Skip to content

Al-Aaxaad

December 29, 2010

Bismillah

Casharkan waxay isku xidhanyihiin kii hore ee ahaa ”Al Mutawaatir”.  Saan horey u sheegayba axaadiistu waxay nagu soo gaadhaan laba waddo oo kala ah :  Al Mutawaatir=( oo aan horey uga soo hadlay). iyo Al Axaad (oo aan hadda ka hadli doono inshaAllaah)

Waa maxay al axaad?

Luuqad ahaan: Al-axaad waxay kasoo jeedaa kelmada “al waaxid” oo micnaheedu yahay tirade Hal/kow.

Isdhilaax ahaan: Waa xadiiska aan laga helin Shuruuda Mutawaatirka. Yacni waxaa laga wadaa maadama la yidhi Al Mutawaatir waa inay dad fara badan werinayaan, ayaa waxaa kasoo horjeeda xadiiska Al axaadka oo ah inaysan dad fara badan werinaynin.


Xukumkiisa

Al axaadku waxuu faaiideeyaa wax la yidhaado “cilmu nadhari” oo ah in la baadhbaadhayo dadka xadiiska werinaya xaaladooda. Halka xadiiska mutawaatirka aan la baadhbaadhi Karin dadka werinaya maadama ay yihiin dad fara badan oo aysan macquul ahayn inay been isu wada raaceen ayaa xadiiska Al-axaadkana qasab tahay in la baadho dadka werinaya xadiiska.. Xadiiska Mutawaatirka ahi waa maqbuul saan horey usheegay laakiin kan Aaxaadka waxay ku xidhantahay in laga helo “shuruuda xadiiska saxiixa”.

Noocyaduu u qeybsamo:

  • Almash-huur.
  • Al Caziiz.
  • Al Qhariib.

Al Axaadku waxuu u qeybsama sida qoranba sadex qeybood oo kala ah Al mashhuur, al caziiz iyo al qhariib. InshaAllaah si kooban oo yar ayaan u sharixi doona mid welba.

Al Mash-huur

Luuqad ahaan: Waxaa laga wadaa wax lasoo shaac bixiyay oo la muujiyay . Waxaad maqli qofkaas waa mash-huur waxay carabtu kawadaan waa caan.

Isdhilaax ahaan: Waa xadiiska ay werinayaan dabaqad kasta sadex raawi iyo kabadan, laakiin aan gaadhsiisanayn mutawaatirka tiradiisa ugu hooseysa.

Tusaale xadiis  Mash-huur ah.

أن الله لا يقبض العلم انتزاعا ينتزعه

Waxaa jira Mash-huur aan ahayn kan aan hadda soo tacriifiyay ama aan kasoo hadlay. Kaas oo laga yaabo inuu yahay mid lagu weriyay hal isnaad, isnaad badan amaba inuusan asal lahayn baaba laga yaabaa. Waxuuna leeyahay noocyo fara badan, laakiin waxaan sheegaynaa kuwa ugu sii caansan inshaAllaah.

  • Ehlul xadiithka agtooda waxaa can ka ah xadiiska (قنت شهرا بعد الركوع يدعو على رعل وذكوان)
  • Fuqahaadada xadiithka agtooda caanka ka ah (أبغض الحلال إلى الله الطلاق)
  • Usuuliyiinta agtooda waxaa can ka ah (رفع عن أمتي الخطأ والنسيان وما استكرهوا عليه)
  • Dadka Naxwiyiinta ah agtooda waxaa can ka ah (نِعْمَ العبدٌ صٌهَيْبُ لو لم يَخَفِ الله لم يَعْصِهِ)
  • Ehlul xadithka, culimada iyo dadka caamada ah waxaa agtooda can ka ah xadiiska (المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده).

Xukumkiisa

Xadiiska mash-huurka ah ee ama dadka dhexdooda caan ka ah ama xagg isdhilaax marka la eego mash-huur ah  laguma tilmaami karo saxiix. Waxaad arki mid saxiix ah, mid xasan ah, mid dhaciif ah iyo weliba qaar mawduuc ah oo aan asal iyo raad toona lahayn. Saas daraadeed xadiiska Mash-huurka waxaa la baadhi dadka werinaya marka haddii laga helo 5 shuruud ee sixiixa waxuu noqon saxiix iwm.

Kutubta laga qoray Axaadiista Mash-huurka ah dadka dhexdooda:

  • Waxaa qoray Sakhaawi: المقاصد الحسنة فيما اشتهر على الألسنة
  • Waxaa qoray Cajaluuni: كشف الخفاء ومزيل الإلباس فيما اشتهر من الحديث على السنة الناس
  • Waxaa qoray Ibnu Daybiqh Shaybani :  تمييز الطيب من الخبيث فيما يدور على ألسنة الناس من الحديث

La soco Qeybaha Hadhay ee kala ah Al Caziiz iyo Al Qhariib.

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: