Skip to content

App fudud oo Xadiithka lagu baadho!

September 16, 2016

download (2)

Bismillaah

Mar welba oo uu aduunku hormar gaadho xagga technology-yada, muslimiintuna faa’iido weyn ayay ka helaan, khaasatan Dulaabul Cilmiga. Cilmiga iyo kutubta culimadu qoreen mashaqo ayaa loo mari jiray si lagu hanto ama lagu haleelo, balse Ilaahay swt waxuu qadaray oo nicmona nooga dhigay in si fudud aanu ku helno barashada diinteena.

Waxaana ka cabsan in Ilaahay swt uu na weydiiyo aakhara sababta aan uga faa’iidi weynay nicmada iyo fursadahan qaaliga ah ee casrigan aynu heysano.

Dhalinyara badan ayaa waxay i weydiiyaan sideen ku ogaan karnaa xadiithka inuu saxiix yahay? Qaarkood markay xadiith ku arkaan internetka waxay iisoo qoraan noo soo baadh xadiithkan sixadiisa. 

Waxaan runtii aad ugu farxay inuu soo baxay app yar oo qofka daalibul cilmiga ah khaasatan ehlulxadiithka ah ka caawin kara in xadiithka uu doonayo inuu ogaado sixadiisa uu si dhibyar usoo heli karo. 

App-kaas waxaa la yidhaahdaa:

الموسوعة الحديثية

Waxaana iska leh webka ” dorar.net”

Qaabkan ayuu u egyahay App-ku : 

image

 

image

image

 

image

FG: Way jiraan app kale oo isna xadiithka lagu baadho laakiin kan ayaan runtii u bogay shakhsiyan, iilana eg mid nafaciisu badan yahay.

Cillada Xadiithka see lagu gartaa?

May 24, 2016

In la ogaado xadiithka in ciladi ku jirto ma ilhaam baa?

Horta ilhaam waxaa la yidhaahdaa in Ilaahay swt qofka uu siiyo wax, waxaas oo uusan xoog iyo xeelad isagu uu leeyahay uusan ku helin.

Imaam kamid ah Culimada muxadithiinta ayaa laga yaabaa inaad weydiiso xadiith sixadiisa. Markaasuu intuu sidaa u eego xadiithka ayuu horey ka dhihi waa saxiix ama waa dhaciif.

Hadaba su’aasha taala waxaa weeye siduu ku gartay?.

Cabdurraxmaan ibnu Mahdi ayaa la weydiiyay , Waa adiga dhaha xadiith markaad aragto wuu suganyahay ama ma sugna ee xageed ka keenta hadalkaas?. Markaasuu yidhi kawaran hadaad u tagto mid dahable ah ood u geyso daraahim, deedna uu dhaho dirhamkan waa mid wanaagsan kanna ma wanaagsana, ma waxaad ku dhihi yaa kuu sheegay? Mise waad iska aamini hadalkiisa? . Markaasaa loogu jawaabay mayya waan iska aamini. Hadaba wax welba oo aad loo fiirfiriyo sifiicana loogu yeesho khibrad waa sidaas.

Hadaba Culimada noocaass ah waxaa loo yaqaanaa ” Jahaabidhah” waxaana af soomali lagu dhahaa ” Ruugcadaa”. Waa niman shaqadoodu wax kale maha aan ka ahayn inay diraasaan xadiithka matnigiisa iyo sanadkiisaba, heer ay ka yeeshaan dareen ah in hadalkani yahay mid uu yidhi Rasuulkii Ilaahay ( calayhi salaatu wassalaam) iyo in kala. Kuwa ubaahan maha inay bathi dheer galaanba.

Sidaa daraadeed su’aasha cinwaanka ee ahayd Cilada xadiithka in la garto ma ilhaam baa oo Ilaahay ayaa dadka ku ilhaamay?. Waxaan leenahay haa.

Laakiin inkastoo ay ilhaam tahay hadana dadka ardayda ah ee aan gaadhin ” Ruugcadaa” nimada, waxaa weli u furan baabka ku saabsan baadhida cilada xadiithka.

Sideen ku gartaa xadiithka ciladiisa maadama aanan ahayn mid horey ka dareemaya sida dahablaha uu horey uga garto dahabka kan saxda ah iyo kan beenta ah?.

Sidan samee: 

  1. Soo uruuri duruqdiisa oodhan: Xadiithka aad isleedahay waa inaan baadho sixidiisa waa qasab inaad soo uruuriso inta waddo ee uu ku yimid.
  2. Kadibna waa inaad waddo welba ragga werinaya aad meel kuwada qorato.
  3. Raggaas aad wada qoratay waa inaad soo baadho mid welba turjumadiisa, Culimadu waxay ka dhaheen iwm. Nin welba oo xadiith weriyay culimadu waxay ka qoreen hadal. Xataa kan la aqoon waxay dhahaan ” Hebel ma naqaano waa majhuul”.

Kutubta Rijaasha laga qorana way badanyihiin, waxaa kamid ah : Siyaru Aclaamu Nubalaa, Tahdhiibul Kamaal, Miizaanul ictidaal, Cilalka Tirmidi, Daaraqudni, iyo Ibnu Abii Xaatim.

FG: Ciladu badanaa waxay gashaa isnaadka oo way yartahay matniga in laga helo cilad.

Wallaahu tacaa aclaa wa axkam

Waa kuma Dr Cali Maxamed Saalax

February 21, 2016

New
Bismillaah, Turjuma gaaban oo ku saabsan Dr Cali Maxamed Saalax

 
Magaca Sheekha iyo Barbaaridiisa

 
Sheekha Magaciisa oo dhamaystiran waxaa la yidhaahdaa Cali Maxamed Saalax Cabdallah. Waxuu sheekhu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Somalia. Sheekha labadiisa waalid way dhinteen Ilaahay swt haw naxariisto.

 
Barashadiisa Cilmiga

 
Dr Cali markii uu gaadhay 12 sanno waxay waalidkiisu go’aamiyeen inuu wax barto. Waxbarashadaas ha noqoto mid diini ah ama maadi. Hadaba markii ugu horeysay sheekha waxay waalidkiisu geeyeen madrasada Qur’aanka. Halkaas oo ku bartay Qur’aanka sida loo akhriyo loona qorayo. Markuu gaaadhay 13 iyo meelahaas waxuu sheekhu noqday mid ku xidhan masaajidada. Waxuu halkaa ku bilaabay kitaabka Safiinatu Salaah oo uu akhriyay Sheekh layidhaahdo Sh Ibraahiim (Raxmatullahi Calayhi). Kadibna kutubta Shaaficiyada ayuu tartiib u qaatay ilaa uu makii danbe Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) uu oga akhriyay Minhaajka. Waxaa hadana markale Minhajka u akhriyay Sheekh la odhan jiray Sheekh Maxamed, sheekhaas oo isna akhriyay kutubtii markaa wadanka laga akhrisan jiray ee ahayd Riyaadu Saaixiinka iwm.
Markay taariikhdu ahay 1982 dhamaadkeedii ama 1983 bilowgeedii ayuu sheekhu waxuu la socon jiray tafsiirka uu akhrin jiray Sheekh Maxamed Daxduux (Raxmatulahi calayhi), si taxana ayuu ula socon jiray ilaa uu ka dhameeyay, mar labaadna uu soo bilaabay oo uu la dhameeyay. Sheekh Maxamed Daxduud waxuu tafsiirka ku dhamayn jiray 8 bilood iyo 4 maalmood waxuuna lahaa laba xalqadood. Waxaa garab socday Duruus xadiith ah uu akhrin jiray Sheekh Boqolsoon sida Arbaciinka, Riyaadu saalixiin, Sunanka iwm.
Kadibna waxuu Sheekhu wax ka dhagaystay Sh Maxamed Nuur Qawi oo duruustiisu ku bixi jirtay luuqada carabiga. Siduu Dr Cali sheegayana waxuu yidhi luuqadayada carabigu iska dhaciif ayay ahayd xiligaas oo wax saas u badan maanan ka fahmi jirin., balse dersiga markaan isku soo celino ayaa ahayd wax weyn oo faa’iido leh.
Waxaa sidoo kale isla xiligaa garab socday kutubta luuqada oo uu akhrin jiray Sh Canshuura, sida kutubta Maqaamatul Xariiri, Mucalaqaatu Sabca iwm. Waxaa sidoo kale garab socday funuunta Cilmul Musdhalaxul Xadiith laga bilaabo Bayquuniyada, Taysiiru Musdhalaxul Xadiith, Al wajiiz, kadibna Tadriibu Raawi oo uusan sheekhu markaa la dhamaysan ardayda.
Sheekha waxaa aad u dhiiri gelin jiray waalidkiis khaasatan hooyadii. Waxay iska jeclaayeen inay kula xisaabtamaan inuu dersiga tagay iyo in kale. Sidoo kalena way ka war hayn jireen.

 
Safarkiisii Madiinah

 
Sheekhu markuu ka baxay dugsiga sare ayaa waxuu Ilaahay qadaray inuu soo aado Madiinah taariikhduna waxay ahayd 1987, waxuuna ahaa mid jecel takhasus diini ah.
Sheekhu markuu yimid Madiina waxuu galay Jaamacatul Islaaamiyah Almadiina qaybta kuliyada Xadiithka. Sababta uu u galay qaybta Xadiithkana waxay ahayd siduu sheekhu sheegay, funuunta kale sida Tafsiirka iwm wadanka aad ayaa looga akhrisan jiray, laakiin waxaa jirtay baahi xadiithka loo qabo. Marka uu kasoo tagayay wadankiina waxaa socotay xalaqa Saxiix Muslimka ah oo uu bixin jiray Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo sidoo kale waxaa socotay xalaqo Raxiiqul Makhtuumka iwm.
Sheekha Jaamacada Madiina 4sano oo la maro ayuu maray waxaana u wehelinayay xalaaqaat extra ah oo ka bixi jiray xaramka iwm. Kadib sheekhu waxuu Majisteer ku qaatay “Takhasusu Dacwah”, buuga uu qorayna waxaa la odhan jiray “Taxqiiq wa Takhriij Az-zawaaid lil Haythami” laga bilaabo Tafsiirka suuratu Yunus ilaa hoos. Kitaab diyaarsan oo yaala weeye maanta. Sheekha xiligan ayuu usoo jeedsaday inuu Qur’aanka Ilaahay sifiican u xifido, maadama sheekhu siduu sheegay uu markuu yaraa uusan xifdigiisa Qur’aanka uusan sifiican u sugnayn.

 
Safarkiisii Malaysia

 
Sheekhu waxuu kadib aaday xagaa iyo Malaysia isagoo raadinaya wax intan kasii sareeya. Mac-had ayuu ka noqday macalin “Luqada carabiga dadka aan af carabiga ku hadli Karin” ayuu macalin u ahaa. Kadib waxuu maamule ka noqday Jaamacada uu macalinka ka ahaa.
Sheekha inta uu maamulaha iyo macalinka ka ahaa jaamacada Malaysia ku taalay, waxuu garab waday inuu diyaariyo PHD. Takhasuskiisa phd waxay ahayd wax la xidhiidha “Al adyaan wal firaq”. Waa wax ku saabsan diimaha gaar ahaan waxa loo yaqaano “Trialogue of Abrahamic faiths”, waxuuna galay qaybta ay ku magacaabaan “Usuulu diin wal Falsalafa”. Buuga ama kitaabka uu qorayna waxaa la yidhaahdaa “Al xiwaar adiinil Ibaarhiimi fii Miizaanil Qur’aan”, waxuuna ka mid yahay Mu’alifaatka hadda yaala.
Sheekhu 2001 ayuu si rasmi ah ugu soo guuray Norway, halkaas oo uu ka wado dacwada iyo weli Dalabul Cilmi.

 
Culimada Sheekha

 
Sheekh Cali waxuu cilmiga ka qaatay runtii culima aad u badan, kuwaas oo isugu jira jinsiyada kala duwan. Culimadaas oo qaarna uu wax ka soo bartay marka uu joogay dalka gudahiisa (Somaliya) qaarna dalka dibadiisa uu wax kaga bartay. Hadaba culimadasi lama koobi karo laakiin qaar kamid ah hadaan sheegno waxaa kamid ah:
• Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere)
• Sheekh Boqolsoon
• Sheekh Nuur Qawi
• Sheekh CabdulCaziiz Cabdilladiif Aaala sheeekh oo siduu sheekhu sheegay uu yidhi waxuu ahaa caalim aad iigu yeeshay raad weyn xagga dacwada
• Dr Madar Zahraani
• Sheekh Cabdil Muxsin Al Cabbaad oo siduu sheekhu sheegay ahaa mid Murabi ah kuna yeeshay ta’thiir weyn.
• Sheekh Jaabir oo uu sheekhu kula kulmay Mekkah kana qaatay ijaazo kitaabka “Muqadimatu Ibnu Salaax”.

 
Duruusta iyo Muxaadaraadka Sheekha

 
Dr Cali Saalax Ilaah swt ha xifido runtii waxuu duubay duruus aad u badan kuwaas oo isugu jira funuun kala duwan sida Tafsiir, Fiqhi, Xadiith iwm. Sheekhu waxuu duruus ka bixiyaa Masjidka Tawfiiq ee dalka Norway, sidoo kale waxuu sheekhu kamid yahay Culimada wax ka dhiga Zaylaci Academy. Sheekhu waxuu kamid yahay culimada ka qayb qaata Mu’tamarada Islaamiga ah sida Mu’tamarka lagu qabto Norway, Sweden, Denmark iwm.
Sheekha Duruustiisa iyo Muxaadaraadkiisa oo isugu jira Maqal ama muuqaal waxaad ka heli kartaa Youtube, Daarulcilmi, Zaylaci Academy iwm.

Dr Cali waxaa weraysigan la yeeshay Khaalid Sheekh Maxamuud oo ah ardayda Zaylaci Academy arday kamid ah.
@Muhaditha.wordpress.com