Skip to content

Al Qhariib

December 5, 2011

Al Qhariib

 

Luuqad ahaan:  Waa kalinimo ama Tusaale markuu ruuxu ka fogyahay qaraabadiisa iyo wadankiisa waxaa la odhan waa qariib.

Isdhilax ahaan: Waa xadiiska raawi welba uu kasii weriyo 1 raawi kali ah.

Micnaha guud :

Qariib waxaa laga wadaa marka xadiis isnaadkiisa uu werinayo 1 raawi kali ah. Waxaa laga yaabaa isnaadka dhan laga bilaabo hoos ilaa iyo Nabiga sallalaahu calayhi wasallam in raawi welba uu 1 raawi kali ah kasii weriyay.  Hadaba noocas ayaa la dhahaa qariib.  Sidoo kale haddii xataa isnaadka 1 dabaqo uun hadduu uu hal raawi kali ah werinayo waa qariib.

Qasab mahan in isnaadka dhan uu dabaqa kasta 1 raawi kali ah werinayo. Waxaase shardi ah in ugu yaraan 1 dabaqo uu kujiro raawi kali ah oo werinaya xadiiskaas.

Magaca kale ee qhariibka la yidhaahdo:

Culimada qaar waxay ugu yeedhaan sidoo kale ”al fard” oo micnaheedu yahay ”kali ah”.

Noocyada Qhariibka:

¤ Qhariib Mudlaq/ Fardh Mudlaq: Waxaana laga wadaa in xadiisku asalkiisa horeba (yacni saxaabiga laga bilaabo)  uusan lahayn waddo kale ama isnaad kale oo aan ahayn kan aynu ku maqalno. Ama waxaa lagaba yaabaa inuu leeyahay isnaadyo kale laakiinse ay wada yihiin kuwa ciladaysan , aan ka ahayn kan mooyee.

Tusaale:  Cumar binu Khadab waxuu Nabiga scw ka werinayaa inuu yidhi ” إنما الأعمال بالنيات

Hadaba xadiiskan sidan ayuu u egyahay isnaadkiisu:

Cumar Binu Khadab<< Qofka kali ah ee ka werinaya  xadiiskan waa  ”Calqamata binu Waqaas Allaythi”. Isagana  Raawiga kali ah ee ka werinaya waa ” Maxamed ibnu Ibraahim Ataymiy”. Isagana cidda kali ah ee ka werinaysa xadiiskan waxaa weeye ” Yaxye ibnu Saciid Al ansaari”.

Hadaba xadiiskan waxaa la odhan waa Qhariib maadama uu dabaqooyinka oo idili wada weriyeen 1 raawi kali ah

¤ Qhariibu Nasbi/ Fardhu Nasbiy:  noocan waxay iska soo horjeedaan kii hore. Waxaa laga yaabaa xadiiskan inuusan ahayn mid asalkiisa hore (yacni saxaabiga weriyay) uusan la kaliyoobin. Waxaa dhici karta inay saxaabo badan weriyeen , laakiin saxaabada cidda kasii werisay ayaa waxay leeyihiin arday fara badan.  Tusaale: Sheekh ayaa xadiiskan waxuu ka maqlay saxaabi. Sheekhu waxuu leeyahy arday fara badan. Ardaydiisa waxaa kamid ah arday la yidhaahdo Muxamed. Waxaa la odhan xadiiskan waxaa sheekh hebel ka weriya ardaygiisa Muxamed ah kali ah oo ardaydiisa kale ma weriyaan.

Hadaan tusaale usoo qaadano :

مالك عن الزهري عن أنس رضي الله عنه أن النبي صلي الله عليه وسلم دخل مكة وعلى رأسه المِغْفَر

Xadiisakan Waxaa Maalik ka werinaya Zuhuri kali ah. Sidaa daraadeed waxaa la odhan waa “Qhariib Nisbi”

Noocyada uu qeybsamo Qhariibka Nisbiga:

–         In la yidhaahdo Xadiiskan ma jiro Thiqa kale oo werinaysa hebel mooyee.

–         Xadiiskan hebel waxaa ka werinaya hebel uun (Tussalahii xadiiska kor aan ku soo marnay ee Zuhuri uu Maalik ka werinayay)

–         Xadiiskan waxaa werinaya oo la kaliyoobay magaalo hebla : Tusaale in la yidhaah reer Shaam ayaa werinaya.

–         Xadiiskan waxaa la kaliyoobay wadan hebel oo ka werinaya wadan hebel.. Tusaale Reer Basra ayaa ka werinaya reer Madiina.. Marka waxaa la odhan reer Madiina xadiiskaas waxaa ka weriya uun reer Basra.

Kutubta ugu caansan ee laga qoray:

  • Qharaa’ibu Maalik<< Daara qudni ayaa leh
  •   Al afraad << Daaraqudni ayaa sidoo kale qoray
  •  Abii Daauud alsajistaani isn amid ayuu leeyahay ka hadlaya axadiista ay magaalo welba la kaliyowday.
Wallaahu tacaaalaa aclaa wa axkam
No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: