Skip to content

Imaam Nisaa’i

September 14, 2011

Taariikh nolaleedkii Imaam Nisaa’i

Abtirkiisa iyo Barbaarintisii

Magaciisa dhamaystiran waa  Abuu C/Raxmaan Axmad Ibnu Shuceyb Ibni Cali  Ibni Sanaan Ibni Baxar ee Reer Khurasaan kana sii ahaa Rer Nisaa’i . Sanaan waa Balad ka tirsan Dhulka loo yaqaan Khurasaan oo hadda kamid ah wadanka loo yaqaan Iraan. Imaamu Nisaai waxaa la dhalay Taariikhdu markii ay aheyd 215 Hijriyada

Barashadiisii Cilmiga

Imaamka ilaa iyo yaraantiisii ayuu cilmiga baran jiray, waxuuna jeclaa inuu mar walba cilmigiisa kordhiyo. Sidaa darteed ayuuna Safaro fara badan u galay.

Sanadku markuu ahaa 230hj ayuu ka safray Magaaladiisa, waxuuna markaa jiray 15sano. Imaamku waxuu u safray inuu ka soo qaato cilmi  Quteyba oo daganaa Magaalada Baqhalaan. Wuxuuna la joogay mudo gaareysa hal sano iyo kabadan.

Cilmiga Barashadiisana waxaa uu u galay Safaro aan lasoo koobi Karin,  meelaha uu u safray waxaa ka mid ah Magaaloyin ka tirsanaa dhulkii markaa loo yaqiinay Khurasaan, sidoo kale dhulal kala duwan sida:  Xijaaz ,Masar, Ciraaq, Jaziirada Carabta guud ahaan iyo Shaam waxuuna cilmi ka bartay dhulkaas Culimadii joogtay waayahaas kuwii ugu Caansanaa.

Imaam Nisaa’i waxuu ahaa badd wada cilmi ah iyado oo ay ku dheehantahay fahan, Xifdin iyo Garasho dheer. Wuxuu  kala saari jiray Ruwaada Axaadiista, waxaa uuna ku wanaagsanaa Alifida Kitaabada .

Culimadiisii kuwa ugu caansan

  • Isxaaq ibnu Rahaweyhi
  • Hishaam ibnu Cammaar
  • Cimraan ibnu Muusaa Al Qazzaaz
  • Cumar Ibnu Caliyy Al Fallaas
  • Iyo culimo kale oo aad u fara badan. 

Ardaydiisa kuwa ugu caansan:

  • Abuu Bishr Ad-Duulaabi
  • Abuu Jacfar Adh-dhaxaawiy
  • Abuu Caliy An-neysaabuuri
  • Xamzatu ibnu Muxamed al Kinaani
  • Abuu Jacfar Muxamed ibnu Axmed Anaxxaas.
  • Iyo arday kale oo fara badan

Shardiga Imaam Nisaa’i

Imaamku waxyaabaha uu gaarka lalahaa waxaa kamid ah inuu ku xidhi jiray aqbalida Xadiiska  Shuruudo ka adadag kuwa ay Shardiyaan Bukhaari iyo Muslim. Arintaas oo muujineysa Dadaalka iyo xaqdhawrka uu u hayay Xifdinta Sunnada.

Sidaa darteed ayaa Xaafidka la yiraaho Ibnu Dhaahir waxuu su’aal weydiiyay shiikh la yiraahdo Sacad Ibnu Cali Az-Zanjaani. Su’aashaas oo ku saabsanayd nin ruwaaada kamid ah darajadiisa (yacni ma nin dhaaciif ah baa mise mahan). Shiikh Sacad Az-Zanjaani waxaa uu ninkii u arkay inuu yahay nin lagu kalsoonaan karo oo darajo fiican leh. Markaasuu Ibnu Dhaahir yiri: Ninkan waxaa Daciifiyay Imaamu Nisaa’i ee kawaran? . Markaasuu Shiikh Sacad yiri: Wiilkeygow Nisaa’i waxaa uu leeyahay Shuruud ka adag kuwii ay Shardiyeeyeen  Bukhaari iyo Muslim.

Ibnu Dhaahir baaritaan ka dib waxaa uu rumeestay in ay sax tahay arinta uu sheegay Shiikh Sacad waxuuna yiri: waa run waxaa uu daciifiyay jamaaco ka mid ah Ruwaada kuwaasoo ay wax ka wariyaan Bukhaari iyo Muslim.

Imaam  Nisaa’i  xaga Fiqigana waxaa uu ahaa mid ku sareeya taasoo ay la yaabi jireen Culimada marka ay aqriyaan kitaabkiisa, arintaas ayaana sababtay Imaamu Xaakim inuu yiraahdo: Ruuxii fiiriya Sunanka Nisaa’ii wuu wareerayaa hadal wanaagiisa dartiis!.

Fadligiisa

Waxaa uu yiri Xaafida loo yaqaan Muxammad Ibnu Muthafar “waxaan maqlay Culamadeenii Masar oo tilmaamaya dadaalka xaga Cibaadadka ah ee uu la iman jiray Imaamu Nisaa’i, waxayna tilmaameen inuu cibaadada ku Dadaali jiray Habeen iyo Maalinba”. Waxuu Amiirkii Masar u raaci jiray Duulamada taasoo muujisay Geesinamada iyo kartida uu leeyahay Imaamku.

Amaanta Culimada u  jeediyeen

 Xaafidka la yiraah Abuu Cali An-Neysaabuuri waxa uu yiri “Nisaa’i waa Imaamkii Xadiista dood la’aan”.

Imaamu Daaraqudhniyi waxa uu yiri “Abuu C/raxman An-Nisaa’i waa mid ka horeeya mid walba oo joogay casrigiisii oo  lagu sheego cilmigan”

Imaamu Daaraqudniy waxaa kaloo laga sheegay inuu yiri  “caalimka la yiraah Abuubakar Ibnu Xadaad ee Muxadiska ahaa kama Warin Axaadiista Cid aan aheyn Imaamu Nisaa’i, waxuuna dhihi jiray , waan ku raali noqday Cilmigiisa inuu ii ahaado Xujo noo dhaxeysa aniga iyo Allaah”.

Abuu Saciid Ibnu Yuunus waxaa uu yiri maruu ka taariikheynayay Imaamu Nisaa’i “waa Imaam xaafid ah oo sugan”.

C/lllaahi Ibnu Munadah waxaa uu yiri ” kuwa soo saaray Axaadiista saxiixa ee kala soocay Axaadiista Saxda ah iyo kuwa aan Saxneyn waa Afar Caalim:- Imaamu Bukhaari, Muslim, Abuu Daa’uud iyo Abuu C/Raxmaan An-Nisaa’i.

Kutubtiisa

  • عَمَل يَوْمٍ وَليْلَةٍ
  • الضُّعَفَاءِ
  • المُجْتَنَى
  • السنن الكبرى 
Geeridiisii
Abuu Saciid Ibnu Yuunus waxuu ku sheegay kitaabkiisa (taariikh) in Imaam Nisaa’i uu ka baxay wadanka Masar bishii Dhulqacdi 302hj. Waxuuna u anba baxay xagaa iyo Falastiin. Geeridu waxay u timid maalin Isniin ah oo bisha Safar ay sadex berri ka hadhay, taariikhduna tahay 303hj.
Ilaahay Swt haw naxariisto Imaamka, cilmigii uu ummadan usoo gudbiyayna ajar iyo xasanaat haka siiyo, Inagana haynaga dhigo kuwa ka faaiida
Wallaahu tacaalaa Aclaa wa axkam
WQ Nuux Xaaji
No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: