Skip to content

Imaam Maalik Ibnu Anas

June 14, 2011

Imaam Maalik  Bin Anas (امام دار الهجرة) 

Bismilaah

 Nasabkiisa iyo dhalashadiisa

Magaciisa:  Abuu Cabdullaah  Maalik bin Anas bin Maalik bin abii Caamir  bin Camr bin Xaarith  Al-asbaxi. Wuxuu ka soo jeedaa Imaamku asal ahaan “Ximyar” oo ah qabiil Yemen dega . Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Caaliyah bintu Shariik  bin Cabdiraxmaan Alazadiyah.

Imaamku wuxuu dhashay sanadkii  93H, wuxuuna  ku dhashay Madiinah AlMunawarah oo ah magaaladii Rasuulku  swc u hijrooday oo ayna ku kulmeen jiilkii  ugu horeeyay ee saxaabada iyo ardaydoodii.  Allah ka raali noqdee wuxuu ku barbaaray deegaan cilmiyeed. Aabihii , walalkiis iyo hooyadiisba waxay ahaayeen dad cilmiga xadiithka  aad u raac raaca  taasna raad bay ku yeelatay imaamka .

 Dadaalkiisii cilmi raadinta

 Imaamku wuxuu bilaabay cilmiga  isagoo aad u yar wuxuu sida caadada u ahayd culimada xifidyay Qur’aanka. Wuxuu bilaabay imaamku inuu la fariisto culimadii waqtigiisa joogtay

Macalimiintiisii kuwii ugu horeeyay waxaa ka mid ahaa Ibnu Hurmuz,  wuxuuna ka  bararnayay cilimiga 7sano  cid kalena uma tagi jirin xiligaa.  Isagoo ka waramaya imaamku wuxuu yiri  “waxaan u imaan jiray Ibnu Hurmaz subaxii kamana tagi jirin ilaa habeenkii”.  Kadib wuxuu u wareegay  Naafic Mowlaa ibnu Cumar ilaa uu la caan noqday  riwaayadkiisa (warintiisa ) مالك عن نافع عن ابن عمر . Wuxuu kaloo ka qaatay imaamku cilmiga Ibnu shihaab Azuhhari   iyo culimo kaloo badan

 Wuxuu imaamku ku bixiyay cilmiga dadaal iyo waqti badan.  Magaalada Madiina casrigiisii ma  jirin cid lala simo xagga cilmul xadiiska, Fiqhiga iyo xifdigaba.

Isagoo ka waramaya imamku naftiisa wuxuu yiri “waxaan u imaan jiray  Naafic Mowlaa ibnu cumar  maalinta badhkeeda  iyadoo geedna iga celinayn qorraxda  waxaan sugi jiray intuu ka soo baxayo  markuu soo baxo xoogaa baan u kaadin jiray  waxaan iska dhigi jiray sidii anoon arkayn  kadibna waan salaami jiray  markaasaan waydiin  jiray  waxaanan oran jiray muxuu ka yiri Ibnu cumar  sidaa iyo sidaa  kadibna wuu ii  jawaabi jiray  waana xifdin jiray wuxuu ii sheegoo dhan”.

Mar kale isagoo ka waramamaya  xifdigiisa wuxuu yiri . Waxaan u imid mar Ibnu shihaab Azuhhari, markaasuu  i waydiiiyay  waxa aan doonayo .Markaasaan ku iri waxaan rabaa  inaad xadiith ii sheegto, ka dib wuxuu  igu yiri  la soo bax looxaaga  waan la soo baxay  wuxuu ii  sheegay 40 xadiith  markaasaan ku iri ii kordhi markaasuu igi yiri   U kaadi hadaad xafido intaan oo xadiith waxaad  ka mid tahay Xufaada,  markaasaan ku iri waan xafidayba   markaasuu iga qaaday looxii   gacantayda ku jiray oo yiri ka soo bax  markaan soo sheegay intii xadiith ahayd ee uu ii sheegay  wuxuu yiri  Kac  waxaad tahay  weelasha cilmigee !

Imaamku wuxuu ku caan baxay  xifdi sareyn,  waxaa la sheegaa inuu  ka dhagaysan jiray xadiithka  culimo badan  mid walbana ka maqli jiray 50 ama 100 xadiith korkana ka xifdin  jiray isagoon xadiithna ku qaldin xadiithka kale

Culimadiisii qaar

  •  Naafic (mawlaa Ibnu Cumar)
  • Ibnu Hurmuuz/Harmuuz
  • Ibnu Shihaab A zuhuri
  • Abuu Zinaad
  • Yaxye ibnu Saciid al Ansari
  • Imaam Jacfar A-saadiq
  • Cabdullahi ibnu Diinaar
  • Caisha bintu Sacad binu abii waqqaas 
iyo Culimo kale oo fara badan. 

Hadaladiisii qaar

Ibnu Cabdul Barr wuxuu ka wariyay imam Maalik inuu yiri “Cilmigaan yacni (xadiithka) waa diin  ee  ka fiirsada cidaad ka qaadanaysaan diintiina”. Wuxuu kaloo oranjiray imaamku “lagama qaato cilmiga 4 ruux. balse waxii ka sokeeya waa laga qaadan karaa. Afartaasna waxay kala yihiin:  

1) Qof safiih ah (doqon) . 2)  Qof bidcoole ah  dadkana ugu yeeraya bidcadiisa . 3) Qof beenaale ah . 4) Mid sheekh ah oo fadhli iyo wanaagba leh oo hadana aan garanyn waxan uu xanbaarsanyahay waxuu ka waramayo/ka hadlayo.

Ardaydiisii/dadkii xadiiska ka weriyay:

Imaam Maalik  dad aad u fara weyn ayaa ka weriyay axadiista. Imam Dhahabi waxuu yidhi ” Imaam Maalik dad aad u badan oon lasoo koobi karin ayaa wax ka weriyey”. Khadiibul Baqdaadi waxuu ka alifay kitaab uu ku qoray dadkii Imam Maalik ka weriyay axadiista waxuuna ku sheegay qiyaastii ilaa 993 qof.

 Kuwa ugu caansan waxaa kamid ah:

  • Imaam Shaafici
  • Wakiic ibnu Jarraax
  • Sufyaan Ibnu Cuyeyna
  • Sufyaanu Thowri
  • Shucbah ibnu Xajaaj
  • Cabdullahi Ibnu Mubaarak
  • Al awzaaci
  • Cabduraxmaan ibnu Mahdi
  • Layth ibnu Sacad
  • Sidoo kale sheekhiisii Zuhuri ayaa isaga ka weriyay axadiis.

Raacistiisi Sunnada iyo  Nacaybkisii Bidcada

Wuxuu aad caan ugu ahaa imaamku ku dheganaanta sunnada  iyo wadaddii saxaabada  wuxuuna aad u necbaa  bidcada iyo waxyalaha diinta lagu soo daro. Imaam Shaadibi wuxu ku sheegay kitaabkiisa  (Alictisaam) inuu Imaam Maalik yidhi    “qofkii Islaamka ku  soo dara waxaan ka mid ahayn oo bidco ah,  bidcadaas oo uu u arko wanaag  waa qof sheegtay  in Nebi Muxammad scw  khiyaanay Risaaladii uu Ilaahay usoo dhiibay. Sababtoo ah Ilaahay ayaaba yidhi                             

” الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلامَ دِيناً 

Wuxuu aad uga soo horjeeday imaamku ahlu bidaca iyo  kuwa hawadooda raaca.

Nin ayaa maalin weydiiyay imaamka aayada Qur’aanka ah ee ah   الرحمن على العرش استوى , waxuuna yidhi sidee ayuu Ilaahay carshiga ugu istiwooday/sugnaaday?. Imaamku xoogaa ayuu ka amusan kadibna waxuu yidhi : ” Alistiwaa (kelmadaas) waa la yaqaanaa waxay tahay. Sidee ayuu ugu sugnaaday carshigiisana lama oga.  In la is weydiiyana waa bidco. In la rumeeyana waa waajib”. Sidaasuu kusoo koobayba hadalkii dhanaa.

Amaantii culimada  ay ka yiraahdeen Imaam Maalik.

 Culimadu aad bay u Amaaneen imaamka   hadalo badana way ka sheegeen inshaAllah in yar  unbaan ka soo qaadan doonaa si uusan u dheeraan qoraalku.

Imaam Shaafici wuxuu yiri haduu war kuu yimaado Maalik baa ah xidigii .Yacni qof ku qabsan kara hadalkaas ma jiro.

  Yaxyaa bin saciid  iyo  Yaxyaa bin Maciin waxay yiraahdeen  “Maalik waa amiirkii mu’miniinta ee xadiithka” Axmed bin Xanbal wuxuu yiri ” hadaad aragto qof u careysan Maalik ogoow in qofkaasi yahay bidcoole”  sidoo kale  Awzaaci wuxuu yiri ” Maalik waa  Caalimkii Culimada  iyo Caalimkii  reer Madiina  iyo Muftigii  xaramaynka”.

Imaam Maalik  Waxaa lagu naanaysi jiray “Imaamu daarul hijrah” .

Waxaa caado u ahayd imaamka in hadii la waydiiyo su’aalo inuu  inta badan oran jiray ma garanayo.  Wuxuu ahaa midaan ku degdegin Fatwada, waxaa kaloo caado u ahayd markuu xadiithka akhrinayo inuu isa soo nadiifiyo cadar is mariyo isagoo weynaynaya  xadiithka Rasuullka scw.  Hadal ama odhaah waxaa jirta la odhan jiray oo ahayd ” Ma cid kalaa fatwoonaysa iyadoo uu Maalik Madiina joogo”!

 Kutubtuu qoray imaamka qaar ka midda 

 Waxaa ugu caansan kutubtiisa ” الموطأ” Imam Shaafici wuxu yiri isagoo ka waramaya kitaabkaan  ma jiro kitaab ka saxsan  Qur’aanka  ka dib  kitaabkan. Hadalkaasna wuxuu yiri intuusan soo shaac bixin kitaabka saxiixul Bukhaari iwm

Waxaa kaloo ka mida  kutubtuu qoray imaamku

  • الرد على القدرية
  • رسالة في القدر
  • كتاب النجوم والحساب مدار الزمن
  • رسالة في الأقضية، فيتفسير غريب القران

Geeridisii

Wuxuu geeriyooday imaamku  bishii Rabiical awal sanadkii 179hj, waxaana  lagu aasay Madiinah qabuuraha  Baqiic, kadib markii uu  ku soo qaatay noloshiisii intii badnayd  cilmi barasho ama dad barid ,sidoo kale zuhdi,dadaal iyoAlle ka cabsi .

Alxaafid Asuyuudi wuxu yiri wuu xanuunsaday Maalik  wuxuna xanuunsanaa ilaa  22 cisho , wuxuuna dhintay maalin axad ah Bisha Rabiicul awalna tahay 10 ama 14. Xiligaaasna waxaa khilaafada hayay  Haaruunu Rashiid.  Waxaa ku tukaday jinaasadiisa  dad aad u badan.

Allah u naxariisto Imaam maalik naxariis waasic ah,  Siduu diinta Ilaahay ugu adeegay ee uu Sunadda Nabiga scw ugu gargaaray ,Ilaahay swt ha ugu abaal gudo janatul Firdawsa.  Inagana Ilaahay hanaga dhigo kuwii ka faaideysta cilmigiisa << aamin.

WQ Najma Saciid

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam

2 Comments leave one →
  1. Ahmed noor qorane permalink
    May 17, 2012 11:18 am

    Masha’allaah

  2. Nuur Ibnuqorane AL SOMALI permalink
    February 6, 2013 11:39 am

    (ALLAAHU ~AKBAR

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: