Skip to content

Xadiiska Mawduuca Qeybta 1aad

November 24, 2010

Bismillah

الموضوع

Waa maxay Xadiiska Mawduuca?

Luuqad ahaan: Mawduuc waxaa la yidhaahdaa “وضع الشيء” .oo laga wado “shey la dulsaaro” . Tusaale marka la leeyahay qofkaas waxuu dhigay hadalkaas ama wuu korsaaray shegyaas iwm.

Isdhilaax ahaan:  Xadiiska mowduuca ah waa xadiis lagu been abuurtay, lana sameeyay,  ka dibna loo tiiriyay Rasuulka scw. Taas oo aan ahayn ficil uu sameeyey oo laga arkay , ama hadal uu ku hadlay ama  taqriir (taqriir waxaa loola jeedaa wax Rasuulka scw agtiisa lagu sameeyey ama lagu yiri kadibna  uusan ka reebin saxaabada ama ka hadal) sidoo kale in loo tiiriyo siffo uusan lahayn. Xadiiska noocaas ah ayaa la dhahaa “Xadiis Mawduuc ah”

Qeybaha xadiiska marka laga hadlayo Xadiiska Mawduuca waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay axadiista dhaciifka nooca ugu xun. Culimada qaarna waxay ku tiriyaanba inuu noocani yahay qayb ka gooni ah,oo qeybaha xadiiska daciifka kumaba tiriyaan.

Xukunkiisa:

Waxay isku raaceen culimadu inaysan u  bannaaneyn cidna inay soo wariso xadiis Mowduuc ah. Culimaduna waxay daliishteen Xadiiskii Rasuulka scw ee ahaa.

‏(‏من حدث عني يبحديث يرى أنه كذب فهو أحد الكاذبين‏)‏‏.‏ رواه مسلم‏

Xadiiskaan wuxuu Rasuulku scw ku cadeynayaa  qofka ka sheega  xadiis uu arkayo inuu yahay been laga abuurtay  Rasuulka scw  inuu yahay qofkaasi  beenalayaasha midkood. Culimada Ahlu sunna dhamaantood waxay isku raaceen in been abuurashada Nabbiga scw ay ka mid  tahay danbiyada waa weyn oo aysan sinaba ku banaanayn in Nabiga scw laga sheego been.

Sidoo kale waxay culimadu isku raaceen in la celiyo oo lagu diido warinta qofka ku been abuurta  Rasuulka scw . Waana xaaraam bay yidhaahdeen in la weriyo xadiis Mowduuc ah hadaan la cadeyneyn inay yihiin been/mawduuc,hadiise la cadeeyo inuu mowduuc yahay waa gooni..

Rasuulku scw, wuxuu xadiisyo badan uga digay  in lagu been abuurto, oo wuxuusan orana laga sheego .Xadiiskan uu werinayo Muqiirah  bin shucbah wuxu yiri ,waxan maqlay Nabiga scw oo leh:”Been abuuradka la iga been abuurto la mid maaha been abuuradka laga sameeyo dadyowga kale, qofkii  iga been abuurta si kas ah haka diyaarsado booskiisa naarta” .Bukhari.

Laba qaab/nooc oo Nabiga scw loogu been abuurta:

1.  In qofka xadiiska  mowduuca ah sameystay isagu iska  alifto hadal kadibna u sameeyo isnaad,  sidaana uu ku wariyo xadiis mowduuc ah.

2…  iyo inuu  ka soo qaato hadal qaar ka midda  dadka Xikmada leh  ama dad kaleba  ka dibna  uu u sameeyo isnaad.

Sidee lagu ogaan karaa xadiiska mowduuca ah ?

Xadiiska mowduuca ah   waxaa lagu ogaan karaa marka  laga soo tago isnaadkiisa dhowr siyaabood .

1. Waa iyadii oo uu qofkii sameeyey xadiiska mowduuca ah laftigiisu uu qirto inuu sameeyay xadiiskan, sida  uu qirtay ninka la yiraahdo  Abii Cismat Nuux bin abii Maryama, isagoo sameeyay axaadiis mowduuc ah oo ku saabsanaa Fadliga ay suurad welba oo Qur’aanka leedahay. Marka la weydiiyayna waxuu yidhi” sababtoo ah waxan rabaa inaan dadka jeclaysiiyo Quraanka”.

2. Sidoo kale inuu qofkii xadiiskaa mowduuca ah sameyeeyay uu xadiis ka weriyo sheekh uu leeyahay wax baan ka bartay,  kadibna la ogaado inuu sheekhaa u sheegayo dhintay isagoonba dhalan, xadiiskaas uu sheegayna aan laga  maqal isaga mahee. cid kale .

3. Waxaa kaloo lagu ogaan karaa in  uu noqdo kan wax warinaya  Raafidi/shiico, xadiiska uu werinayana uu ku saabsan yahay fadliga ahlu baytka . Marka way iska caddahay meeshuu u janjeedho.

4. Amaba waxaa laga yaaba inuu xadiiskuba yahay mid khilaafsan Qur’aanka . Waayo saan ognahay Sunnada Nabiga scw iyo Qur’aanku isma khilaafaan.

Qeybta 2aad la soco InshaAllah

WQ: Najma Sicid

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: