Skip to content

Ibnu Maajah

July 18, 2011

Taariikhda Imaam  ibnu Maajah

 Magaciisa iyo Dhalashadiisa

Imaamka magaciisa waxaa la yidhaahdaa  Abuu Cabdullaahi Maxamed Ibnu Yaziid al-Qazwiini . Wuxuu ku dhashay magaalada Qazwiin oo ku dhaw magaaladii loo yaqaaanay Rayy oo hada layidhaa(Tehran) ee dalka Iran. Imaamku wuxuu dhashay 20kii Ramadan 209Hijriyada.

Cilmi raadiskiisii

Imaamku wuxuu barashadiisa cilmiga bilaabay isagoo aad u yar, wuxuuna aad u laazimay oo uu la joogi jirey sidoo kale aad ugu weriyay axaadiista imaamkii caanka ahaa ee la odhan jirey Maxamed ibnu Caliyi Addanaafisi.

Ibnu Maajah wuxuu u rartay ama uu soo mariyay cagta si uu cilmi uga soo barto magaalooyin aad u badan oo ahaa barigaa uu isagu noolaa ilaha ugu waaweyn ee laga helo culuumta xadiithka sida:  Basra, Baghdad, Ray(Tehran), Masar,kufa,  i.w.m.

Inta u ku jiray safarkiisii cilmiyeed ama rixlada wuxu la kulmay culimo aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin Abuubakar ibnu abii Shaybah iyo Hishaam ibnu Cammaar ad-dimishiqi.

Culimadiisa ugu waawayn

  • Cali ibnu muxamed Ad-danaafisi
  • Abuubakar Ibnu Abii Shaybah
  • Abuu khaythama
  • Hishaam ibnu Cammaar ad-Dimishiqi iyo culimo kale oo badan.

Ardaydiisa ugu caansan

  • Abul Xassan ibnu Qaddaan oo ah raawiga kitaabkiisa sunanka ah kan wariyay
  • Sulaymaan ibnu Yaziid abu Jacfar
  • Abuubakar Xaamid Al-Abhari

Kutubtiisa ugu caansan:

Imam ibnu Maajah wuxuu qoray  kutub  kala duwan  oo ay ka mid yihiin:

  • Kitaab Tafsiira oo musnad ah
  • kitaab taariikh ah 
  • Sunanu Ibnu Maajah oo ah kitaab aad u weyn.

Imaamkii  ugu horeeyay ee ku daray kitaabka Sunanu ibnu Maajah  kutubu Sitta wuxu ahaa  Alxaafid Abul Fadar ibnu Daahir Almaqdasi oo dhintay 507 hijriga oo ku daray kitaabkisa layidhaa “Adraaful kutubu sitta”. Iyo kitaabkiisa “shuruudu  A’immatu sitta”.

Imaamkii  ugu horeeyay ee  la jamciyay adraaftiisa adraafta Umahaatka kalena wuxu ahaa alxaafid  Abul Qaasim ibnu Casaakir oo dhintay 571Hijriga.

Imaamkii ugu horeeyay  ee isaguna  rijaashiisa la jamciyay  rijaalu sitta wuxu ahaa alxaafid Cabdulqani Almaqdasi oo ku daray kitaabkiisa layidhaa “Alkamaal fii asmaa’i rijaal” oo asal u ah dhamaan kutubta laga qoray kutubu sitta.

Ibnu Maajah wuxu u bandhigay culimadii joogtay wakhtigaas, sida caadada u ahaydba salafkii iyo culimadii Islaamka.

Mar uu ka hadlayay kitaabkiisana waxuu yidhi imaamku. ” Abuu Zurca ayaan u bandhigay oo waxuu igu yidhi ,kitaabkaaagan haduu umadda dhex galo  kitaabo badan oo jawaamic ah baa la iskaga tagi doonaa maxaa yeelay wax badan baad kusoo aruurisay  axaadiithta aan sugnayna waa 30 axadiis”. Balse imaam Dhahabi ayaa yidhi 30kaas xadiis waa Mawduuc, maxaa yeelay kuwa daciifka ahi intaas way ka badanyihiin.

Kitaabka “Sunanu Ibnu Maajah”

Kitaabka Sunanu ibnu Maajah waxuu ka koobanyahay 37 kitaab oo uu ugu horeeyo kitaabu Dahaara waxaana u dambeeya  kitaabu Zuhdi. 

Baababka uu u qaybiyay kitaabkisa waa  1515 Baab.

Axaadiithta kusoo aroortay kitaabka waa 4341 xadiith.

Imaamka waa lagu yara dhagay oo laguna qabsaday iyadoo lagu haysto inuu kusoo arooriyay kitaabkiisa axaadiith aan sugnayn. Axaadiithta la tuuray ee ku jirta sunanka waa 30 xadiith.

Axaadiithta Daciifka waa ilaa 1000 xadiis, Sida uu Dahabi ku sheegay  Kitaabka Siyarka. 13/277 S

Al-imaam Abul faraj ibnu Jawzi  isagu 34 xadiith oo sunanu ibnu Maajah ku jirta ayuu ku xukumay  inay yihiin Mawduuc (Been abuurad), waxuuna ku daray kitaabkiisa  layidhaa “Al mawduucaat”, inkastoo ayna culimadu u wada Sallimin.

Sheekh Albaani  isagu  axadiista uu ku xukumay mawduuc inay yihiin waa  39 xadiith. Wuxuu shan xadiis ka dheeraaday  ibnu jawzi,  inkastoo ayna isku axaadiith wada xukumin oo ay isku khilaafsanyihin meelaha qaarkood.

Sido kale Sheekh Albaani axaadiithta uu Daciifiyay ee uusan gaadhsiin darajada mawduuca waxaa weeye tiradoodu 909 xadiis.

Axaadiithta saxiixa ah ee uu saxiixiyay sheekh Albaani waa 3503 xadiith.

Ibnu maajah  wuxuu la wadaagay kutubta kale ee ah umahaatu sitta 3002 xadiith.  Axaadiithta uu la kaliyoobay ee uu kaligii weriyayna waa 1329 xadiith, waxaana kamid ah axaadiith dhan 428 xadiis  oo saxiixatul isnaad ah ( iskood ahaan yacnii iyadoon waxba lagu xoojin) iyo 119 xadiis oo  Xasan isnaadkoodu yahay (iskeed ahaan).  Kuwa kale ee uu la kaliyoobay xitaa saxiixatu liqayrihaa ama xasan liqayrihaa ama daciifba way ahaan karaan.

 Imaamu ibnu maajah ma ahayn shardigiisu inuu  soo saaro wixii saxiix ah uun laakiin marka la daba galay qaabka uu wax u qoray waxaa la ogaaday inuu mar welba oo baab gunto  uu kusoo hormariyo xadiith walba xadiithka uu ka saxiixsan yahay.

Geeridiisa

Imaamku wuxuu geeriyooday sanadku markuu marayay 273Hijriga, cimrigiisuna waxuu marayay 64 jirr.

Ilaahay swt ha u naxariisto naxariis waasic. Cilimigii uu umadda uga tagayna ajar iyo xasanaat haka siiyo . Aaamiin

WQ: Cabdiraxmaan Maxammed

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: