Skip to content

Sanadka/silsilada xadiiska iyo muhiimadiisa

December 22, 2010

Bismillah.

Waa Maxay Sanad?

Sanadku waa  Silsilada xidhiidha ee lagu wariyo xadiithka ee kugu xidhaysa ilaa hadalka meeshuu ku dhamaado. Hadalkaas oo laga yaabo inuu ku dhamaado, Nabiga (Sallalaahu Calayhi Wasallam), Ama Saxaabi ama Taabici.

Muhiimad intee la eg buu leeyahay Sanadku?

Sanadku  ahmiyad aad u wayn ayuu u leeyahay  umadan islaamka ah,  maxaa yeelay waa silsilada inagu xidhaysa oo cadaynaysa inaan kala kulanay diintan ama aan kaqaadanay saxaabada Nabi Muxamed (Sallalaahu Calayhi Wasallam)  kuwaas oo ah ardayda Nabi muxamed iyaguna ay Nabi Muxamed Toos uga qaateen, Nabiguna  uu ka qaatay Allah  Swt. Halkaas waxaan ka faaideynaa hadalka ay Saxaabadu dhahaan waxay kasoo weriyaan Nabiga (Sallalaahu Calayhi Wasallam) , Nabiguna waxuu kasoo weriyaa Jibriil (caleyhi sallam), Jibriilna Ilaahay swt ayuu kasoo qaaday.

Hadaladii ay  Culimadeenii salafku ka yidhaahdeen Muhiimada uu sanadku leeyahay :-

Taabicigiii   la odhan jiray Muxamed Ibnu Siiriin:  Sida uu Imaam Muslim kusoo Saaray  Kitaabkiisa muqadamatu Muslim,  wuxuu Maxamed Ibnu Siiriin ka wariyay inuu yidhi hadal macnihiisu yahay “Sanadku diinta ayuu ka mid yahay , haduuna sanadku jiri lahayna Qof walba wuxuu rabo ayuu iska odhan lahaa”.

Sababtoo ah dee hadaan la is waydiin yaa kuu sheegay ama yaad ka warisay  sheekadan  nin walba wuxuu rabo ayu been abuuran lahaa.

–  isla Maxamed Ibnu siiriin ,siduu Imaam Muslim ka werinayo Waxuu yidhi “ Cilmigani waa diin ee iska eega cida aad cilmiga ka qaadanaysaan.  Imaamku wuxuu ka wadaa inay muhiim tahay in la baadho cida wax warinaysa. Sidoo kale  inay tahay cid leh Diin iyo  cilmi labadaba maxaa yeelay waxaa dhici karta inuu qofku yahay qof wanaagsan laakiin aan xifdi fiicnayn, amaba inuu xifdi leeyahay laakiin uu yahay qof iska faasiq ah oon diintiisu saas u wanaagsanayn. Marka in la baadho qofkani inuu xifdi leeyahay dhanka kalena diintiisu tahay mid wanaagsan  ayuu leeyahay iska eega.

-Imaamu Muslim wuxuu sidoo kale  ka warinayaa   Imaam Cabdullaahi Ibnu Mubaarak inuu yidhi {anaga iyo qolyahaas (kuwa xadiithka ku been abuuranaya) waxaa noo dhexeeya Tiirashaas”Sanadka”}

-Ibnu xibbaan isaguna wuxu ka warinayaa  Sufyaan Athowri  inuu yidhi “Sanadku waa Hubka Qofka Muslimka ah , haduuna hub wadan muxuu ku dagaali?”

-Ibnu xibaan sidoo kale wuxuu ka warinayaa  Shucba ibnul Xajaaj inuu yidhi “ Xadith walba oo ayna ku jirin (Xadathanaa) ama (Akhbaranaa) waa sida  nin neef geel ah meel ban ku haysta isagoo bilaa hogaan ah”.

-Suyuudi  wuxuu sheegay inuu yidhi abii Cali Aljubaa’i “ Ummadan ilaahay wuxu  u gooni yeelay oo uu gaar uga dhigay sadex  waxyaabood    (1) Sanadka (2) Nasabka iyo (3) Icraabta.

Hadaba ummadan Nabi muxamed waxay kaga duwan tahay  umadihii hore waxaa weeye ,inay ku dhagtay oo ay xafiday sanadka ay ka haystaan ee toos ugu xidhan Nabi Muxamed.

Ragga axadiista weriya:-

Ragga axadiista laga qaato Waa niman la baadhay  oo lakala saaray. Nin welba waxaa la eegi jiray  Xifdigiisa iyo diintiisa .Labadaa siffo inuu lahaaday ahayd qof walba oo isku daya inuu  xadiith sheego. Waxaa laga aqbali jiray xadiithkooda raga ku can baxay xifdiga, Diin wanaagsan iyo  amaanada  intaba. Waxaa  loo eegi jiray midba midka uu ka xifdi  badan yahay .

Nin walba oo xadiith wariya taariikhdiisa meeshuu ku dhashay, halkuu ku dhintay, goortuu dhashay iyo goortuu dhintay , xifidigiisa suu ahaa iyo Cadaaladiisaba  waa la diwaan galiyay. Waxaa laga qoray kitaabo. Waaxana jiraba kitaaba iyaga gooni u ah oo  ka hadla cilmu rijaal aadna muhiim u ah runtii in la barto .

Kutubta ugu Caansan ee Laga barta taariikhda ragga weriya axadiista :

تهذيب التهذيب= ابن حجر العسقلاني

سير أعلام النبلاء= الذهبي

ميزان الاعتدال=الذهبي

التاريخ الكبير=البخاري

Wallaahu Tacaalaa Aclaa wa axkam.

WQ: Abdirahmaan

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: