Skip to content

Ibnu Kathiir

December 23, 2010

Bismillah

Abtirkiisa iyo meesha kuu dhashay.

Cimaadu diin abul Fiddaa Ismaaciil Ibnu Cumar Ibnu  Kathiir  Al Qurashi  Ad-dimishiqi  Ash-shaafici. Waxuu ahaa imaamku xaafid , taariikhyahan  iyo mufassirba.

Wuxuu ku dhashay  Magaalo  yar oo loo yaqaano Mijdal oo ah  tuulooyinka Basra, waana tuulada ay hooyadii kasoo jeeday,  wuxuuna dhashay sanadkii  700H ama wax yar kadib.

Barbaarintiisa:

Wuxuu ku  koray oo ku barbaaray  Imaamku xaafad diineed oo ah guri cilmi iyo cibaado leh.  Aabihii  Cumar Ibnu xafs  wuxuu arday u ahaa waxna ka bartay  Imaamu Nawawi iyo Fazaari ,wuxuuna ka ahaa khadiib ka khudbeeya  Tuulada ay daganaayeen.

Ibnu kathiir aabihii waxuu geeriyooday markii  uu ibnu kathiir  jiray 3 sano oo kaliya. Kadib geerida aabihii reerku waxay usoo guureen dhankaas iyo magaalada Dimishiq sanadku markuu ahaa 707H.  Aabihii wuxuu kala dar daarmay  walaalkiis ka waynaa oo la odhan jiray  Cabdul-Wahaab,  aad buuna uga dadaalay  inuu reerka  Sifiican u biilo una hagaajiyo,  ibnu kathiirna aad buu u amaanay una sheegay inuu abaal badan u galay.

Ibnu kathiir Allaha ha u naxariistee wuxuu bilaabay culuumta barashadeeda isagoo aad u yar. Qur’aanka  waxuu xafiday sanadku markuu ahaa 711H, sdoo kale wuxuu xifidayay  kitaabka  Fiqhi-ga shaaficiyada  ee layidhaa “Tanbiih”.  Wuxuuna xafiday ama uu daalacay kutub aad u badan.

Kadib wuxuu la xididay  imaamkiiii xaafidka ahaa ee loo yaqaanay Abil Xajjaaj al-Mizyi. Oo wuxuu guursaday gabadhiisa loo yaqaanay Zeinab.  Muddo badan ayuu ag fadhiyay oo lana joogay, cilmi badana ka bartay.

Culimadiisa:

Ibnu kathiir Culimo aad u badan ayuu la kulmay intuu noolaa kana qaatay cilmiga . Qoraalkeenan kuma soo koobi karno sababtoo ah aad bay u tiro badnaayeen . Laakiin waxaynu sheegi kuwa ugu waa weynaa uguna caansanaa:

  • Sheekhii Sodogiisa ee ahaa Abil Xajaaj  Almizyi oo caaan ku ah cilmiga rijaasha .
  • Sheekhul  Islaam  Ibnu Taymiyah
  • Imaamu Dahabi
  • Sheekh Bahaa’u diin Al-qaasim Ibnu Casaaakir
  • Shamsudiin Maxamed Ibnu Barakaat
  • Sheekh abu Isxaaq Ibraahim Alfazaari

Ardaydiisa:

Ibnu kathiir wuxuu kiciyay oo uu wax baray arday aad u fara badan dad badana way ku intifaaceen cilmigiisa Ilaahayna wuu barakeeyay.  Ardaydiisa oo aad u badan  kuwa ugu caansan hadaan sheegno waxaa ka mid ah:

  • Calaa’udiin ibnu xijji  Ash-shaafici
  • Maxamed Ibnu Maxamed Ibnu khaddar Alqurashi
  • Imaam Ibnu abil Cizzi Alxanafi
  • Wiilkiisa Maxamed Ibnu Ismaaciil
  • Al-xaafid abul Maxaasin Alxusayni ,  iyo arday kale oo aad u fara badan.

Kutubta  uu Qoray

Ibnu kathiir wuxuu  ahaa imaam aad u qoraal badan, Ilaahayna uu barakeeyay oo xataa qoraalladiisa umadan uu  u bareekayay.  Umad badan ayaa ka faa’iidaysta kutubta kala duwan ee uu ka tagay imaamku. Dhamaan daafaha aduunka ayaa laga helaa, wadan walba oo aad tagto waad kahelaysaa ibnu kathiir kutubtiisa.  Mawduucyo badan oo kala duwan buu wax ka qoray  Imaam ibnu kathiir

  • تفسير ابن كثير ( tafsiirkiisa waxaa lagu tiriyaa tafsiirada ugu saxsan)
  • البداية والنهاية
  • الباعث الحثيث شرح اختصار علوم الحديث
  • السيرة النبوية لابن كثير
  • جامع السنن والمسانيد لابن كثير

Ibnu kathiir culimadu aad bay u amaaneen una sheegeen inuu ahaa caalim rabbaani ah   culimada amaantay ee ka hadashay waxaa kamid ah Sheekhiisa Imaamu Dahabi.

Imaamu Dahabi oo kahadlayay  Ibnu kathiir  baa yidhi

إسماعيل بن عمر بن كثير : الإمام ، الفقيه ، المحدث الأوحد ، البارع ، عماد الدين البصروي الشافعي ، فقيه متقن ، ومحدث متقن ، ومفسر نقال ، وله تصانيف مفيدة ، يدري الفقه ، ويفهم العربية والأصول ، ويحفظ جملة صالحة من المتون والتفسير والرجال وأحوالهم ، سمع مني ، وله حفظ ومعرفة ” انتهى

Geeridiisa

Imaamu ibnu kathiir allah ha u naxariistee wuxuu geeriyooday  taariikhdu markii ay ahayd (26. shacbaan. 774hj). Wuxuu ku geeriyooday magaalada Dimishiq, waxaana lagu aasay xabaalo ku dhow Qabriga sheekhiisa Ibnu Taymiyah. Janaazo aad u ballaadhan ayaa loo dhigay imaamka ,oo ay kasoo qayb galeen dad aad u fara badan sida uu sheegay Ibnu Naasiru diin.

Waxaa kamid ahaa Gabayadii loogu baroor diiqay ibnu Kathiir geeridiisa gabaygan:

لفقــدك طلاب العلـوم تأسـفوا وجـادوا بـدمع لا يبـير غزيـر
ولو مزجوا ماء المـدامع بالدمـا لكـان قلـيلا فيـك يـا بن كثيـر

Wallaahu Tacaalaa aclaa wa axkam

WQ: Abdirahmaan

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: