Skip to content

Ibnu Xajar Al Casqalaani

February 2, 2011

Taariikh nololeedkii Caalimkii weynaa Xaafid Ibnu Xajar Al Casqalaani

Ilaah baa mahad iskaleh asagaan kaalmeesaneynaa, asagaan danbi dhaaf waydiisanaynaa. Waxaan ka magan galaynaa sharta naftayada iyo acmaasha xun xun, Ale wuxuu hanuuniyaa hanuunsan kuwuu baadiyeeyona wax hanuunin kara majirto. Waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo inuusan jirin asaga mooyee. Waxaan kaloo qirayaa Nabi Muxamed amaani dushiisa ha ahaatee inuu yahay adoon Ale iyo mid uu Ale soo diray, intaa kadib.

Waxaan halkan idiinku soo  gudbinayaa Taariikh nololeedkii  mid ka mid ah culimadii waawayneed kuna xeeldheeraa diinta Islaamka khaasatan cilmiga xadiith, Caalimkaas oo loo yaqaanay Ibnu Xajar.

Abtirkiisa & Barbaarintiisii

Imaamka waxaa la dhahaa:  Shihaabudiin Abu Fadli  Axmed bin Cali bin Xajar al Casqalaani ,laakiinse aad loogu yaqaano “Ibnu Xajar”. Imaamku wuxuu dhashay sanadku markuu ahaa 773 ee sanadka hijriga. Madhab ahaan wuxuu ahaa Shaafici. Imaamku asal ahaan kasoo jeeda Masar. Imaamku waxuu leeyaahy naanayso dhawr ah sida : “qaadil qudaat”, “Sheekhul Islaam”  iyo “Amiirka muminiinta ee xadiithka” .

Marka la leeyahay waxuu ahaa ” qaadil qudaat” macnaheedu waxaa weeye sheekhu waxuu ahaa gar gooyaha ugu sareeyo ee ayna  hoos yimaadaan raga wax kala xukuma aayagoo adegsanayo sunada iyo kitaab ka Alle.

Culimadiisa

Ibnu xajar wuu u rartay cilmiga sidii lagu yaqaanay aheedna da’bigii culimadii kasii horeesay masaafo badana waa uu u jaray si uu u raadsho cilmiga waxuuna kulansaday culimo aad u baratay diinta Islaamka oo lafa gurtey dhuuxdayna oo in badan ku dhex jirtey barashada iyo barida diinta Islaamka.

Waxaana culimadiisa kamid ahaa:

  • Imam Al Balqiini-  oo caan ku ahaa xifdinta iyo sharaxida waxa dahsoon.
  • Imaam Zeynudiin Al Ciraaqi- oo aad u yaqaanay culuumul Xadiith
  • Imaam Alghamaari- oo u ahaa mucalimka luuqada
  • Imaam Almuxib ibnu Hishaam, Cizz Bin Jamacah iyo Tanuukhi- oo ahaa kuw aad ugu caan baxay culuumta Qir’aatka, kuwaasoo haystay sanad sare.

Hadaad dooneso inaad sii baarto shuyuukhda sheekha waxaad ugu noqon kartaa kitaabkiisa uu kusoo koobey oo la yiraahdo “Al mujmac Al mu’sis lil macjam Al fahris”

Sheekhu waxuu ahaa mufasir aad u bartay kitaabka iyo macniihiisa waxaa kale oo uu ahaa faqiih oo ah mid fahansan fiqiga diinta Islamka sidoo kale ahna muxadith. Inta waxa isii dheer inuu ahaa gabyaa wayn tiriyeyna qasiidooyin aan marnaba caadi ahayn!!.  Waxuuba leeyahay kitaab lagu uruuriyey gabaydiisii oo dhan sida uu Imam Shaafici uu leeyahay diiwan lagu uruuriyay gabayadiisii oo idil.

Imaamku waxuu ahaa  mid xifdiyey mutuun fara badan iyo silsiladooyin. Waxuuna lahaa awood fahmeed sida kala soo bixida fahan dahsoonaaa, kasooloo yaqaan ( al istinbaad)

Ardaydiisa

  • Al xaafid As-Sakhaawi
  • Kamaal ibnu Hamaam
  • Ibnu Taghri
  • Abu Fadli ibnu Shuxnna

Alifaadka sheekha iyo intuu sharxay qaar ka mid ah

Waxaa uu sharxay kitaab la dhaho waa saxiix kan ugu saxsan kadib Qur’aanka, kitaabkaas oo ah Saxiixul Bukhaari . Sharaxisana  waxa loo yaqaan “Fatxu baari sharax saaxul bukhari”. Sidoo kale Kutub caqiiqado ahna wuu leeyahay, sidoo kale waa uu ka qorey culuumul Qur’aan , sheekhu intaasoo fanni ayuu ka hadlay balse waxuu xooga saaray Cilmul Xadiith.

kutubtiisa:

  • فتح الباري شرح صحيح البخاري
  • الإصابة في تمييز الصحابة
  • تهذيب التهذيب
  • بلوغ المرام من أدلة الأحكام
  • نخبة الفكر في مصطلح أهل الأثر

Wuxuuna dhintey 852 ee hijriga , waxuuna ku dhintay Qaahira, Masar.

Hadaladii laga sheegay Imaamka:

Culimo badan ayaa sheekha ka hadashay oo kamid yaahay Shawkani oo aad u amaanay. Caalimka la yiraahdo al Xaafid Taajudiin ibnu Algharaabili wuxuu yiri “ waxaan ku dhaaranayaa Alle, Magaalada Dimishiq  ma soo galin Ibnu Casaakir kadib,nin ka Xaafisan Ibnu Xajar”

Al Baqaacii, waxuu yidhi “ waxan la yaabaa sida daga daga ah oo uuwax u fahmo, iyo xifdintiisa sare”.

Waxaa intaa kusiidaray Najmu diin bin Fahad (oo ah muxadith al xijaaz) oo waxuu yidhi ” Ibnu Xajar wuxu yahay khabiir, hadal cad, maskax badan, akhlaaq wanaagsan”

Geeridiisii:

Wuxuuna dhintey 852 ee hijriga , waxuuna ku dhintay Qaahira, Masar. Waxaan Ilaahay swt oga baryaynaa inuu Imaamka ajar iyo xasanaat ka siiyo diinta siduu ugu soo gargaaray, denbigiisoo dhanna dhaafo. Anagana naga dhigo kuwa cilmigiisa ku intifaaca.

WQ: Mustafe

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam

4 Comments leave one →
  1. February 3, 2011 9:59 pm

    Masha Allah walal jazakalahu alfa khayr caalimkaan aad noo soo gudbisay taariikhdiisa iyo waqtigaad ku bixisayba , ingana kuwii ka faaiideysta Allah naga yeelo aamin

  2. umu salman permalink
    May 6, 2011 8:28 pm

    walal mustafe miisanka Alle hakuu saaro dadaalkaga
    Mashalah webka waa ka helay jazakumulaahu khayran

  3. May 6, 2011 10:50 pm

    Wcs Najma iyo Umu salman aamiin Ilaahay swt ducadiina ha aqbalo.. waad mahadsantihiin

  4. axmed raan permalink
    December 19, 2015 7:24 am

    asc walal ilaahay hakaa jasaai siiyo taariikhda imaamka ilaahay haka raali noqdeee
    janatul firdowsana hawgu deqo wll inagana dhamaanteen haynooga daba naxariisto

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: