Skip to content

Shamsu-diin A-Dhahabi

October 29, 2010

Imaam Dhahabi

Magaciisa:  Shamsu diin Abuu cabdallah maxamed bin axmed bin Cuthmaan bin Qaymaaz bin cabdallah addahabiy Aturkumaani
Asalka Immaam addahabi wuxuu ahaa Turkumaani .wuxuu dhashay bishii Rabbical aakhar sanadkii 673H. Ibnu xajar wuxu sheegay inuu dhashay bishaan 3deedii .wuxuu ku dhashay Damishaq wuxuu ka dhashay qoys diineed.

Shuyuukhdiisa:

Sheekhu waxuu wax ka dhagaystay culima faraweyn sida: Abil Macali al abraquuhi, Ibnu Daqiiq al ciid, Sharafu diin Addimyaadi, Ibnu Teymiyah, Xaafidul Mizzi, Albarzaali iyo qaar kaloo badan.

Imaam addahabi wuxuu ahaa caalim ku takhasusay culuum badan haba ugu sii badnaado Cilmul xadiithka .wuxuu ahaa mid ku xeel dheer cilmiga Qiraa’aatka sidoo kale cilmiga xadiithka iyo taariikhda .Sanadku markuu ahaa 691hj wuxuu u jeestay imaamku barashada cilmiga wuxuu ka qaatay cilmiga qiraa’aadka sheekhul Qurra’a Jamaalu diin abii Isxaaq Ibraahim ibnu Daa’uud Alcasqalaaniyy.

Waxaa lagu tiriyaa Imaam addahabi Mu’arakhiinta (taariikhyahanada) Islaamka kuwa ugu waaweyn, sidoo kale imaamku wuxuu ahaa xaafid ka mida xufaada cilmiga xadiithka kuwooda ku xeel dheeraaday cilmigaas marka laga hadlayo رواية ودراية . la yaab maleh haduu noqdo mid amaantiisu ay gaartay dhamaan dadka musliminta waxa lagu amaanayana waa wanaaguu la yimid iyo cilmiguu uga tagay musliminta.
wuxuu si qoto dheer ubartay imaamku itqaaniyayna xadiithka wuxuu aha mid kala yaqaan xadiithka Cilada leh(Aljarx watacdiil). Sidoo kale waxuu yaqaanay Axwaasha xadiithk iyo xaaladuu soo maray xadithku ee dadkii ka horeeyay sideey wax u tarjumeen . Wuxuu kaloo imaamku kala saaray waxyaalaha qarsoon eelaga dhex heli karo xadiithka iyo taariikhdiisaba.
Wuxuu ururiyay imaamku waxyaalo badan oo ka mida xadiithka faaido badana u leh ummada musliminta ee ka danbeysa isaga maadaam uu ahaa Imaamku mid aqoon durugsan u yeeshay cilmul xadiithka. Casrigiisii waxa lagu tiriyaa inuu ahaa qofka ugu wax ka qorid badan marka laga hadlayo cilmul xadiithka wuxuu kaloo ururiyay taariikhada islaamka waxay ka qoreen culimadii ka horeysay wuxuuna ku sameyey dib u habeyn gaar ahaan kuwa muxadithiinta.(kuwa xadiiska ka hadla). Imaamka Wuxuu Allah ku manaystay Fahmad dheeri ah iyo maskax furan waxa noogu filan cadeyn Siduu caan uga dhex noqday zamankiisi iyo kuwii ka danbeeyayba .

kadib markuu bartay cilmiga qiraa,aatka imaamku isagoo ku bartay cilmigaa yaraan wuxu Alifay kitaab la yiraahdo”التلويحات في علم القراءات” iyo kitaab kaloo la yiraahdoمعرفة القراء الكبار على الطبقات والأعصار hase yeeshee wax firaaqo ah  uma uusan helin imaamku Fanka qiraa’aatka, ku mashquulid uu ku ku mashquulsanaa  Cilmul xadiithka darteed ,siduu sheegay Ibnu Aljazariy
Imaamku wuxu waqtigiisa oo dhan siiyay u adeegida cilmul xadiith wuxuna ka qoray kana afilay kutub aad u badan
Mu’alafaadka imaamka waxa ka faaiideysan jiray dhaman muslimintii nooleyd waqtigiisii iyagoo u soo dhoofi jreen dartiis si ay uga qaataan cilmiga ilaahay ku galadeystay ka dhagaystaan kana akhristaan ,kana qaataan nusakh (copy).

Kutubtiisa caanka ah:

  • تاريخ الإسلام
  • سير أعلام النبلاء
  • طبقات الحفاظ
  • طبقات القراء
  • مختصر تهذيب الكمال
  • التجريد في أسماء الصحابة
  • الميزان في الضعفاء

Waxuu dhintay habeen isniin ah taariikhduna ay ahayd 3 Dulqacda 748hj. Waxaana lagu aasay Qubuurta Baabu saqhiir. Waxaana Janaazadiisa ka soo qeyb galay oo ku tukaday culimo badan sida, Taajudiin Subki iwm.

Ilaahay swt Ha unaxariisto Naxariis Waasic ah aamiin

WQ: Najma Saciid

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: