Skip to content

Xadiiska Dhaciifka

May 3, 2011

New

Waa maxay Xadiiska Dhaciifka ah?

Bismmilaah

Luqad ahaan: Addaciif waxaa laga wadaa (jilicsan) tabar daran wuxuu ka soo horjeedaa ama lid ku yahay Alqawwiyu/xoog leh/awood leh.
Isdilaax ahaan: waa xadiiska aan laga helin shuruudii xadiska saxiixa ah ama xadiiska xasanka ah.
waxaan oran karnaa waa xadiis aan lahayn awood uu ku gaari karo saxiixnimadii ama Xasanimadii .
Waa xadiis hal lug ku taagan ayna u dhameystirnayn wuxuu ku istaagi lahaa ee shuruud ah sidaasna ku noqday mid iska tabar yar

Xadiiska daciifka ahi wuxuu leeyahay darajooyin badan taasoo lagu eego hadba inteey le’egtahay daciifnimadiisu, iyadoo laga qiyaas qaadanayo shuruudihii xadiiska saxiixa ahaa ama xadiiska xasanka iyo wuxuu ku khilaafay ee sifaat ama shuruud ah.

Xadiiska daciifka ahi wuxuu leeyahay noocyo badan waxaana ka mid ah noocyadiisa
Al Maqluub Ashaad ,Almucalal ,Almudharib, Almursal, Almunqadic, Almucdal Almudlis. Kutubta qaarkoodna waxay qoraan intaan ka badan
Xadiiska daciifka ah iyo xadiiska mowduuca ahi isku mid maaha isku xaaladna maaha Culimada qaarkood xadiiska daciifka ah iyo xadiiska mowduuca ah isku si uma arkaan waayo Xadiiska mowduuca ah waa Xadiis been ah aan sal iyo raad toona lahayn halka xadiiska daciifka ahi uu ka noqon karo Alxasan liqeyrihi ama Saxiix liqeyrihi waa hadii uu ku yimaado dariiqo kale. Sababta uu ku noqday xadiis daciif ahna maaha micnaheedu inuusan xadiis ahayn asal ahaan ee waa isagoo ay ka yaraatay shuruudihii laga rabay xadiiska Saxiixa ah ama xadiiska Xassanka ah. Tusaale: cadaalada dadka warinaya xadiiska oo daciif noqotay iyo kan wax warinaya Xifdigiisa oo aan gaarsiin karin darajadii Saxiixa ama Xasanka.

Xukunka warinta Xadiiska daciifka ah

Waa wax ka banaan Ahlul xadiiska xagooda in la warin karo xadiiska daciifka ah taasna waxay khilaafsantahay aragtida ay ka qabaan Ahlul xadiisku warinta Xadiiska mowduuca ah iyagoo u arka inaysan ku banaaneyn sina warintiisu.

Culimadu shuruudo ayay u sameeyeen xukunka warinta xadiiska daciifka ah hadaba maxay yihiin shuruudahaasi?

  1. In xadiiska daciifka ahi uu ka hadlayn wax ku saabsan Caqiidada sida Ilaahay subxaanah sifaadkiisa, hadeey dhacdo in xadiis daciif ah uu ka hadlo sifo ka mida sifaatka Alle swt lama ogolaanayo ilaa laga helo daliil cad , waayo sifaatka Alle swt la mid maaha Fadaail Al acmaal la iska soo qaadan karo daliil la’aan,.waxay soo galeysaa dhanka Caqaaidka Caqiidadana lama ogola in la iska dhex mushaaxo iyadoo soo warinteedu saxiix noqotay mahee …
  2.  In xadiiska daciifka ah ka hadlayn wax khuseeya ama cadeynaya Axkaamta sharciga ah sida arimo ku saabsan Xalaasha ama Xaaraanta 

Wayse banaantahay in la wariyo xadiisyada daciifka ah sida marka laga hadlayo Mawaacidka (waanooyinka ) sida Attarqiib & Watarhiib oo laga wado khayrkoo la jeclaysiiyo dadka ama xumaanta oo looga digo.

Tusaale hadii xadiis daciif ah ka hadlo fadliga salaada habeenkii(Qiyaamu laylka) waa la soo qaadan karaa xadiiskaa daciifka ah waayo waa wax asal ahaan ku sugan xadiisyada Saxiixa aha ama Xasanka ah.sidoo kale qiyoosinka iwm. Waxaa iyadana in la isku baraarujiyo ah in qofka soo daliishanaya xadiiska daciifka ah uusan oran ama adeegsan erayga ah .”قال رسول الله” oo laga wado “Rasuulkaa yidhi”. Balse waa inuu yidhaahdo “روى عن رسول الله كذا, أونلغنا عنه كذا”  oo laga wado ” waxaa Rasuulka xagiisa nalooga soo weriyay”

Sidaa waxa loo yeelayna waa iyadoo la diidayo in loo tiiriyo Rasuulka Allah scw xadiis daciif ah adoo og inuu xadiiskaas yahay daciif,  taasna maaha wax u qalanta Suubahana scw.
Tusaale Xadiis Daciif ah

(من لم تنهه صلاته عن الفحشاء والمنكر، لم يزدد من الله إلا بعداً)). وفي لفظ: ((من لم تنهه صلاته عن الفحشاء والمنكر ، فلا صلاة له)

Xukunka ku dhaqanka Xadiiska daciifka ah

Way isku khilaafeen culimadu ku dhaqanka Xadiiska daciifka ah qaar waxay yiraahdeen marna ma banaana.  Qaar kale waxay yiraahdeen way banaan tahay. Qaar kale waxay yiraahdeen way banaantahay hadii shuruudaan la raaco. laakiin sida Jamhuurul culamaa isku raaceen waxay tahay in lagu dhaqmi karo marka laga hadlayo Fadaail Al acmaal oo qura, hadii shuruudaan sadexda ah laga helo siduu sheegay Xaafid ibnu Xajar RaximahuLaah.

Waxayna kala yihiin sidaan:

  1.  Inuusan noqon dacfiga xadiiska mid aad u daran
  2.  Inuu soo hoos galo wax asal leh(( yacni uu jiro daliil ama xadiis kale oo xoojinaya))
  3.  Inuusan qofku iska dhaadhicin inuu ajar ka helayo markuu ku camal falo.

Kutubta ugu caansan ee laga qoray Xadiiska Daciifka ah.

الضعفاء          : waxaa qoray Ibnu Xibbaan
ميزان الإعتدال : waxaa qoray Addahabi
المراسيل          : waxaa qoray Abii daa,uud
العللل               : waxaa qoray Daarqudni

Wabillahi Towfiiq

WQ: Najma Saciid                                                                                                                                                                                                                        

 

 

2 Comments leave one →
  1. October 9, 2011 11:17 pm

    masha ALLAH. Allaah ha idin ziyaadiyo cilmikiina khaalisna ha idingaga dhigo

  2. October 13, 2011 11:08 pm

    Aaamin walaal

    Baarakallahu feeki

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: