Skip to content

Imaam Bukhaari

December 29, 2010

Bismillah

Magaciisa iyo Meeshuu ku Dhashay.

Abuu Cabdullahi  Muxammed ibn Ismacil ibnu Ibraahiim ibnu Muqhiira ibnu Bardizba Al Jacfi Al bukhaari.

Aabihii Ismaaciil ibnu Ibraahim sida uu Ibnu Xibaan ku qoray Kitaabkiisa ”A-Thiqaat”, waxuu yidhi  ”Bukhaari aabihii waxuu axaadiista ka weriyaa Xamaad ibn Zeyd iyo Imaam maalik, isagana  Ciraaqiyiin ayaa kasii weriya.”

Waxuu ku dhashay meesha la yidhaahdo Bukhaara oo ku taal Asia, hadana loo yaqaan ”Uzbekistan”. Bukhaara waxay u jirtaa Samarqandi  meel loo soconayo 8 maalmood. Waxuuna dhashay maalin Jumca ah oo ay 3 berri ka hadhay Shawaal dhamaadkeeda.  Sannadku markuu ahaa 194hj.

Barbaarintisii iyo Cilmi raadintiisii.

Imaamka aabihii waxaa la oofsaday isagoo dhalaan ah oo aad uyar. Marka waxaa soo korisay hooyadii. Waxuuna bilaabay cilmiga isagoo yar.

Isagoo iska sheekaynaya waxuu yidhi. Waxaa la igu ihlaamiyay/la igu manaystay inaan xifido axaadista anoo jira 10 sanno ama kayar. Markaan gaadhay 16 sanana waxaan xifiday Musanafaatka Ibnu Mubarak  iyo Wakiic . Kadibna waxaan xajka u raacay hooyaday iyo walaalkay.

Markii aan gaadhay 18sano ayaan bilaabay inaan Qoro kitaabka “Qadaayaa saxaaba wa Taabiciin”. Kadibna waxaan Madiina ku qoray Kitaabka “A-Taariikh”. Waxaana kitaabkaas qori jiray habeenada uu dayaxu joogo. Taariikhda qof uu magaciisa soo maray oo aanan qiso ka haynin majiro, laakiin waxaan diidanaa inuu kitaabku iska sii dheeraado.

Imaamku waxuu u aaday cilmi raadinta meelo badan. Waxaa la sheegay inuu u safray,Makka, Madina, Ciraaq, sham, masar, khurasaan.

Culimadiisa iyo Dadkuu Xadiis ka maqlay.

  • Maxamed Ibnu Sallaam
  • Maxamed ibnu Yusuf al Beykendiyin.
  • Cabdullahi ibnu Muxamad al Musnadi.
  • Ibnu Al-ashcath.
  • Al Xumeydi
  • Cabdicaziiz al Uweysi
  • Mudharaf Ibnu Cabdillah
  • Makkiy ibnu Ibrahim
  • Axmed ibnu Xanbal

Masoo koobi karo dadka uu xadiis ka maqlay. Mar uu ka hadlayay inta qof ee uu xadiis ka qaatay waxuu yidhi ”waxaan xadiis ka qoray 1008 qof  ,oo kuligoodna ay wada yihiin dad axadiista lagu yaqaan.”

Xifdigiisa iyo Fahmadiisa:-

Imaam Bukhari hadaan nidhaahno waxaanu soo guurinaynaa hadaladii laga sheegay iyo sifadiisii ma soo koobi karno. Intaasoo kutub ayaa laga qoray, laakiin inshaAllah waxaynu soo qaadan hadalada culimada qaarkood.

Maxamed ibnu Azhar al Sajistaani waxuu yidhi, anagoo joogna majliska Suleymaan ibnu Xarb oo uu Bukhaarina nala joogo isagoo dhagaysanaya xadiisyada oo aan waxba qorayn, ayay dadka qaar yidhaahdeen oo maxuu wax u qori la’yahay?. Markaas ayaa la yidhi , intuu axaadiista dhagaysto ayuu markuu wadankiisii ku laabto qoraa. Allahu Akbar bal Ilaahay xifdiguu ku manaystay adoonkiisa daya.

Maxamed ibnu Xamdawiyah waxuu yidhi , waxaan maqlay Bukhaari oo odhanaya ”Waxaan xifdisanahay Boqol kun oo xadiis oo Saxiix ah iyo Labo boqol oo kun oo aan ahayn Saxiix.”

Imaamul A’ima Ibnu Khuzeyma waxuu yidhi ” ma arag qof binu adam ah oo samadan sokadeeda ku nool (yacni aduunkan jooga ) oo ka xifdisan Axadiista Rasuulka Sallalaahu Calayhi wasalam Muxamed ibnu Ismaacil Al Bukaahri”.

Culimadii isaga ka qaadatay axaadiista:

  • Abuu Zurcata Raazi
  • Abuu Xaatim Raazi
  • Imaam Tirmidi
  • Imaamu Muslim
  • Muxamed ibnu Muslim al Marwuzi
  • Ibnu Khuzeyma
  • Abul Cabaas as-siraaj iyo Culimo kale oo badan.

Kutubtiisa

  • الجامع الصحيح ( Waa kitaabka ugu saxsan Qur’aanka kadib
  • الأدب المفرد
  • رفع اليدين في الصلاة
  • القراءة خلف الإمام
  • التأريخ الكبير

Imaamka taariikh nololaadkiisa waxaad ka heli kutub badan sida:- Tadhkiratul Xufaad ee uu Qoray Dhahabi. Dhabaqaatu Shaaficiya ee uu qoray Taajudiin a Subki, Tahdhiib a Tahdhiib ee uu qoray Ibnu Xajar , Al Bidaaya wa Nihaaya ee uu qoray imam Ibnu Kathiir iwm.

Geeridiisii

Imaamka Waxuu ku geeriyooday meel la dhaho  khartanik oo ku taal Samarqandi. Waxaana la oofsaday habeen sabti ah salaada cishe kadib. Waxayna ahayd habeenkii Ciidul Fidri, waxaana la aasay maalinkii ciidul fadriga salaada dhuhur kadib. Sanadku markuu ahaa 256 hj. Isagoo markaa jira 62sano.

Imaam ibnu Kathiir waxuu ku sheegay kitaabkiisa “Al bidaaya wa nihaaya”, imaamku waxuu ka tagay cilmi anfacay dhamaan muslimiintoo idil oo cilmigiisu muusan go’in weli” .

Ilaahay Swt Waxaan ka baryaynaa inuu Imaam Bukhaari Naxariis korkiisa yeelo oo uu Ajar iyo Xasanaat kasiiyo sida uu ugu soo adeegay diinta. Waxaan kaloo ka baryaynaa inuu isagoo kale naga dhigo oo uu noo fududeeyo xadiiska xifdigiisa iyo ku dhaqankiisaba aamiin.

Wallahu tacaalaa aclaa wa axkam.                                                                                                                                                                                          

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: