Skip to content

Imaam Abuu Daa’wuud

June 19, 2011

 

Taariikh nololeedkii Imaam Abuu Daa’wuud (Raximahullah)   

Nasabkiisa & Dhalashadiisa

Magaciisu waa Abuu Daa’wuud  bin Suleymaan Bin Al ashcath Asssajistaani . Waxuu kamid yahay ragii xadiithka xifidsanaa  Imaamku waxuu ku dhashay magaalada Sajistaan ,sanadku markuu ahaa 202 Hijriyada. 

Barashadiisii cilmiga

Abuu Daa’wuud Waxuu ku soo koray isagoo cilmigu uu yahay hamigiisa. Sidoo kale waxuu aad u jeclaa cilmiga, waxuuna ahaa mid raadiya axadiista Nabiga scw. Imaamku waxuu arday u ahaa imaamyo waa weyn sida Imaam Bukhaari aad iyo aad ayuuna uga faaiday cilmigiisa. Sidoo kale imaamku waxuu aah mid aad ugu eg oo shabaha  sunada iyo hadyiga macalinkiisa Axmed Ibnu Xanbal.

Sida caadada u ahayd culimada waxuu imaamku bilaabay inuu raadsado cilmiga isagoo jira da’yar. Waxuu u safray  koonaha ama geesaha aduunka iyo meelaha ay ka jirtay xadaarada islaamku. Waxuuna guda galay inuu xadiithka raadsado . Waxuuna la kulmay muxadithiin iyo xufaad kala duwan . Culimadaas oo kala joogtay Khuraasan, Masar,Shaam iyo Ciraaq. 

Imaamku waxuu ahaa mid isnaad sareeya ka weriya Nabiga scw. xataa waxaa la sheegaa isaga iyo Imam Muslim oo labadooduba yihiin ardayda Bukhaari in uu Abu Daa’wuud ka isnaad sareeyo xagga Rasuulka scw.  

Culimadiisa:

Saan soo sheegnayba sheekhu waxuu cilmiga ka qaatay culima fara badan oo joogay meelo kala duwan . Waxaana kamid ahaa culimadaas:

  • Imaam Bukhaari
  • Imaam Axmed ibnu Xanbal
  • Yaxye ibnu Maciin
  • Caliy Ibnu Madiini
  • Suleymaan ibnu Xarbi
  • Cabdullahi ibnu Rajaa’
  • Abii Waliid A-teylasi
  • Muslim ibnu Ibraahim

 Ardaydiisii & Dadkii wax ka weriyay

Sheekhu waxuu lahaa arday aad u fara badan waxaana kamid ahaa :

  • wiilkiisii ahaa Abuubakar ibnu abuu Daa’wuud
  • Imaam Tirmidi
  • Imaam Nisaa’i
  • Abu Usaama Maxamed bin Cabdilmalik
  • Abuu Saciid ibnu Alcarabi
  • Abuubakar ibnu abii dunyaa
  • Cabdiraxmaan ibnu Khalaad a Raamahurmuzi
  • Abuu Caliy Al lu’lu’aani.  iwm

 Culimadu amaantay ka dhaheen:

Xaafidkii la odhan jirey Abuu Cabdullaahi ibnu Mundah waxuu yidhi ” kuwii kala saarayay waxa thaabitka ah iyo waxa cilada leh ee khaladkii iyo saxdiiba kala shaandheeyaay waa 4: Imaam Bukhaari, Muslim , Abuu Daa’wuud iyo Nisaa’i.

Imaam Dhahabi waxuu yidhi “Abuu Daa’wuud waxuu aha xaafidkii casrigiisa waxuuna ahaa faqiih weyn, waxaana ku tusaya kitaabkiisa Waxuuna kamid ahaa dadka aadka ula fadhiistay Imaam Axmed ee mas’aailo badan weydiiyay kuwaas oo ah usuul iyo furuucba”.  

Ibraahim Al xarbi waxuu yiri “waxuu Ahaa nin aad iyo aad ugu jilecsan xadiithka sidii Nabi Daa’wuud cs loogu jilciyey birta

Muusa Bin Haarun waxuu yiri ” Abu Daa’wuud  waxaa loogu tala galay aduunyadan xadiith , aakharana Janno , mana arkin qof  ka fadli badan aoo kagana xeel dheer cilmiga xadiithta

Kutubtiisa:

 Imaamku waxuu leeyahay kutub aad u fara badan balse kuwa ugu caansan ayaanu ka soo qaadanaynaa inshaAllah

  • Sunanu Abii Daa’wuud
  • Dhalaailu Nubuwah
  • Tafarud fi sunan
  • Al Muraasiil
  • Almasaail (suaalo uu weydiiyay imaam axmed)
  • Naasikhul Qur’aan wa mansuukhihi
  • Kitaabu Zuhd

 Geeridiisii

 Fitnadii La oran jiray Zanja ee ka dhacday Basra kadib ayaa  khaliifkii waagaas haystay waxuu imaamka ka dalbaday inuu magaalada la joogo oo dadkana baro cilmiga.

Sidii ayuuna yeelay imaamku ilaa ay uga timid ajashii. Waxuuna geeriyooday maalin Jumce ah, Taariikhduna ay tahay 16 shawaal 275 Hijriyah 

Ilaahay swt naxariis waasic ah dushiisa ha yeelo, diinta uu usoo adeegayna ajar iyo xasanaat haka siiyo. Anagana cilmigiisii kuwa ka faaida hanaga dhigo aamiin.

WQ: Cumar Maxamed

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: