Skip to content

Sheekh Abuu Isxaaq Al Xuweyni

February 3, 2011

Wa ayyo Abuu Isxaaq al Xuweyni?

Xijaaz ibnu Muxamed Ibnu shariif abu Isxaaq alxuwayni . Wuxuu dhashay sheikh Sanadkii 1375 ee taariikha Hijriga ah ,Waxuuna ku dhashay wadanka Masar. Shiekh abii Isxaaq waxuu kamid yahay culimada ugu baaca dheer cilmiga xadiithka casrigan aan joogno.

Waxbarashadiisi  

Sheekh abuu Isxaaq Alxuwayni  wuxuu waxbarsahada dugsiga hoose ka bilaabay  tuulo yar oo magaalada Xuweyn ee sheekha loo nisbeeyo u jirta 2km. 6 sano  kadib markii ku dhamaystay waxbarashadii uu halkaas ku waday ayaa waxay usoo guureen magaalada Kafara Sheekh oo aan saas uga fogayn iyaduna Xuwayn.  Wuxuu halkaas ka bilaabay dugsiga dhexe ee  Shahiid Xamdi Ibraahim.  Halkas ayuu sanadkii ugu horeeyay wuxu bilaabay inuu barto Gabayada  carbeed  oo badanaa qofka ka caawiya inuu luqada rasmiga ah ku noqdo mid ku xeel dheer.

Kadib sheekhu wuxuu galay  Jaamacada Caynu Shamsi ee ku taalla Qaahira  oo uu ku takhasusay luqada Spanishka, shekhu wuxu dhiganayay muddo dhan   4sanno jaamacada. Sadexdii sano ee ugu horraysay jaamacada waxuu sheekhu galayay  Lambarka koobaad jaamacada dhan, balse sanadkii afaraad ayuu sheekhu galay lambarka labaad, sababtuna waxay ahayd waxaa lasoo darsay mashquulaat xagga qoyskiisa kaga yimid.

Sheekhu wuxuu xubin ka noqday  ururka luqadaha Spanishka waxayna siiyeen deeq waxbarasho uu mar ku tagay sheekhu dalka Spain, laakiin kadib markii uu nolosha wadankaas nacay auu sheekhu dib iskaga soo laabtay.

Sheekh abii Isxaaq inta uu aadi jiray waxbarashada  hoose iyo tan dugsi sare muuna ahayn nin  u dhuun  daloola waxbarashada diiniga ah  isaga iyo asxaabtiisuba waxay yaqaaneen uun salaada sida loo tukado iyo cilmi dhagood uun.

Shiekha wuxuu soo booqday mar walaalkii oo Qaahira daganaa wuxuuna  Salaada jumcada  ku tukan jireen masjidka layidhaa    ‘عين الحياة‘  oo uu imaam ka ahaa markaas Sheekh Cabdulxamiid Kashka Allah ha u naxaariistee.  Kadib sheekhu wuxuu helay kitaabka Talkhiiska ah ee sifatu Salaati Nabbiyyi ee sheikh Albaani  uu qoray. Wuxuu ka ogaaday in salaadooda khaladaad badan ka buuxo kadib wuxuu dalbaday inuu helo asalka kitaabka si uu usii akhristo maadaama uu aad uga helay sida wanaagsan ee sheikh Albaani Allah Yarxamhu uu u habeeyay kitaabka.

Intaas kadib  shiekhu wuxuu bilaabay inuu  kutubta  islaamiga ah akhristo,  wuxuuna helay oo daalacan jiray kitaabka  uu qoray  Showkaani   الفوائد المجموعة في الأحاديث الموضوعة” للإمام الشوكانيّ، kitaabkan  ayuu ka ogaaday in waxyaabo badan oo dadka loo sheego ay dalishadaan axaadiith aan sal iyo raad lahayn.

Maalin ayuu salaada jimcaha masaajidkiii  yimid wuxuuna ka dhagaystay Sheekh Cabdulxamiid kashka oo sheegaya xadiith , SH. Abii isxaaq wuu  qabtay xadiiskii kadib guriga marku aaday buu aad u baadhay kutubtuu haystay xadiithkaas kadib wuxuu ka helay kitaabka loo yaqaanno  “Almanaarul Muniif” wuxuuna  ogaaday xadiithka inuuna sugnayn.  Bacdal makhribkii ayu soo xaadiray Xilqo uu sheekh Cabdulxamiid  Kashka Allah ha u naxariiste uu qaban jiray ayuu  yimid kadib sheekha ayuu dhagta  u saaray  isagoo ku leh “ Shiekh manta xadiithkii aad sheegayseen ma sugnayn” Sheikh Cabdulxamiid kashka ayaa wuxuu waydiiyay  abii Isxaaq  sababta uu ku yahay daciif.  Sheikh abii isxaaq markaas ayay bilow ku ahayd  barashada xadiithku  sidaa darted  jawaab waafi ah ama jawaab balaadhan muusan bixin karin, deedna wuxuu yidhi uun Ibnu Qayim baa  kitaabkiisa ku sheegay.  Shiekh Cabdulxamiid baa yidhi  Wiilkaygiyow “intaadan wax sheegin soo baro”. Abuu isxaaq  oo qadadku waynaaday baa ka dhaqaaqay meesha  isagoo yax yaxsan.

Sheekhu intaas kadib wuxuu bilaabay inuu barto culuumta xadiithka xoogana uu saaray isagoo muddo yar ku noqday  Caalim.  Shekhu wuxu soo gatay kutubta sheekh Albaani wuxuuna bilaabay kutubtiisa inuu akhristo.

Culimaduu wax ka bartay Shiekha culimo badan ayuu wax ka bartay

Sheikh albaani

Sheikh Mudiici ayuu ka qaatay  Saxiixul Bukhaari, Majmuuca Nawawi, Al-ashbaah Wannadaa’ir,  iyo kitaabka Ixyaa’u culuumu diin.  Wuxuu wax ka baranayay muddo afar sano ah sheikh

Waxaa  kale oo wax u qaaday sheikh Sayid Saabiq sheikh leh kitaabka Fiq-hu sunnah

Culimadiisa

  • Sheikh Ibnuz Baaz
  • Shiekh Cabdallah Qacuud
  • Shiekh Ibnu Cuthaymiiin
  • Iyo culimo kale oo badan

Amaanta  ay culimadu ka yidhaahdeen.

Shiekh albaani ayaa wuxuu  odhan jiray weli  ma helin arday iga dhaxla cilmigan qaabka aan aniga wax u takhriijiyo oo kale oo dariiqa aan mara mara, balse markuu arkay kitaabka uu qoray Abii Isxaaq al xuweyni ee la yidhaahdo….    “فصلِ الخِطَابِ بنقدِ المغنيْ عنِ الحفظِ والكتابِ” ayaa wuxuu yidhi  hadaan helay kii iga dhaxli lahaa.

Sidoo kale mar ay isku arkeen sheekha Cumaan ayaa wuxu yidhi قدْ صحَّ لكَ مَا لمْ يصحَّ لغيرِكْ.

Mar la su’aalay sheikh Albaani raximullaah  hadaad tagtaan yaan Cilmul xadiithka wax ka waydiinaa wuxuu ku jawaabay sheekhu,  Sheekh Masari ah oo layidhaa Abuu Isxaaq, waxaa layidhi isaga kadibna , waxuu yidhi Shucayb Arnaa’uud  Waxaaa layidha kadibna wuxuu yidhi Muqbil.

Kutubta uu qoray sheekhu

Shiekhu wuxuu qoray kutub aad u badan qaarna la daabacay qaarna way wali yihiin makhduud qaarna badh baa dabacan badhna waa dhiman yihiin  kutubtiisa waxaa kamid ah

  • “تنبيهُ الهاجدِ إلىٰ مَا وقعَ منَ النظرِ فيْ كتبِ الأماجدِ”. تأليفٌ/استدراكاتٌ
  • “تسليةُ الكظيمِ بتخريجِ أحاديثِ تفسيرِ القرآنِ العظيمِ” للإمامِ ابنِ كثيرٍ. تأليفٌ/تحقيقٌ وتخريجٌ
  • “ناسخُ الحديثِ ومنسوخُهُ” للإمامِ ابنِ شاهينٍ. تحقيقٌ
  • “بُرءُ الكَلْمِ بشرحِ حديثِ قبضِ العلمِ”. تأليفٌ (شرحُ حديثِ: إنَّ اللهَ لا يقبضُ العلمَ انتزاعاً…)
  • “الفوائدُ” للإمامِ ابنِ بشرانَ. تحقيقٌ
  • “المنتقىٰ” للإمامِ ابنِ الجارودِ. تحقيقٌ
  • “تعلةُ المفئودِ شرحُ منتقىٰ ابنِ الجارودِ”. تأليفٌ/تحقيقٌ حديثيٍّ معَ بحوثٍ فقهيةٍ
  • “الديباج علىٰ صحيحِ مسلمِ بنِ الحجاجِ” للسيوطيِّ. تحقيقٌ وتخريجٌ
  • “مسامرةُ الفاذِّ بمعنىٰ الحديثِ الشاذِّ”. تأليفٌ
  • “النافلة فيْ الأحاديثِ الضعيفةِ والباطلةِ”. تأليفٌ
  • “المعجمُ” للإمامِ ابنِ جُمَعٍ. تحقيقٌ
  • “نبعُ الأمانيْ فيْ ترجمةِ الشيخِ الألبانيْ”. تأليفٌ
  • “الثمرُ الدانيْ فيْ الذبِّ عنِ الألبانيْ”. تأليفٌ
  • بذل الإحسان بتقريب سنن النسائي أبي عبد
  • كشف المخبوء بثبوت حديث التسمية عند الضوء
  • جنة المرتاب بنقد المغني عن الحفظ والكتاب
  • صحيح القصص النبوي
  • كتاب فضائل القرآن الامام الحافظ ابن كثير
  • غوث المكدود بتخريج منتقى ابن الجارود
  • سد الحاجة إلي تخريج سنن بن ماجة
  • إتحاف الناقم بأوهام الذهبي مع الحاكم

Shiekhu xafidahullaah wuxuu  Soo jeediyaa  Laba mar khudbada jimcaha bil walba jimcaha koobaad iyo kan labaad  Masaajidka Ibnu Taymiyah ee magaalada  Kafara Shiekh. Sidoo kale wuxuu  kasoo jeediyaa Masaajidka  Habeen walba oo isniin ah muxaadaro inta u dhaxaysa Salaada makhrib iyo Cishaa’iga.

WQ: Abdirahmaan

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam

2 Comments leave one →
  1. salman permalink
    April 18, 2012 3:57 pm

    masha allah maxa ka wanag badan in la akhriyo tarjamada muhadithiinta maxa yeelay waxay dhaxleen Abu alqaasim SALLAHU CALAYHI WASALM. adinkana ilahay ha idiin danbi dhafo.

  2. April 18, 2012 4:27 pm

    Haa aad iyo aad. Aaamiin Walaaal, adigana Jazaakallahu kheyraa akhriskaad akhrisay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: