Skip to content

Imaam Jalaaludiin As-Suyuudi

November 23, 2010

Bismillah

Magaca Imaamku waa  Cabdiraxmaan bin Al kamaal Abibakar bin Muxamed Saabiqdiin Al khudeyri  Al Asyuut  ee kuna caan baxay Jalaaludiin As-Suyuudi.

Dhalashadiisa & Caruurnimadiisa.

Imaam Suyuudi waxuu dhashay bishii Rajab sanadka hijriga markuu ahaa (849),taarikhda miilaadigana ku began bisha Septemper 1445 . Waxuuna ku dhashay magaalada Cairo.

Imaamka waxuu ka dhashay Qoys ku caan baxay cilmi oo ahana reer ehlu diin ah. Aabihii waxuu geeriyooday asagoo 6 sano jira ,waxuuna ku barbaaray agoon-nimo.  Isla isagoo 6 sano jira ayuuna bilaabay inuu xifido Qur’aanka, Waxuuna xifdiyay isagoon gaadhin 8 sanno. Da’dan intuu ku jiray waxuu Imaamku xifdiyey kutubada kala ah sida(cumdatul axkaam , minhaaj al fiqhi , Al usuul ,Alfiyatu ibnu maalik).

Culumadii la wareegey barbaarinta imaamka ee uu aabihiina kula dardaarmay waxaa kamid ahaa “Al Kamaal ibnu Hammaam al Xanafi”.  Waxuuna ahaa culumada casrigiisa ugu faqiihsanaa,  imaamkuna aad buu ugu raadyeeshey sheekhaas.

Shuyuukhdiisa/ Culimadiisa

Cilmiga barashadiisa waxuu bilaabay imaamku taarikhdu markay ahayd 864hj/ 1459 milaadiga. Waxuuna bartay fiqiga,naxwaha iyo faraa’idka. Muddo labo sano ah isagoo wadda ayuu helay ijaazo oo waxaa loo ogalaadayba inuu dadka mucalim u noqdo oo uu baro luqada carabiga.

Isla sanadkaas wuxuu alifay ” شرح الاستعاذة و البسلمة”,Sheekhisa ahaa Siraajudiin al Balqani ayaa ku amaanay oo ugu mahadceliyay.

Imaamka qorshihiisu wuxuu ahaa inuu doorto hal sheekh  kaliya oo  uu wax ka barto, hadii uu dhintana inuu mid kale u badasho. Sheekhyadiisa sheekha ugu weyn waxuu ahaa Muxyidiin al Kaafiiji. Wuxuuna la joogay oo uu wax ka baranayay 14 sano, waxuuna ugu naanaysay sheekaas Ustaadul Wujuud.

Waxaa sidoo kale culimadiisa kamid ahaa:

  • Sharafudiin Al Manaawi, wuxuuna ka qaatay Qur’aanka iyo fiqiga.
  • Taqqiyu diin A-shibli, wuxuuna ka bartay xadiithka muddo 4 sano ah. Markuu dhintayna wuxuu laazimay imaam Al kaafiiji wuxuuna la joogay 14 sano. Waxuuna ka bartay التفسير, والاصول , و العربية , و المعاني
  • Jalaaludiin Al Mxallaa.
  • Al Marzabaani
  • Al afsaraa’i
  • Al Cizi al Xanbali.

Iyo culima kaloo badan

Sidoo Kale imaamku waxuu cilmul xadiithka ka bartay 150 caalim. Culimadaas oo ahaa kuwa ku tagay cilmul xadith. Imaamka culumadiisu kuma koobneen raga kaliya ee waxaa kamid ahaa xataa dumar. Sida: Aasiya bintu Jaarulaah ibnu Saalax, Umu Haani bintu abii Xasan Al Hraweyni, Umu Fadhal bintu Muxammed al Maqdisi iyo Kamaaliya bintu Muxamed al Haashimiyya.

Socdaaladii Sheekha.

Imaamka wuxuu u safray oo ku wareegay Masar sida Dimyaat, Kalfiyoom . Sidoo kale waxuu u safray bilaadu Shaam, Yemen, Hindia , Marroco iyo weliba Xijaaz oo uu ka cabay biyaha zamzamka , markuu cabayayna niyadda gashaday inuu fiqhiga ka gaadho darajada Siraajudiin al Balqiini , Xadiiskana Ibnu Xajar Al Casqalaani oo kale.

Ardaydiisa:

Imaamka ardaydiisa waxaa uga caansanaa:

  • Shamsu diin A-Daa’uudi oo ah sheekha leh kitaabka “Dabaqaatul Mufasiriin”.
  • Shamsudiin Ibnu Dhuuluun.
  • Shamsudiin Shaami
  • Ibnu Iyaas oo ah imaamka leh “Badaa’ic Az Zuhuur”

Mu’alifadkiisa/ Kutub alifaadiisa.

Taariikhdu markay ahayd 871hj / 1466 milaadiga wuxuu u fariistay Imaamku inuu fatwoodo, wuxuuna noqday nin cilmiga daraja ka gaaray. Hadaladiisa waxaa kamid ahaa inuu yidhi

رزقت التبحر في سبعة علوم, الحديث,و التفسير , و الفقه ,و النحو,والمعاني ,و البيان, و البديع

Waxaanse ugu darayaa inuu Ilaahay ku irzaaqay , Usuul fiqhi, Jaduul iyo Cilmul Qir’aat.

Sidoo kale Imaamka wuxuu aad xooga u saari jiray cilmiga xadiithka wuxuuna shegtey inuu xifdiyey 200kun oo xadiith, darajo aad u sareeysana wuu ku gaaray faniga xadiithka.

Imaamka wuxuu alifay ugu yaran 600 kutub. Waxuuna ka alifay culuumta kala ah sida: Tafsiir, Xadiith, Balaqhah, Naxwe, Fiqhi, Usuul, Taariikh, Adab iyo Tasawuf.

Kutubtiisa qaar:

  • الجامع الصغير من حديث البشير النذير
  • الجامع الكبير
  • ألفية السيوطي
  • أسباب ورود الحديث
  • تدريب الراوى في شرح تقريب النواوي
  • طبقات الحفّاظ
  • عين الإصابة في معرفة الصحابة
  • كشف المغطي في شرح الموطأ
  • لب اللباب في تحرير الأنساب
  • لباب الحديث
  • لباب النقول في أسباب النزول
     

    Geeridii Imaamka

Imaamku waxuu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalay meel u dhow webiga Niil ee (Qahira), bishu markay ahayd  (19 Jamad al ulaa 911/hj ama 20-october 1505) waxaana lagu aasay qabriga aabihii dhinaciisa Kasoo ku yaalay agagaarka Masjid ku yaala Asyuut.

Wallahu Tacalaa Aclaa wa axkam

WQ Cumar M

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: