Skip to content

Waa Maxay Xadiis Al Qudsi?

November 22, 2010

Xadiith-yada Rasuulka salalaahu calayhi wasalim laga wariyo  waxay u qaybsamaan 2 qaybood .

  • Xadiith Nabawwi
  • Xadiith Qudsi

Haddaba Muxuu yahay Xadiith Al Qudsi?

Luuqad ahaan: Alquds waa “Adduhr” (daahir ah)  Yacni waa xadiith loo tiiriyo Ilaahay Dhaatadiisa caza wajjal.

أي الحديث المنسوب الى الذات القد سيه ,وهو الله سبحانه وتعالى

Isdilaax ahaan: Waa xadiith walba oo uu  Rasuulku scw ka soo wariyo xagga ilaahay, Xadiithka qudsiga ah  lafdigiisa (erayadiisa)  waxaa leh Rasuulka scw. Macnihiisana  Allah caza wajal.

Kelmada Isdhilaax Waxaan kawadaa Waxay culimada Xadiithku ku heshiiyeen.

Laakiin  xadiithka Nabawwiga ah  lafdigiisa iyo macnihiisaba waxay ka yimaadeen xaga Rasuulka scw.

Hadaba Waa maxay farqiga u dhexeeya  xadiithka qudsiga iyo Qur’aanka?

Waxaa u dhexeeya   arimo badan oo lagu kala sooco xadithul qudsi iyo qur,aanka ,waxaana  soo qaadan doonaa qaar ka midda  Farqiyadaas  inshAllah.

Waana kuwaan :

1…  Qur’aanku waa mutawaatir  lafdi iyo macnaba  xadiiska qudsiga  ahse maaha mutawaatir.

2…  Qur’aanku waa cibaado akhrintiisu  salaadahaa lagu akhriyaa waana la iska  ajar siiyaa halkii xaraf ee la akhriyaa,   xadiithka qudsigu se  maaha sidaa ..

3…  Xadiithaka qudsiga ah lafdigiisa wuxuu ka yimid  Rasuulka scw.  Macnihiisana xagga ilaahay caza wajjal .  Qur’aankuse lafdi iyo macnaba waa xagga Allah..

4… Qur’aanka waa Mucjiso  ilaa maalinta qiyaame  xadiithka qudsiguse mucjis  maaha..

Axaadiithta qudsiga kuwo aad u badan maaha  sida xadiithyada nabawiga ah,  waxaa lagu qiyaasaa ilaa 200 oo xadiith.

Tusaale ka midda xadiithka qudsiga:

عن أبي ذر الغفاري رضي الله عنه ، عن النبي صلى الله عليه وسلم فيما يرويه عن ربِه عز وجل أنه قال : ( يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي ، وجعلته بينكم محرما فلا تظالموا رواه مسلم

Xadiithka qudsiga ah labo dariiqo/nooc/hab ayaa loo wariyaa  kuwaasoo kale ah sidaan:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم فيما يرويه عن ربه عز وجل “”

أو قال الله تعالى فيما رواه عنه رسول الله صلى الله عليه وسلم

Xadiithka qudsiga ah wuxuu leeyahay Saxiix, xasan, Dhaciif iwm.

Kutubta ugu caansan ee laga qoray xadiithul qudsiga  waxaa ka midda  kitaabkaan

الإتحافات السنية بالأحاديث القدسيه Ee uu Qoray” Abdu Ra’uuf  Almannawi”.


Wallahu tacalaa aclaa wa axkam

WQ: Najma Siciid

2 Comments leave one →
  1. maxamad maxamuud cilmi permalink
    May 27, 2015 8:06 am

    asc dhamaantiin waxan rabaa inaan ka qayb qaato marka sidee uga so qayb galikaraa

    • May 27, 2015 2:55 pm

      Asc walaal emailkan nagala soo xidhiidh muhaditha@hotmail.com. Jzkheyraa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: