Skip to content

Imaam Shaafici

January 16, 2011


Bismillah.

Taariikh nolaleedkii Imaam shaafici Raxmatullahi caleyhi .

Magaciisa Iyo Nasabkiisa

Abuu Cabdulah Maxmed bin  Idriis bin Cabaas bin Cuthmaan bin Shaafic bin Assaaib  bin Cubeyd bin Cabdi-yaziid bin Hishaam bin Cabdil Mudalib bin Cabdimanaaf bin Quseeyy Al-qurashiy Almadlabiy.

Waxay abtirkiisa ku kulmaan Rasuulka scw  Cabdimanaaf, hooyadiisna waxay ahayd  Azzadiyah oo ah qabiil ka soo jeeda Yemen. Wuxuu ku dhashay imaamku  Qaza -Falastin.

Imaamku waxuu dhashay sanadku markuu ahaa 150H.  Aabihii wuxuu dhintay isagoo aad u yar ka dib hooyadiis  ayaa markuu jiray  2 sano ula soo wareegtay xagaas iyo Makka si uusan u lumin nasabkiisa.  Wuxuu ku soo koray agoonimo iyo xaalad adag, wuxuu ku barbaaray imaam shaafici Makka  kana bilaabay  Qur’anka wuxuu xifdiy markuu jiray 7 sano.

Markuu gaaray 10 sanana wuxuu xifdiyay kitaabka la yiraahdo” موطأ” ee imaam Maalik leeyahay.  Wuxuu bilaabay inuu fatwoodo  markuu gaaray 15 sano. Imaamku wuxuu ahaa mid xifidgiisu aad u sareeyo Ilaahayna ku manaystay  fahmad dheeri ah waxaa la sheegaa inuu markuu hal mar akhriyo safxad uu xifdin jiray isla markiiba. Waxaa u baneeyay inuu ku fatwoodo da’daas aadka uyar sheekhiisii  Muslim bin khaalid Azinji.

Wuxuu kaloo aad u bartay  luqada carabiga iyo adabkeeda iyo gabayada carabtii hore  taasna waxaa ugu wacnayd isagoo aad u dhex galay qabiiladii la oran jiray  Hudeyl kuwaasoo ahaa qabiilada ugu fasaaxad badnaa carabta wuu ka faaiideystay wuxuuna ka xafiday gabayada wuxuuna noqday mid tusaale u ah fasaaxada  luqada carabiga iyo  naxwaheedaba .

Bilaabidisii Cilmiga

Imaam Anawawi Raximahu laah  wuxuu yiri isagoo ka warinaya  Muscab bin cabdulah Azubeyri inuu yiri , Imaam shaafici wuxuu ahaa mid barta   gabayga iyo suugaanta  carabta   ka dib  ayuu bilaabay inuu dhinaca fiqhiga u jeesto  taasna waxaa u sabab ahaa Maalin imaamka oo saaran daabo(gaadiid) waxaa gadaashiisa joogay nin aabahay qoraa u ahaa  ka dibna imaam shaafici ayaa qaaday tix gabay ah  ka dib qoraagii abaahay ayaa ku dhuftay suunkiisa isagoo kuleh (adigoo kale heybadaa uga tagta waxan oo kale (yacni gabayga)  ) !

Imaamka kalmadaa aad bay u dhaqaajisay  ka dibna wuxuu bilaabay inuu la fariisto Azinji Muslim bin khaalid isagoo ahaa xiligaa  muftiga Makka,  sidoo kale waxaa laga soo wariyay Alxummeydi inuu yiri, Imam shafici ayaa yidhi”waxaan  u baxay  inan  barto  Naxwaha  iyo adabka   markaa ayaan la kulmay  Muslim bin khaalid Azinji markaasuu igu yiri  wiil yahoow xagee ka soo jeedaa? Markaasan ku iri waxaan ahay reer Makka  markaasuu hadana I waydiiyay gurigiinu waa xagee ?markaasan u sheegay   oo ku iri (shicab bilxayf) hadana wuxuu I waydiiyay qabiilkayga markaasan u sheegay inan ahay reer Cabdi manaaf  markaa ayuu yiri Bikhin Bikhin  Ilaahay  wuu ku sharfay aduun iyo aakhiraba  maad ka yeeshid fahmadaan iyo maskaxdaan Ilaahay kugu deeqay fiqhiga  saasaa kuu wanaagsane?”

Imaamku wuxuu u soo jeestay barashada cimliga wuxuna  cilmiga ka bilaabay Maka ka dib wuxuu u xirxirtay imaamku inuu u socdaalo magaalada  Madiina,  ujeedadiisuna waxay ahayd inuu cilmiga ka soo qaato  Abii Cabdallah Maalik bin anas RC,  imaam maalik  wuxuu aad uga helay  xifdinta shaafici  halkaas ayuu ka laazimay barashada cilmiga imaamku wuxuu ka dhagaystay kana qaatay cilmiga shuyuukh badan

  • Imaam Maalik Ibnu Anas
  • Sufyaan Ibnu Cuyeynah
  • Muslim ibnu Khaalid a Zinji

Kadib wuxuu bilaabay imaam shaafici inuu u safro meelo badan  wuxuu tagay Yemen,  ka dibna Ciraaq  kadibna Masar. Wuuxu aad u faafiyay cilmul xadiithka  wuxuuna u gargaaray sunnada  ilaa lagu naanaysay Gargaarihii  Xadiithka. Waxaa faafay hadal hayntiisa iyo wanaagiisaba.  Imaamkii ahlul xadiithka ee joogay casrigaas ee ahaa  Cabduraxmaan bin Mahdi  ayaa  ka dalbaday imaam shaafici inuu  qoro  kitaab ka hadlaya  usuul alfiqh, ka dib imaam shaafici wuxuu qoray kitaabkiisa caanka ah ee Arisaalah  kaasoo ahaa  kitaabkii ugu horeeyay ee laga qoro  usuul alfiqh.

Wuxuu ahaa imaam shaafici saan horey u soo sheegnayba   mucjiso xaga  xifdinta iyo fahmadaba  taasna waxaa u qiray mid fog iyo mid dhow dhamaan ummadii zamankisii nooleyd way isku wada raceen fahmada iyo xifdiga imaamka isagoo naftiisa ka sheekaynaya  wuxuu yiri  markaan yaraa ee aan dhigan jiray dugsiga  markaan maqlo macalinka oo quraanka u akhrinaya  ardayda    Aayad markaan ka maqlo horaan ka xifdin jiray  sidoo kale marka macalinku  noo yeerinayo cashar waxan ahaa mid xifdiya wixii naloo yeeriyay oo dhan! Alahu akbar

Imaam ibnu Kathiir  wuxuu yiri  isagoo ka sheekaynaya shaafici  wuxuu ahaa  dadka kan ugu cilmi badan  xaga fahmida macnaha quraanka iyo sunnada  iyo kan ugu adag xaga soo daliilsiga  quraanka iyo sunnada .

Imaamku wuxuu aad uga digi jiray dadka (ahlul kalaamka) ah dadka hawadooda isaga hadla wuxuu raaci jiray wadada ahlul xadiithka.  Ibnu kathir  rc wuxuu yiri shaafici wuxuu yiri (inuu ilaahay la kulmo adoonku danbi walba  aan shirki ka  ahayn    ayaa uga khayr badan inuu  la kulmo  isagoo ku dhex jira hawadiisa), sidoo kale waxaa ka mid ahaa  hadaladii  qiimaha badnaa ee laga dhaxlay imaamka  inuu yiri   hadeey ogaan lahaayeen dadku waxa ku dhex jira   hadalka ee hawo raacis ah  waxay uga carari lahaayeen sideey uga cararaan   libaaxa!

Wuxuu sidoo kale yiri imaamku  waxaad laazimtaa ahlul xadiithka  maxaa yeelay  waa dadka kuwa ugu badan  xaga sawaabka wuxuu kaloo oran jiray  hadaa aragtaan nin ka mida dadka xadiiska  waxay la mid tahay adoo arkay  asxaabtii Rasuulka scw.

Wuxuu ku caan baxay madhabkiisa shaaficiga wuxuu kulmistay imaamku culuumtoo dhan .  Arabiic bin suleeymaan wuxuu sheegay in xalqadaha cilmiga laga barto ee imaamku ay bilaaban jirtay markuu salaada subax tukado waxa u imaan jiray salaada ka dib  dadka raba inay quraanka ka bartaan markeey qoraxdu soo baxdana waxaa soo geli jiray dadka xadiithka baranaya , ka dib waxaa soo geli jiray dadka luqada carabiga  naxwaha iyo gabayga, ka dib ayuu ka tagi jiray goobta cashararad uu ku bixin jiray oo aadi jiray gurigiisa, waxaa u imaan jiray ahlul xadiithka iyagoo waydiin jiray waxyaalo ay fahmi wayaan oo ku qarsoon xadiithka ka dibna wuu fahamsiin jiray wax walboo ku saabsan xadiiska waxay ka ag kici jireen iyagoo aad ula yaaban.

Sidaasoo ay tahay hadana ma ahayn imaamku qof isla weyn waxa lagu yiqiin Tawaaduc iyo Alle ka cabsi  wuxuu oran jiray   hadaad ku aragtaan kitaabkayga  wax khilaafsan sunnada Rasuulka scw  qaata sunnada  hadalkaygana ka taga   madhabkiisu wuxuu ahaa mid waafaqsan sunada  dhinacna ugama leexan jirin sunada wuxuu ahaa mid aan xujo  u arag sunnada mahee wax kale hadeey sax noqoto oo sugnaato wax nasakhayna aysan jirin wuxuu ahaa mid sharci iyo manhaj ka dhigta  sidaasaana loogu naanaysay u gargaarihii xadiithka , Allaah ka raali noqdee.

Kutubtisa kuwa ugu caansan

  • الأم
  • الرسالة
  • اختلاف الحديث.
  • أحكام القرآن.
  • الناسخ والمنسوخ.
  • كتاب القسامة.
  • كتاب الجزية.
  • قتال أهل البغي.
  • سبيل النجاة
  • Sanadku markuu ahaa 199 H ama 200 H wuxuu u wareegay imaamku Masar si uu cilmiga u faafiyo  wuxu ku mashquulay  barashada cilmiga iyo baridiisaba

Geeridisi

Intuu masar joogay ayuu aad u xanuunsaday imaam shaafici waxaa ku dhacay xanuunka baabasirka,  ilaa uu yiri Yunis bin Aclaa  ma arag qof  la kulmay xanuunkuu la kulmay shaafici  .Waxaa u soo galay isagoo xanunsan ardaygisii Almuzni  markasuu ku yiri  maxaad ku bariday markaasuu yiri waxaan ku waabariistay  anoo aduunka ka socdaalaya  walalahayna ka tagaya koobka geeridana ka cabaya , Ilaahay ban ku dhaartee ma garanayo ruuxdayda mesheey  ku danbeyn  ma jannaday ku danbeyn oo waan u tahniyadeeyaa mise naarta  oo waan u tacsiyadeyaa  ka dibna wuu ooyay.

Ardaygiisi Arabiic wuxuu yiri wuxuu geeriyooday imaam shaafici habeen jimce ah maqribkii waxana la aasay casarka ka dib maalintii jimcaha maalintii u danbeysay bisha Rajab sanadkii 204 H wuxuu ku geeriyooday Masar kuna aasan yahay

ِAllah u naxariisto imaam shaafici naxariistiisa balaadhan,  inagana hanagu anfaco cilmiguu noga tagay aamin aamin

Waxaan ka sheegnay waa in yar oo kooban  hadii la yiraadho halaga shekeeyo imaam shaafici masoo koobi karno

Wallahu Tacaalaa Aclaa wa axkam

WQ: Najma Siciid

6 Comments leave one →
  1. Guleed permalink
    February 3, 2011 12:37 am

    Masha allaah Najma Jazaakillahu khayran sida wacan eed usoo diyaarisay adiga iyo Webmasater kaba khayr allah ha idinka siiyo.

  2. Najma permalink
    February 3, 2011 9:51 pm

    Waiyak akhii guuled
    waa waajib ina saaran inan wixi aan ku dhaano walalaheen u faaiideyno ,Allahna ha naga dhigo kuwa waxay shegayaan ku dhaqma aamin

  3. Ahmed noor qorane permalink
    June 17, 2012 7:20 pm

    Masha’allaah walaal ajir iyo xasanaad allaah ha idin ka siiyo sidaan wacan ee aad noogu soo gud biseen ajir iyo xasanaad aan la soo koobi karin allaah raxmaanka ha inka siiyo dhamaantena allaah naga dhigo kuwa xaqa u adeego

  4. June 18, 2012 12:56 am

    Aamiin walaalo , adigana Ilaahay hakaa ajarsiiyo akhriskaad akhrisay

  5. June 23, 2015 4:06 pm

    Allaha nugu anfaco cilmiga uu kategey Imaamunaa Ashaaficiyi!!!!!!!!!!!!!!

  6. moustacho26 permalink
    January 5, 2016 8:29 am

    illahow imaam al shafici ila sosar malinka qiyamaha iyo inti khayre lehh

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: