Skip to content

Taariikhda Imaam muslim oo kooban

May 2, 2011

Magaciisa & Nasabkiisa

Abul Xusayn  Muslim ibnu Al-xajjaaj  Al-qushayri  Al-nisaabuuri , waxuu ku dhashay magaalada Nisaabuur, oo ku taal waqooyiga bari ee dalka Iran.

Aabihii waa Xajjaaj Bin Muslim Al-Qushayri, waxuu ku barbaaray guri cilmi iyo taqwo u saaxiib ah.

Waxuu barashada cilmiga bilaabay isagoo yar, maadaama aabihii ahaa nin cilmi lehna waxay taasi u fudadaysay inuu noqdo mid deegaan imaan iyo cilmiba leh ku dhex jira , waxaana la tilmaama isagoo 12 jir ah inuu bilaabay inuu xadiithka raadraaco.

Shuyuukhdiisa uu cilmiga ka helay

Waa badanyihiin culimada uu cilmiga xadiithka ka dhaxlay, waxaana lagu sheegaa inay gaadheen 220 caalim.

  • Xagga Makka  Waxuu cilmiga ka qaatay ,Cabdullahi Bin Maslama Al-Qacnabi, waana sheikhiisa ugu wayn ee uu ka qaatay badanka cilmiga xadiithka.
  • Yaxya Bin Yaxya Al-Nishaabuuri Al-Tamiimi 
  •  Saciid Ibnu Mansuur iyo kuwo kale oo badan.

Ardaydiisii

  • Cali bin Al-Xasan Bin Abii Ciisa AL-Hilaali
  •  Ibn Abii Xaatim Al-Raaz 
  •  Abu Ciisaa Al-Tarmidi
  •  Ibnu Khusaymah .

 Kutubta uu qoray Imaam Muslim

Kutubta uu allifay Imaam Muslim way badanyihiin waxaana la sheegaa in qaarna la hayo qaar kalena aan qoraalkoodii la haynin, waxaana ka mid ah:

– كتابه الصحيح، وهو أشهر كتبه.

كتاب التمييز.

كتاب العلل.

كتاب الوُحْدَان.

كتاب الأفراد.

كتاب الأَقْران.

كتاب سؤالاته أحمد بن حنبل.

كتاب عمرو بن شعيب.

كتاب الانتفاع بأُهُبِ السِّباع.

كتاب مشايخ مالك.

كتاب مشايخ الثوري.

كتاب مشايخ شعبة.

كتاب من ليس له إلا راوٍ واحد.

كتاب المخضرمين.

كتاب أولاد الصحابة.

كتاب أوهام المحدثين.

كتاب الطبقات.

كتاب أفراد الشاميين.

  Ammaantii ay ka yidhaahdeen Culimadu

Waxa uu yidhi Abuu Quraysh Al-xaafid, xuffaada adduunku waa affar

Abii Zarcah Ad-Dimishiqi

Muslim Naasibuuri

CabdAllaah Daamiriyi

Iyo Muxamed Bin Ismaciil Al-Bukhaari

Waxaa kale oo uu soo weriyay  Abuu CabdAllaah Al-Xaakim, in Maxamed  Bin CabdulWahhab Al-farraa’ uu yidhi  “ Muslim Bin Xajjaaj waxuu ahaa Culimada Ummada iyo weelka cilmiga “

Waxaa uu yidhi Sadiiq Bin Xasan Al-Qannuuji, oo ah saaxiibka qoray kitaabka  “ Abjad Al-culuum”

“ Waxuu ahaa Imaam Muslim Bin Xajjaaj mid ka mid ah Culimadii Xuffaada Xadiithka ahaa, iyo kan ugu cilmiga badan Muxadithiinta Khuraasaan Imaam Bukhaari kadib.

Dhimishadii Imaam Muslim.

Imaam Muslim waxuu noolaa  55 Sano, waxaa lagu aasay oo uu ku dhintay  magaaladiisa Naasibuuri sannadkii  261  Hijriga, RaximahuAllaah.

W.Q: Ahmed ( Muxsin )

5 Comments leave one →
  1. umusalman permalink
    May 14, 2011 6:15 pm

    Jazakalaahu khayraa walalo Axmed

  2. Ahmed noor qorane permalink
    May 28, 2012 3:57 pm

    Masha’allaah jazaakumulah sida wanaagsan oo aad noogu soo bandhigten

  3. May 28, 2012 9:25 pm

    Aaamiin, wa’iyyaakumaa

  4. April 15, 2013 1:36 pm

    Walaal aad ayaad umahadsantihin wayo maan aqoon taariikhda imaamu bukhaari

  5. nasradiin hassan permalink
    July 9, 2015 1:21 am

    man sha allaah wll

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: