Skip to content

Sheekh Muxammed As-Somali

November 8, 2010

Taariikh nololeedkii  Sheekh Maxamed Ibnu Cabdulllahi  As-Somali

Sheekha Wayn ee ah muxadithka ee la odhan jiray Maxamed Ibnu cabdullaahi  Ibnu axmed As-somali  wuxuu kasoo jeedaa {Reer Amaadin Ogaden} ee dagta Gobalka Somali Galbeed (Ogaden) ee ay axmaaradu hada guumaysato.

Sheekh  Maxamed wuxuu Dhashay bilowga  qarnigii  inaga tagay  ee taariikhda miilaadiga.  Shiekh maxamed wuxuu arkay oo uu la kulmay  Sheekhii waynaa ee mujaahidka ahaa  Sayid Maxamed Cabdille Xassan allah Yarxamuhu.

Waxbarashadiisa

Shiekhu wuxuu waxbarashada bilaabay isaga oo aad u yar da’diisu markay  ahayd  7 ama 8 sano ayuu bilaabay barashada  Culuumta diinta.  Wuxuu ka bilaabay  Xifdinta quraanka kariimka ah  oo uu ka bartay  Macalin Cali Sheikh Xassan. Intaas kadib Kitaabka  fiqihiga shaaficiga ah ee {Safiinatu Najaa} ayuu ka bartay  Cali sheikh  Cabdiraxmaan Cawl. Sidoo kale wuxuu ka akhristay sheikh la odhan jiray  Cali sheikh maxamed Nuur Xirsi kitaabka Ajruumiga iyo Sharixiiga cashmaawiga, Mulxatul Icraab, Laamiyatul Afcaal iyo  Minhaajka.  Kadib wuxu ka dhagaystay kitaabka Minhaajka   Cali sheikh xaaji Tima Casse.

Kadib Sheekh Allah ha u naxariistee  markuu  wax ka bartay culimada ku dhaqnayd dagaanka uu ku noola, wuxuu bilaabay  sidii  dhaqanka iyo caadada u  ahayd culimadii salafka inuu bilaabo socdaal uu  ku tago dhulalka Islaamka, si uu cilmigiisa kor ugu sii wado.   Safarkiisii/socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu  ugu safray cilmiga wuxuu bilaabay markii uu jiray 20 sano.  Wuxuna  ka bilaabay magaalooyinka Jigjiga iyo  Harar  oo labaduba aan aad uga fogayn meesha uu sheikh ku koray oo ahayd Faafan.

Sheekhu  inta uu ku guda jiray  socdaalkiisa waxbarasho ,xanuuno badan baa ku dhacay oo ay sabab u ahaayeen  kala duwanaanshaha cunto somaliga iyo cuntada xabashida.  Kadib markii uu ka ladnaaday xanuunkii wuxuu ka helay sahay eedadii   taas oo uu ugu dhaqaaqay  dhinaca Jabuuti.  Jabuuti wuxuu kula kulmay sheekh Cali Jawhar oo  uu ka akhristay culuumul fiqhiga.  Si walba ha ahaate sheikh Maxamed muddo badan masii joogin wadanka Jabuuti  laakiin markiiba wuxuu uga sii gudbay  dhankaas iyo  dalka Yemen. Inta uu shiekhu kusii jiray  safarkiisa  dhanka yemen  wuxuu u raacay Doon taas oo badda kula Qarqan gaadhay.  kadib sheekhu wuxuu gaadhay magaalada Zubeyda  halkaas uu ka akhristay culuumta Fiq-higa shaaficiyada. Kadib  saddex bilood sheekhu wuxuu usii safray dhankaas iyo magaalada Qadiic halkaas oo u bil sii joogay  isagoo ka baran jiray sheekh  Yayxe muf-tigii magaalada qaciid kitaabka Minhaajka ee fiqhiga shaaficiyada.

Intaas kadib sheekhu wuxu u wareegay dhankaas iyo  magaalada Sanca oo ka bilaabay barashada culuumta carabiyada  kitaabada kala ah  Qawaacidul Icraab iyo Jawharul Maknuun. Sheekhu wuxu diiday inuu barto madh-habka Zaydiyada oo wuxuu yidhi waxaan ahay shaaficiyah.

Kadib sheikh kamid ah shuyukhdiiisa oo la odhan jiray magiciisa  Ustaad Yaxya al ciisi  ayaa sheekha  kula taliyay inuu xooga saaro cilmiga xadiithka iyo barashadiisa. Kadib wuxuu ka bilaabay  oo uu xafiday  500 oo xadiith kitaabka BuluuGhul Maraam, kadibna wuxuu bilaabay  akhriska kitaabka Subula Salaam ee uu qoray imaamu Sancaani.

Shiekhu markii dambe wuxuu damcay inuu usii gudbo dhankaas iyo Masar oo  uu waxbarashadiisa kasii kordhiyo   laakiin waxaa ka hor qarxay dagaalkii  Labaad ee aduunka, kadib baddii ayaa la xidhay.

Sheikhu wuxuu intaas kadib u wareegay dhankaas  iyo Sucuudiga oo  uu kula kulmay sheikh Maxamed xaamid  al faqi. Shiekh  xaamid alfaqi wuxuu su’aalay sheikh meesha uu ka yimd wuxuuna yidhi waaxan ka imid SomaliYa. Sheikh maxamed As Somali wuxu yidhi dadka xadiithka bartaa way gaajaysan yihiin halka kuwa khuraafaystaasha ah ay ka barwaqaysanyihiin. Kadib shiekha waxaa la geeyay meel loga qoray maalinwelba  Laba hal oo rooti waawayn ah inu ka qaato.  Shiekhu wuxuu wax ka baran jiray  Daarul xadiith oo ku taalla makka al mukarrama.  Halkas wuxuu cilmiga kaga qaatay sheikh  Cabdrisaaq Xamza al misri,  Sheekh abi Samxi Imaamkii xaramka,  sheekh Sulaymaan  ibnu Cabdiraxmaan Alxamadaan, Sheikh abii Saciid albaakistaani,  sheikh Maxamed ibnu Suldaan almacsuumi,  sheikh Maxamed ibnu Cabdilxaqq Alhaashimi,   iyo culimo kale oo tiro badan.

Shiekhu wuxuu u laazimay oo  inbadan culuumta ka qaadan jiray  sheikh cabdirisaaq ibnu xamza al misri  oo  uu kutub tiro badan ka qaatay, sheikh cabdirisaaqna ad bu u jeclaa shiekha markuu arkay dadaalkiisa badan ee uu wado.

Intaas kadib  sheekhu wuxuu ka qalin jabiyay  Daarul xadiithta ku talla makka almukarrama Sanadkii 1965, Darajo aad u saraysa ayuuna ka gaadhay culuumta Islaamka  iyo  funuunteeda.  Kadib macalin ayaa looga dhigay daarul xadiith oo uu dadka wax ku bari jiray .

Shiekhu woxogay kadib lugta ayuu ka jabay markaas ayaa waxaa loo ogolaaday in cashirrada uu gurigiisa ku dhigo  oo halkaas ardaydu kaga qaataan duruustii uu bixin jiray halkaas ayuuna ka waday ilaa uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee.

Shiekhu wuxuu ahaa sheikh zaahid ah oo ka dhawrsada aduunyada iyo daba cararkeeda. Hal qol ayuu daganaan jiray markii layidhi sheikh maan kuu yara waynayno guriga wuxuu yidhi ma waxaad rabtaan in layidhaahdo  sheikh Maxamed waa damac badan yahay.

Shiekha waxaa cilmiga ka qaatay culimo aad u tiro badan oo aan lasoo koobi Karin waxaa kamid ahaa culimada waawayn ee shiekha wax kasoo baratay  ama xadiri jirtay  Xalaqooyinkiisa cilmiga sheikh Maxamed ibnu Cabdullahi  Assabiil,  Shiekh Yaxya ibnu Cuthmaan al-makki alhindi, sheikh Muqbil ibnu Haadi Alwaadici,

Culimada kale ee shiekha ijaazo ahaan wax uga qaatay  waxaa kamid ah iyagana Shiekh Cabdiraxmaan al Xudeyfi,  sheikh Axmed  ibnu Muxamed ibnu Cuthmaan Almuniici,  sheikh Musaacid Alxumayd,  sheikh Rabiic ibnu Haadi al-madkhali,  sheikh Maxamed Al-madkhali,  iyo culimo kale oo badan.

Shiekhu wuxuu  kasoo qayb qaatay door laxaad leh faafinta diinta iyo barista culuumta xadiithka

Wuxuu Geeriyooday sheikh Maxamed  Bisha Ramaadan 3deedii 1420 Tariikhda Hijriga

Ilaahay Sheikha ha dajiyo darajooyinka sar sare ee Janooyinka.

WQ Craxmaan

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: