, waxaana janaazadiisa lagu tukaday Jaamcul Umawiyy aadna waa looga murugooday dhimashadiisa waxaana lagu duugay Al-Baab Al-Sagiir Dimishiq dhaxdeeda waxaana lagu aaasay meeshi lagu duugay Shaykhul Islaam Ibn Tayymiyah. Waxaan leenahay Ilaahey ha u nuuriyo Qabrigiisa sida uu ugu nuuriyay umadda cilmigiisa asaga iyo Shaykhiisaba.

  

WQ: Nuux Muxammed

 

 

 

 

 

 

Waraysi kooban Sheekh Bashiir Shiil

March 5, 2013

download (2)Waraysi kooban Sheekh Bashiir Shiil

Bismillaah

Blogga Muhaditha WordPress ayaa weraysi kooban la yeeshay Sheekh Bashiir Shiil taariikhdu markay ahayd 03.03.2013, waxuuna Sheekhu ku sugnaa markaa magaalada Odense ee dalka Denmark. Isagoo markaa u yimid inuu ka qaybqaato Mu’tamar ka dhaca wadankaas sanad welba bisha February. Hadaba Mu’tamarkii markuu dhamaaday ayuu sheekhu hadana u qabtay dhalinyarada joogta Magaalada Odense iyo nawaaxigeeda Dowra soconaysay sadex cisho oo ku saabsan “Musdhalaxul Xadiith”. Sheekhu waxuu akhriyay oo ardayda u dhameeyay kitaab yar oo uu qoray “Sheekh Ibnu Cuthaymin” oo ku saabsan Musdhalaxa.

Hadaba maalinkii ogu danbaysay Dawrada ayaanu isku daynay bal inaanu sheekha weydiino su’aala dhawr ah . Kuwaas oo isugu jira taariikhda sheekha iyo su’aalo kale.

Su’aalaha waxaa kamid ahaa:

- Sheekh Meeshuu ku dhashay, taariikhduu dhashay ,magaciisa sadexan iwm?

- Barashadiisa cilmiga

- Culimaduu la kulmay, ama ka qaatay cilmiga ama ka helay ijaazooyinka.

- Maxaad kula talin lahayd dhalinta doonaysa inay bartaan cilmul xadiithka?

- Muxadithiin ma jiraan casrigan?

- Al jarx wa tacdiil casrigan majiraa, maxaadse ku odhan lahayd dadka culimada jarxinaya?

- Tadhciifinta iyo tasxiixintu haday is khilaafaan?

- Kutub aad qortay ma jirtaa?

Magaciisa & Barbaaridiisa

Sheekha Ilaah (Subxaanahu watacaalaa) ha xifido runtii aad buu u dhibsaday inaanu weydiino taariikhdiisa isagoo markaa is xaqiraya odhanayana “aniga turjuma hayga qoranina” . Mutawaadhic awgeedna noogu diiday inaanu sii baadh baadhno. Balse waxuu noo sheegay in la yidhaahdo ” Bashiir Yuusuf Shiil”

Barashadiisa Cilmiga

Sida  caadada ah culimada cilmiga barata waxay ku bilaabaan inay Kitaabka Qur’aanka bartaan kadibna culuumta kale. Sheekhu waxuu diinta ku bartay dalka soomaliya gudahiisa iyo banaankiisaba.

Culimaduu ka qaatay cilmiga qaarkood

  • Sheekh Boqol soon (Calayhi raxmatullaah)<< Waxuuna ka qaatay kutub badan sida: Umuhaatu sittah, Minhaajka, Riyaadu Saalixiin, Buluuqul maraam iwm.
  • Sheekh Cabduraxmaan sheekh la yidhaahna waxuu ka qaatay<< Sunanu Nisaa’i
  • Sheekh Muxamed Macalin<< Tafsiirka Qur’aanka
  • Sheekh Muxamed Shukri<< Tafsiirka Qur’aanka
  • Sheekh Nuur Qawwi

Culimaduu ka helay Ijaazooyinkuu:

  • Sheekh Muxamed As-soomaal (calayhi raxmatullah) waxuu ka qaatay Ijaazo ah “Alxadiith almusalsal bil awalliyah” iyo ” Kutubu sittah”. Waxaa kale oo uu ijaazo ka helay laba caalim oo kala ah:
  • Sheekh Yaxya Ibnu Xusayn
  • Sheekh Cabdul Wakiil.

Culimaduu la kulmay

Sheekhu waxuu noo sheegay inuu la kulmay oo weliba guryahooda ogu tagay culimada kala ah:

- Imaam Naasiru diin Albaani
- Cabdulqaadir Arnaa’uud

Sheekh, Maxaad kula talin lahayd dhalinta doonaysa inay bartaan cilmul xadiithka?

-Waxaan dhihi lahaa waa in lala yimaado juhdi/dadaal badan

- Waa in la akhriyo isdhilaaxaatka culimada

- Waa in la akhriyo taraajumta culimada , sii aad ukala saarto culimada isu magaca eg.

- Waa in waxuu bartay ku sameeyo shaqo galin ama tababar sidoo kalena istijaabiyo. Tusaale: inuu xadiith takhriijiyo.

Sheekha waxaan weydiinay ” kawaran haduu qofku axaadiista dhaciifka ama mawdhuuca ah intuu kutubta kasoo eego kadibna umadda oga digo”?

Waxuuna sheekhu ku jawaabay waa arin wanaagsan , waana loo baahanyahay in umadda looga digo axadiistaas.

Sheekh ,Muxadithiin ma jiraan casrigan nool?

Haa way jiraan,  lama odhan karo way dabar go’een. Casri welba way jiraan Muxadithiin. Kuwa hadda nool waxaa kamid ah:

- Sheekh Al Muxadith Abii Isxaaq Alxuweyni

- Sheekh Mash-huur Xassan

- Sheekh Cali Xalabi iwm.

Sheekh, Al jarx wa tacdiil casrigan majiraa, maxaadse ku odhan lahayd dadka culimada jarxinaya? Sida Sheekh Abii Isxaaq Alxuweyni oo kale inay dhahaan waa mubtadic iwm?

Aljarx Wa tacdiil kutubtuu ku yaalaa waxa hadda socdana mahan jarx wa tacdiil. Waa khalad in culimada la durro. Madrasada la yidhaah ” al jarx wa tacdiil” ee casrigan jirta ee kolba sheekh lagu tabdiicinayo sheekhi bilaabay laftiisii ayay dib ogu soo laabatay oo isagii ayayba kaga bilaabeen inay tuuraan.

Arinta  Sheekh Abii Isxaaq-na waxaan leeyahay mahan mubtadic. Waxaa la ii sheegayay in Sheekh Mash-huur Xassan (anu ma arag ee) uu aad u amaanay , cajalkaasna waxuu ku jiraa ayaa la yidhi internetka.

Sheekha waxaan weeydiinay ” Kawaran sheekh hadii hal xadiith ay culimana dhahaan waa saxiix kuwana waa dhaciif maxaan samaynaynaa”?

Hadii ay culimadu isku khilaafaan xadiith oo qaarna dhahaan waa saxiix qaarna waa dhaciif ,agtadana tarjiix aadan ka samayn karin waxaa mar welba aanu ictimaadnaa qawlka culimada Mutaqadimiinta.

Kutubtiisa & Rasaa’ishiisa

Sheekhu waxuu noo sheegay inay jiraan kutub/rasaa’il uu qoray weliba waxuu noo sheegay kitaab kiis ah oo daabacan, inkastoo nasiib darro uusan wadin hal nuskha , balse waxuu noo ballan qaaday inuu noo soo diri doono maadama aanan internetka ka heli karin kitaabka sidoo kalena oolin maktabada magaalada.

Kitaabkaasna waxaa weeye buu yidhi kitaab uu qoray Imaam Abuu Xaamid Alqazaali oo uu ogu tala galay ardayda ayaan anna ku sameeyay takhriij axaadiista kitaabkaas. ( Nasiib darro kitaab magaciisa maanan qoran, balse markan soo helo ayaan in sha Allah maqaalkan Edit ku samayn doonaa).

Duruustiisa:

Sheekhu waxuu degan yahay dalka Canada , halkaas oo uu ku bixiyo duruus muxaadaraat iwm. Waxaa internetka laga heli karaa Cajaladaha uu duubay kuwaas oo isugu jira Maqal iyo muuqaal.

- Sheekhu waxuu Reer Denmark u qabtay Sadex dawro Kuwaas oo kala dhacay sanadkii hore ee 2012 iyo sanadkan 2013. Waxayna kala ahaayeen dawrooyinku:

1) Nukhbatul Fikri lii sheekh Ibnu Xajar<< Lama duubin

2) Adraaful Xadiith<< Way duubantahay

3) Musdhalaxul Xadiith li sheekh Ibnu Cutheymiin<< Way duuban tahay

Gabagabo

Sidaan kor ku sheegnayba sheekhu muusan nooga jawaabin meesha uu ku dhashay , goortuu dhashay iwm. Arintaasna waxaan u aragnaa inay ka tahay mutawaadhuc-nimo ,waana runtii wax in lagu amaano mudan.

Ilaah (subxanaahu watacaalaa) waxaan ka baryayaa inuu miizaankiisa xasanaatka u saaro dadaalka iyo dacwada uu diinta Islaamka kawado. Sidoo kale inuu khaatumo wanaagsan ku dilo maalinka qiyaamana la soo saaro anaga iyo sagaba Nabiga calayhi salaatu wasalaam

Waxaan saxnay waa Fadhliga Ilaah (subxaanahu watacaala) waxaanu khaladnayna waa nafteena, faraheena iyo shaydaan.

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam.

WQ: Muhaditha WordPress & Khadra Cabdullaahi Ducaale.

Qaamuska Muxadithinta -Hordhac

February 5, 2013

Hordhac

download (2)

Ilaah swt waxuu umaddan ka dhaliyay Culimo rabaaniyiin ah kuwaas oo wakhtigoodii dhanaa u huray siday sunadda Rasuulkiisa (sallalaahu calayhi wasallam) u ilaalin lahaayeen sido kalena oga gaashaami lahaayeen mid welba oo doonaya inuu duro.

Hadaba Qur’aanka Ilaah swt waa Mutawaatir oo dhamaantii waa la isku raacay sida uu yahay, cidina wax kama saari karto cidina wax kuma soo dari karto.

Balse Sunnada waxaa ku jira axaadiis mutawaatir ah iyo kuwa aan mutawatir ahayn oo isugu jira qaar ay werinayaan 1 qof, laba qof sadex qof iwm.  Sidaa daraadeed waxaa la arkay qaar badan oo axaadiithka Rasuulka (sallalaahu calayhi wasallam) ku soo daraya waxuusan odhan ama ka saaraya wax uu yidhi.

Hadaba culimadu waxay sameeyeen gaashaan culus oo ay kula dagaalamaan dadkaas. Waxayna sameeyeen cilmi la yidhaah ”Musdhalaxul xadiith”.  Erayada ay isticmaalaan waa kuwa iyaga u gooni ah oo waxaa dhacda in kelmad carabi ah oo aad micna u taqaan inay ayagu micna kale u yaqaanaan.

Sidaa daraadeed qofka daalibul cilmiga ah ee doonaya inuu barto cilmigan waxuu ku qasbanyahay inuu barto Afartan waxyaabood, mid welbana gooni ayaanu u sharixi doonaa in sha Allah:

1)      Musdhalaxaatka Muxadithiinta

2)      Qawaacidooyinkooda

3)      Muxadithiinta waa weeyn Taariikhdooda , manhajkooda, shuruudahooda, qaabkooda, waxyaabaha u gaarka ah iwm.

4)      Kutubta Xadiithka noocyadooda, waxyaabaha ay ka hadlayaan, shuruudoda, kuwa kutubta leh  turjumadooda iwm.

 

Hadaba waxaan isku dayaynaa inaanu qodob welba yara faahfaahino bi’idnillahi tacaalaa.

1)      Musdhalaxaatka Muxadithiinta

Waxaa lagama maarmaan ah in aad barato luuqada muxadithiinta ee ah Carabiga. Sidoo kale carabi qofkii yaqaan xataa ma fahmayo carabiga muxadithiinta ila uu ka fahmo musdhalaaxtkooda.

2)      Qawaacidooyinkooda

Waxaa lagama maarmaan ah in ardaygu barto Qawaacidaha ay dejiyeen culimada muxadithiintu.  Fanni kasta qawaacid u gooni ah ayuu leeyahay. Marka waa inuu ardaygu ogaado qawaacidah kala duwan ee ay muxadihtintu dejisteen.

3)      Muxadithiinta waa weeyn Taariikhdooda , manhajkooda, shuruudahooda, qaabkooda, waxyaabaha u gaarka ah iwm.

 Maxay tahay faa’iidada inu ardaygu barto arintan?.

Faa’iidadu waxaa weeye, haddii qof uu doonayo inuu qoom/dad la wadaago cilmi ama dhaqan ama siffo waxuu horta ku qasbanaan inuu iyaga bartaa si tafsiil ah/cad.

Markasta oo uu dadkaas barashadooda/aqoonta uu uleeyahay ay sii waasic-sanaato ayay markasta u ziyaadi inuu ku intifaaco.

 4)      Kutubta Xadiithka noocyadooda, waxyaabaha ay ka hadlayaan, shuruudoda, kuwa qora turjumadooda iwm.

Kutubtu waxaa weeye marjac iyo meesha xarunta u ah Cilmigan (xadiithka).  Qofka ardayga ah lama odhan karo waa daalibul cilm xadiith ilaa inuu ka ogaado ama ka barto mooyee kutubta kuwooda ogu muhiimsan, ogu intifaacsan, ogu saxiixsan iyo sidoo kale inuu kala barto waxyaabaha ay kakala hadlaan

 Afartaa arimood ee ardayga laga doonayo inuu wax ka ogaado waxaa jira kitaab qiima badan oo laga qoray. Kitaabkaas oo sheegaya Lafdhi welba oo kusoo arooray kutubta xadiithka oo ah odhaah ay isticmaaleen muxadithintu ama qaacido ay isticmaaleen . Kitaabkasna waxaa la yidhahdaa ” Lisaanul Muxadithiin” (Mucjamu musdhalaxaatul Muxadithiin)

Sidanaan u wadi doonaa Kitaabka in sha Allaah.

-          Kitaabka waxa ku jira oodhan masoo wada qaadanayo sababtoo ah waa 5 Mujalad. Waxaan isku dayyi inta ogu muhiimsan inaan kasoo qaado

-          Lafdhi welba micnahiisa ayaan sheegi

-          Haduu kitaabku sheegayo lafdhiga imaamka /a’imada isticmaalay ana waan soo guurin in sha Allah

La soco Qaybaha hadhay

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.