Al Mutawaatir


Bismillah.

Al Mutawaatir

Xadiis kasta oo aan maanta maqalno oo ama Nabiga sallalaahu caleyhi wasalam, ama saxaabi ama taabici loo tiiriyo oo la yidhaahdo iyagaa sidaa yidhi, waxuu nagu soo gaadhaa laba wado.  Labadaas waddo ayaa waxaa la kala yidhaahdaa (Al Mutawaatir iyo Al-aaxaad). Waxaan marka hore inoo sheegi waxa laga wado Mutawaatir inshaAllaah.

Luuqad ahaan: Waxaa laga wadaa wax is daba raacraac. Tusaale waxaa la odhan ”Tawaataral madharu” oo ah Roobku wuu is raacraacay.

Isdhilaax ahaan: Waa xadiiska ay werinayaan dad fara badaan oo aan tiro lagu koobi karin.Dadkaas oo aysan suurta gal ahaanayn inay hadal been ah isku wada raacaan.

Waxaana laga wadaa waxaa weeye ,  hadalkan la werinayo haddii uu yahay mid laga werinayo Nabiga scw oo ay hadalkaasi soo werinayaan saxaaba badan, saxabaas badana waxaa kasii werinaya Taabiciyiin badan, Taabiciyiintas badana kuwa kaloo badan baa kasii werin iwm. Waxaa la odhanayaa Xadiiskan waa ”Mutawaatir.”

Shuruudiisa

Culimadu waxay u sameeyeen wax la yidhaahdo shuruud. Si aan loo odhan xadiis welba waa mutawaatir. Iyo sidii lagu kala garan lahaa xadiiska mutaawtirka iyo kaan ahayn.

  1. Dad badan inay werinayaan: Xadiiska mutawaatirka ah shuruudiisa ugu horeysa waa inay dadka xadiiskan werinaya yihiin dad aad u fara badan. Waana la isku khilaafay tirada ugu yare e ay ahaan karaan. Waxaa la yidhi 70 qof kama hooseyn karaan, qaarna waxay dhaheen 40. Laakiin siduu yidhi Al Asdhakhriy waa 10 qof ugu yaraan. Hadalkaas ayaana ah midkan ugu raajixsan.
  2. Dabaqad kasta inay dadka badan yihin: Waa in ay dabaqad kasta ay werinayaan dad fara badan.
  3. Inaysan ahayn macquul ama caqli gal waxaasoo dad ahi inay been isu wada raaceen.
  4. Inay dhamaantood isticmaalayaan wax dareen ah. Sida waan maqlay, waxaa ii sheegay, waxaan arkay, waxaan taabtay iwm.

Xukinkiisa

Xadiiska mutawaatirka ahi waxuu inoo faaiideyaa inuu hadalkani yahay mid yaqiin ah oo ay la micno tahay sida adigoo waxan arkay. Waxayna faiideysaa cilmiga la yidhaahdo “Dharuuri.” Maadama waxaasoo dad ahi ay isku wada raaceen hadalkaas, uma baahnid inaad soo wada baadho dadkan xadiiska werinaya xaaladahooda oo aad dhahdo hebel baa kujira oo kan ah iwm. Saas daraadeed xadiiska Mutawaatirka ahi waa Maqbuul .

Noocyada uu U qeybsamo

Xadiiska Mutawatirka ahi laba nooc ayuu u qeybsamaa.

  1. Al Mutawaatir al Lafdiy : Waxaa laga wadaa xadiiska “erayadiisa” ama Lafdigiisa uu ahaaday mid ay dad badan werinayaan. Tusaale: Nabiga scw waxuu yidhi (Qofkii iga been abuurta si ula kas ah haka diyaarsado Naarta boos). Xadiiskan waxaa werinaya ayaa la yidhaahdaa dhawr iyo todobaatan saxaabo. Kulligoodna waxay xadiiska ku werinayaan erayadan (man kadaba calayya).
  2. Al Mutawaatir macnawiy: Waa xadiiska ay weriyaan dad fara badan  micnahiisa, balse kuligood waxay isticmaalayaan erayo kala duwan, micnahu laakiin waa isku mid. Tusaale: Inuu Nabigu sallalaahu caleyhi wasallam uu gacmaha kor u qaaday markuu ducaysanayay. Waxaa kusoo aroortay  100 xadiis oo uu mid welba sheegayo Inuu Nabigu sallahu calayhi wasallam gacmaha kor uqaaday balse way kala duwantaahy sheekada ama qaddiyada markaas uu Nabigu duceysanayay. Masalaad dhexdeed bay aahyd mise maya iwm. Balse kuligood micnaha ah “inuu gacma kor u taagay” way isu wada raaceen.

Tusaale axadiista mutawaatirka

Xadiisyo badan baa jira oo ah Mutawaatir sida:-

Nabiga (Sallalaahu Calayhi wasallam) Waxuu yidhi “Qofkii Ilaahay dartii u dhisa misaajid, isna Ilaahay baa janadda guri oga dhisa” ama xadiiska kale ee ahaa “Wax welboo lagu sakhraamo waa xaaraam” Iwm.

Laakiinse waa laga badanyahay axadiista mutawaatirka hadaan u eegno kuwa aan ahayn mutawaatirka (al aaxaadka ah).

Kutubta ugu caansan ee laga qoray

  • الأزهار المتناثرة في الأخبار المتواترة : للسيوطي
  • قطف الأزهار ( isla suyuudi baa leh)
  • نظم المتناثر من الحديث المتواتر : لمحمد بن جعفر الكتاني

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam

Sanadka/silsilada xadiiska iyo muhiimadiisa


Bismillah.

Waa Maxay Sanad?

Sanadku waa  Silsilada xidhiidha ee lagu wariyo xadiithka ee kugu xidhaysa ilaa hadalka meeshuu ku dhamaado. Hadalkaas oo laga yaabo inuu ku dhamaado, Nabiga (Sallalaahu Calayhi Wasallam), Ama Saxaabi ama Taabici.

Muhiimad intee la eg buu leeyahay Sanadku?

Sanadku  ahmiyad aad u wayn ayuu u leeyahay  umadan islaamka ah,  maxaa yeelay waa silsilada inagu xidhaysa oo cadaynaysa inaan kala kulanay diintan ama aan kaqaadanay saxaabada Nabi Muxamed (Sallalaahu Calayhi Wasallam)  kuwaas oo ah ardayda Nabi muxamed iyaguna ay Nabi Muxamed Toos uga qaateen, Nabiguna  uu ka qaatay Allah  Swt. Halkaas waxaan ka faaideynaa hadalka ay Saxaabadu dhahaan waxay kasoo weriyaan Nabiga (Sallalaahu Calayhi Wasallam) , Nabiguna waxuu kasoo weriyaa Jibriil (caleyhi sallam), Jibriilna Ilaahay swt ayuu kasoo qaaday.

Hadaladii ay  Culimadeenii salafku ka yidhaahdeen Muhiimada uu sanadku leeyahay :-

- Taabicigiii   la odhan jiray Muxamed Ibnu Siiriin:  Sida uu Imaam Muslim kusoo Saaray  Kitaabkiisa muqadamatu Muslim,  wuxuu Maxamed Ibnu Siiriin ka wariyay inuu yidhi hadal macnihiisu yahay “Sanadku diinta ayuu ka mid yahay , haduuna sanadku jiri lahayna Qof walba wuxuu rabo ayuu iska odhan lahaa”.

Sababtoo ah dee hadaan la is waydiin yaa kuu sheegay ama yaad ka warisay  sheekadan  nin walba wuxuu rabo ayu been abuuran lahaa.

-  isla Maxamed Ibnu siiriin ,siduu Imaam Muslim ka werinayo Waxuu yidhi “ Cilmigani waa diin ee iska eega cida aad cilmiga ka qaadanaysaan.  Imaamku wuxuu ka wadaa inay muhiim tahay in la baadho cida wax warinaysa. Sidoo kale  inay tahay cid leh Diin iyo  cilmi labadaba maxaa yeelay waxaa dhici karta inuu qofku yahay qof wanaagsan laakiin aan xifdi fiicnayn, amaba inuu xifdi leeyahay laakiin uu yahay qof iska faasiq ah oon diintiisu saas u wanaagsanayn. Marka in la baadho qofkani inuu xifdi leeyahay dhanka kalena diintiisu tahay mid wanaagsan  ayuu leeyahay iska eega.

-Imaamu Muslim wuxuu sidoo kale  ka warinayaa   Imaam Cabdullaahi Ibnu Mubaarak inuu yidhi {anaga iyo qolyahaas (kuwa xadiithka ku been abuuranaya) waxaa noo dhexeeya Tiirashaas”Sanadka”}

-Ibnu xibbaan isaguna wuxu ka warinayaa  Sufyaan Athowri  inuu yidhi “Sanadku waa Hubka Qofka Muslimka ah , haduuna hub wadan muxuu ku dagaali?”

-Ibnu xibaan sidoo kale wuxuu ka warinayaa  Shucba ibnul Xajaaj inuu yidhi “ Xadith walba oo ayna ku jirin (Xadathanaa) ama (Akhbaranaa) waa sida  nin neef geel ah meel ban ku haysta isagoo bilaa hogaan ah”.

-Suyuudi  wuxuu sheegay inuu yidhi abii Cali Aljubaa’i “ Ummadan ilaahay wuxu  u gooni yeelay oo uu gaar uga dhigay sadex  waxyaabood    (1) Sanadka (2) Nasabka iyo (3) Icraabta.

Hadaba ummadan Nabi muxamed waxay kaga duwan tahay  umadihii hore waxaa weeye ,inay ku dhagtay oo ay xafiday sanadka ay ka haystaan ee toos ugu xidhan Nabi Muxamed.

Ragga axadiista weriya:-

Ragga axadiista laga qaato Waa niman la baadhay  oo lakala saaray. Nin welba waxaa la eegi jiray  Xifdigiisa iyo diintiisa .Labadaa siffo inuu lahaaday ahayd qof walba oo isku daya inuu  xadiith sheego. Waxaa laga aqbali jiray xadiithkooda raga ku can baxay xifdiga, Diin wanaagsan iyo  amaanada  intaba. Waxaa  loo eegi jiray midba midka uu ka xifdi  badan yahay .

Nin walba oo xadiith wariya taariikhdiisa meeshuu ku dhashay, halkuu ku dhintay, goortuu dhashay iyo goortuu dhintay , xifidigiisa suu ahaa iyo Cadaaladiisaba  waa la diwaan galiyay. Waxaa laga qoray kitaabo. Waaxana jiraba kitaaba iyaga gooni u ah oo  ka hadla cilmu rijaal aadna muhiim u ah runtii in la barto .

Kutubta ugu Caansan ee Laga barta taariikhda ragga weriya axadiista :

تهذيب التهذيب= ابن حجر العسقلاني

سير أعلام النبلاء= الذهبي

ميزان الاعتدال=الذهبي

التاريخ الكبير=البخاري

Wallaahu Tacaalaa Aclaa wa axkam.

WQ: Abdirahmaan

Xadiiska Mawduuca Qeybtii 2aad


Bismillah

Maxay tahay sababaha ku kalifa dadka inay sameeyaan xadiisyo, Mawduuc/been abuurasho ah?

Dhawr sabab ayaa dhaliya inay dadku u sameeyaan xadiis Mawduuc ah, waxaana kamid ah:-

  • Dadka qaar waxay xadiis mawduuc ah u sameeyaan , waxay doonayaan sidii ay Ilaahay ugu dhawaan laahayeen. Waxayna  alifaan axadiis been ah iyagoo ujeedadoodu tahay sidii ay dadka u  jeclaysiiyaan khayrka, xumaantana uga digaan. Xadiisyadaa noocaas ah waxaa kamid ah, xadiiska tilmaamaya  fadliga suuradaha Qur’aanka suurad suurad  ee aan horey u soo sheegnay.

Qoladaas iyaga ahi waa kuwa  sheegata  Zuhdi iyo wanaag hase yeeshee waa kuwa ugu shar badan dadka dejiya xadiisyada mowduuca ah,  sababtoo ah waa kuwo lagu  kalsoonyahay cibaadadooda iyo zuhdigooda oo ay dadkuna rumeystaan, xadiskeey sheegan dadku way qaataan dhaqan geliyaan, iyagoo moodaya  xadiis dhaba ah.

  • Mad-hab ka guuleysi : Xaaladann Mad-habaysiga waxay timi ka dib markay dhacday fitnadii muslimiinta la soo daristay xiligii Mucawiyah iyo Cali rc. Waxaa dhashay kooxo siyaasadeysan sida Khawaarijta iyo Shiicada ka dibna qolo walbaa waxay sameysatay xadiisyo ay ku xoojinayso  mad-habkeeda. xadiisyadaas mawduuca ahi waxaa kamid ah xadiiska odhanaya “علي خير البشر من شك فيه كفر”

Xadiiskaan mowduuca ah micnihiisa waxaa  weeye (Cali waa kan u khayr badan dadka qofkii ka shakiyaana waa gaaloobay) iyo kuwo badan oo la midda xadiiskaan.

  • Qaar ka mid ah cadowga Islaamka  ayaa sidoo kale  iyaguna waxay sameeyeen xadiisyo mowduuca, ka dib markii ay awood u waayeen inay si toosa wax u yeelaan musliminta, ayaa si ay u canbaareeyaan Islaamka waxay adeegsadeen xadiisyo mowduuca .
  • Qaarbaa axadiiska mawduuca u sameeya iyagoo doonaya  u dhawaansho madaxda  iyo dadka xukunka haystay . kuwaas oo ah kuwo iimaankoodu hooseeyo ayaa waxay sameeyeen xadiisyo mowduuca oo waafaqsan hawada  madaxweynayaasha ,  si ay uga helaan u dhowaansho madaxdaas, in yar  oo maal ahna loo siiyo .

Dadaalkii culimada ee ka hortaga Xadiiska mowduuca ah.

Culimadu waxay dadaal badan ku bixiyeen sideey u ilaalin lahaayeen Sunnada Rasuulka scw  ugana dhowri lahaayeen in lagu soo dhex daro waxan ka mid ahayn sunadiisa.

Culimadu waxay dhigeen qawaacid (tiirar)  iyo qodobo kala cadeynaya xadiisyada kiisa saxiixa ah, kiisa  daciifka ah, iyo  kiisa mowduuca  iwm. Iyagoo fadeexadaynaya  kuwa dejiya xadiisyada mowduuca ah  ee sal iyo raad toona lahayn..

Tiirarka/qaacidada  ay dhigeen culimadu si ay u xifdiyaan in sunnada Rasuulka scw  aan lagu soo dhex darin waxaa ka midda :

  • Inaan la garab marin Isnaadka  .isnaadku waa waxay la gaar tahay ummadaan.Cabdullahi ibnu Mubarak  wuxuu  yiri isagoo isnaadka ka hadlaya((Isnaadku wuxuu ka mid yahay diinta haduuna isnaad jirin  qof walbaa wuxuu doono buu iska oran lahaa ))
  • In la ogaado in  xadiisku yahay mid ka sugnaaday Rasuulka scw. Taabiciintu RC hadeey maqlaan xadiis waxay ula imaan jireen saxaabada  wayna waydiin jireen  in xadiiskaan ay ka maqleen Rasuulka scw iyo in kale si ay u ogaadaan  asalka xadiiska iyo inuu yahay xadiis saxiix ah .
  • Culimada in badan oo ka midda  kama hari jirin  wayna ceebeyn jireen kuwa ku been abuurta Rasuulka  scw. Imaam Sufyan Athowriy waxa laga soo xigtay inuu yiri  (ilaahay ma asturo  qof xadiiska  been ka sheegay )

Culimadii ugu caansanayd ee daba gashay fadeexaysayna kuna noqday seef qoorta ka saaran  kuwa  dejiya xadiisyada mowduuca ah waxaa ugu caansanaa:

Caamir  ashacbi. Shucbah bin xujaaj,Sufyaan athowri, cabdulaahi ibnu Mubarak, Cabdiraxmaan bin mahdi  iyo kuwo kaloo badan,, Ilaahay haka wada raali noqdo.dhamaantood..

Ilaahay swt wuxuu u soo saaray ummadaan imaamyo  xifdiya Sunnada Rasuulkiisa scw daacadna ah  kuwaasoo ka ilaaliyay sunnada wax walboo ay damceen beenaalayaashu inay ku soo dhex daraan  sunnada saafiga ah.

Kutubta ugu caansan ee laga qoray Xadiiska mowduuca ah waxaa kamid ah:

  • الموضوعات

waxaa qoray  Ibnu Jowsiy. Waa kitaabkii ugu horeeyay ee laga qoro  xadiiska mowduuca ah  lakin culimo badan ayaa  ka hor yimid  iyagoo cilad uga dhigay inuu  fududeystay  xukunka xadiiska mowduuca ah, oo xadiis aan mawduuc ahayn uu ku tilmaamo mawduuc.

  • اللآلئ المصنوعة في الأحاديث الموضوعة

Waxaa qoray Jalaalu diin Asuyuudi. Waana kitaab   uu ka soo gaabiyay kitaabkii hore ee Ibnu  Jowzi  wuxuuna ku daray waxyaabo dheeraad ah oo uusan  sheegin  ibnu jowsi

  • تنزيه الشريعة المرفوعة عن الأحاديث الشنيعة الموضوعة

Waxaa qoray  ibn Carraaq Al kannaaniy, Waa kitaab faaido badan leh  sidoo kale sheekhu wuxuu ka soo gaabiyay  labadii sheikh ee ka horeysay kitaabadoodii …

Wallahu aclaa wa axkam

WQ: Najma Sicid