Skip to content

Al Marfuuc

October 31, 2011

Xadiiska Marfuuca ahi Maxuu yahay?

Bismillaah

Luqad ahaan:  Marfuuc  macnaheedu waa koryeelid ama sareeyn waxayna ka timid kalmada  رفع ,kelmadaas oo kasoo horjeeda kalmada وضع oo loola jeedo hoos u dhigid ama hooseeysa. Halkaa waxaynu ka faaideynaa in xadiiska Marfuuca ah loo nisbeeynayo ama  loo tiirinayo suubanaha maqaamka  sareeya leh  ahna Nebiga  sallalahu calayhi wasalam.

Isdilaax ahaan :  Waa  xadiis  walboo loo tiiriyo  Nebiga sallalahu calayhi wasalam  ha ahaado  hadal, ficil, sifo iyo taqriir(wax agtiisa lagu sameeyay Nebiga  sallalahu calayhi wasalam waxaasoo uuna reebin ama ka hadal ).

Xadiiska Marfuuca ah waa xadiiska loo nisbeeyo ama loo tiriyo  Nebiga sallalahu calayhi wasalam, waxaas loo tiirinayana   ha ahaado hadal , ficil ,sifo iyo taqriir.

Qofkan Nabiga sallalaahu calayhi wasalllam u tiirinaya ficilka,sifada,taqriirka ama hadalka , lama eegayo ma saxaabi baa mise mahan. Sidoo kale lama eegayo isnaadku miyuu xidhiidhaa mise mayya. Muhiimada ugu weyni waa yaa loo tiirinayaa waxan. Haddii uu yahay isnaadku mid xidhiidhan waxaa la odhan Mutasil marfuuc. Haddii uu Taabici ka boodo saxaabi oo si toos ah uga weriyo Nabigana waxaa la odhan Mursal.

Noocyada Xadiiska Marfuuca u qeybsamo

Waxaan horey u soo marnay in Xadiiska Marfuuca ah u qaybsamo 4 qaybood ( hadal, ficil, sifo iyo taqriir) hadaba iyagoo faahfaahsan waa kuwaan  noocyadii Xadiiska  Marfuuca ..

 1– Marfuuc  qowli ( marfuuc hadal ahaan ku yimid) . Tusaale : Inuu yiraahdo Saxaabi  ama cid kaleba wuxuu yiri Rasuulku sallalahu calayhi wasalam sidaa

  2– Marfuuc  Ficli ( marfuuc  ficil ahaan ku yimid) . Tusaale: Inuu yiraahdo Saxaabi ama cid kaleba   wuxuu sameeyay Rasuuulku sallalahu calayhi wasalam  sidaa

3–  Marfuuc  Taqriiri ( marfuuc   taqriir ahaan ku  yimid).  Tusaale: Inuu yiraahdo Saxaabi ama cid kaleba waxaa lagu ag sameyey Rasuulka sallalahu caleyhi wasallam sidaa , lamana soo werin inuu Rasuulku diiday ama wax ka yidhi.

4– Marfuuc  Wasfi ( marfuuuc  sifo ahaan ku yimid). Tusaale: Inuu yiraahdo Saxaabi ama cid kaleba  Wuxuu ahaa Rasuulkii Alle sallalahu calayhi wasalam   midka ugu akhlaaq wanaagsan dadka ama sidaa ayuu ekaa iwm.

 Xukunka xadiiska Marfuuca

Xadiiska Marfuuca ah  wuxuu noqon karaa  saxiix hadii laga helo dhamaan shuruudihii xadiiska saxiixa ah . sidoo kale wuxuu noqon karaa Xasan  hadii laga helo  shuruudihii xadiiska xasanka ah  wuxuu kaloo noqon karaa daciif hadii laga waayo shuruudaha  saxiixa ama xasanka .

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam

WQ: Najma Saciid

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: