Skip to content

Al Jarx wa tacdiil Q1aad

June 21, 2011

 

Al Jarx Wa tacdiil

Bismillah

Xadiiska  Nabiga sallalaahu caleyhi wa sallam inuu noqdo mid ka sugan isaga iyo inkale ayay ahaayeen culimadu kuwa ku shaqlan. Xadiiska lama eegi jirin matni-giisa ilaa laga eego isnaadka (ragga werinaya).  Culimadu waxay u sameeyeen shuruud iyo darbi aan marnaba la dhaafi karin. Dadaalkaas oo dhanna waxay u galeen uun inaan Nabiga scw iyo saxaabadiisa lagu been abuuran, sidoo kale aan diinta lagu soo darin waxaan kujirin.  Hadaba culimadu waxay sameeyen fanni/cilmi la dhaho ”al jarx wa tacdiil” oo ah mid soo hoos galaya Musdhalaxul xadiis.

Al jarx= dhaawicid weeye haddii la fasiro waxaana laga wadaa ruwaada xadiiska werinaya oo laga helay ceeb . Ceebtaas oo noqonaysa mid aan lagu aqbali karin xadiiskiisa.

Al tacdiil= waa qofkan oo la sheegayo inuusan lahayn ceeb . waxayna ka soo horjeedaa uun aljarx.

Shuruuda laga rabo qofka xadiiskiisa la qaadanayo:

Jamaahiirul culimaa al xadiith iyo fiqhgi  waxay isku raaceen  shuruuda lagu aqbalayo xadiiska  waxaa aa’saas u ah laba shardi oo kala ah:

  1. Al cadaalah: Waxayna ka wadaan inuu raawiga xadiiska werinaya yahay Muslim, Qaangaadh, mid aan waalnayn,  fisqiga ka nabad gelay iyo sidoo kale waxa anshax xumada leh.
  2. Adhabt:  Waxayna ka wadaa inuusan raawigu ahayn mid khilaafa dadka thuqaata ah, uusan xifdi xumayn, khalad badnayn, qaafil/dhoohane ahayn iyo inuusan ismoodsiin badnayn.

 Sidee lagu suggi/garan raawigan xadiiska werinaya inuu yahay mid caadil ah?

Cadaaladu laba wadoo ayaa lagu garan karaa:

  1. In laba sheekh ama hal sheekh oo kamid ah culimada Jarx wa tacdiil uu sheego in raawigan yahay mid caadil ah
  2. Ama inuu uu yahay mid caaan ah oo magaciis iyo fadhligiisu  ku dhex baaxay umadda dhexdeeda sida afarta imam oo kale ama Awzaaci, Thowri , Ibnu Cuyeyna iwm.

Sidee ayaa lagu garan qofka dhaabitka ah?

Waxaa lagu gartaa inuusan ahayn mid khilaafa a’imada oo axadiista uu werinayo aysan noqon kuwa qhariib ah oo la geesmar ah. Balse dhib malahan hadduu marmar khilaafo , waxaa daran uun inuu badanaa khilaafo .

 Mala iska qaadan karaa jarx iyo tacdiil iyadoon la cadeyn sababta?

  •  Cadaalada qofka hadii laga hadlayo waa la qaadan karaa iyadoo la sheeg sheegin sifoyinka. Sababtoo ah wey badantahay hadii la dhaho hala sheego. Waxaa la odhan wuu tukadaa, wuu soomaa, been ma sheego ,xumaantaas kuma dhaco iwm. Marka waxay noqon wax fara badan.
  • Laakiin jarx waa qasab in la cadeeyo.  Sababtoo ah waxaa dhici karta wax aad adu u aragto ceeb inaysan ahayn wax lagu jarxiyo qof. Khadibul Baqhdadi waxuu yidhi “ waana sidaas mad-habta culimada xadiiska ee xufaada ah (yacni in la fasiro oo la cadeeyo jarxiga)”.  Sidaa daraadeed ayuu Imaam Bukhaari u xujaystay axadiista ay weriyeen  Cikrama iyo Camru ibnu marzuuq  inkastoo horey loo jarxay. Imaam Muslimna waxuu xujaystay Suweyd ibnu Saciid iwm. Waxayna qabeen mad-habta ah in jarx aysan iska qaadan ilaa laga fasiro oo laga cadeeyo mooyee.

 In raawi la jarxiyo ama la tacdiiliyo waxaa ku filan hal imam inuu dhaho. Culimada qaarna waxay dhaheen mayya waa inay laba imaam jarxiyaan, balse sida saxda ahi hal imam ayaa ku filan.

 Haddii ay jarx iyo tacdiil kuwada kulmaan raawiga waxaa la hormarin jarxiga. Yacni tusaale: Waxaad u taqaan qof hebel inuu caadil yahay oo waxaad aragtay isagoo tukanaya oo axadiis akhrinaya iwm. Marka qof kale ayaa ku yidhi hebelkan aad aragto waa beenaale ama waxaan arkay isagoo xumaan hebla ku dhacaya. Marka culimadu waxay dhaheen waxaa la qaadan kan jarxiga wada  haddii uu jarxigaasu yahay mid fasiran oo la cadeeyay waxa lagu jarxinayo.

 Xukunka qofka fisqi ka tawbad keenay:

 Qofka fisqiga ka tawbad keenay waa la qaadan axadiistiisa. Laakiin lama aqbalayo qofka ka tawbad keena been ka sheegida uu ka beenabuuran jiray Rasuulka scw.

 Xukunka in la qaato xadiiska qofka ku qaata lacag werinta axadiista?

 Culimada qaar kama qaataan qofka noocaas ah axadiis sida: Imaam Axmed iyo Abii  Xaatim iyo Isxaaq.

 Culima kalena way ka qaataan sida: Abuu Naciim Fadhal ibnu Dhakwaan.

 Abuu Isxaaq Ashiiraazina waxuu yidhi way u banaantahay qofka aan haysan dhaqaale uu  caruurtiisa ku koriyo

 Xukunka haddii uu sheekhu  iloobo inuu arday hebel xadiiskaas u sheegay.

 Waxaa dhadca in sheikh la weydiiyo oo la dhaho xadiiskan hebel baa kaa werinaya. Kadibna uu sheekhu yidhaahdo mayya ma xasuusto ama may muusan iga werin. Hadaba maxaa la sameyn?

  •  Haddii uu sheekhu dhaho waan hubaa oo hebel umaanan sheegin xadiiskan, hadaba xadiiskaas waa la raddin oo lama qaadanyo.(mana ahan in midkood la dhaho waa beenaale oo la jarxo ee waa la iska dhaafi xadiiska dhanba).
  • Balse haddii uu dhaho ma xasuusto ama magaranayo, waa la qaadan xadiiskaas.

  InshaAllaah waan sii wadi doonaa darsigan.

Lasoco qeybaha hadhay……

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: