Skip to content

Sunada Wadaa’ifteeda/Hawsheeda-Q1aad

February 5, 2012

Sunadu Hawshee ayay qabataa?

Bismillaah

Waxaan wada ognahay  dhamaanteen  inagana  qarsoonayn in Qur’aanku yahay  hadalkii Allah subxanahu watacalaa uu  ku soo dejiyay Rasuulkiisa Muxammed sallalahu calayhi wasallam, sidoo kalena u xilsaaray  inuu u cadeeyo adoomaha Alle  muraadka Qur’aanka iyo ujeedooyinkiisa .

 Allah subxanahu watacalaa wuxuu ku leeyahay Ayadan:

   ( وأنزلنا إليك الذكر لتبين للناس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون ) Macnaha aayada  (waxaan   kugu soo dejinay yacni Rasuulka salalahu calayhi wasalam  Qur’aanka si aad ugu cadeyso dadka waxa loo soo dejiyay ) Surat Naxl. Halkaa waxaa inooga cad in quranka karimka ah uu ku yimaado si  duuduub ah kadibna uu Rasuulka (salalahu calayhi wasalim)  inoo   kala dhigdhigo  macnahaas duuduuban.   Hadii ay tahay cibaado, mucaamalo, axkaam, iwm. 

 Hadaba waxaan is waydiin karnaa  maxay tahay  howsha Sunnada? ama maxay qabataa Sunnadu?

Jawaabtu waxaa weeye : Sunada Hawsheedu waa inay cadeyso xukum  ku yimid Qur’aanka ama  inay fasirto wuxuu Qur’aanku si duuduub ah  ama si guud u tilmaamay/ sheegay ka dibna cadeyn iyo tafaasiil ka bixiso.  Hadaba Hadalkoo kooban waxaan odhan karnaa Sunadu waa Tarjumaankii Qur’aanka ..

Waxaa jira  qaabab badan oo ay Sunadu u  tarjumto ama u macneyso Qur’aanka. Hadduu Ilaahay yiraahdo waxaan tilmaami doonaa qaar kamid ah si aan u ogaano maxay tahay shaqada  iyo howsha sunadu. Sidoo kale si aan u ogaano sunada  muhiimadeeda, iyo inay tahay  dhaxalkii labaad  iyo udub dhexaadka diinteena.  Iyada iyo Qur’aankana  aan la kala  sooci karin,  qofkii diida si ula kac ahna uu   gaaloobayo  (walciyaadu bilaah) .

  • Sunadu waxay cadeysaa  xukum uu Qur’aanku si guud inoo faray. Tusaale:

  Allah subxanahu watacalaa markuu leeyahay  (salaada  ooga  zakadana bixiya. Surat  Baqarah 43)   aayadu ma sheegin mana cadeyn inta rakcadood ee salaadu tahay, xiligeeda, shuruudeeda,arkaanteeda iwm. Waxa  inoo cadeeyay waxasoo dhan waa sunada  suuban.

  •  Sunadu waxay cadeysaa  madmadoow  ama si kale in loo fahmo  aayadaha qaar.  Tusaale:

  وكلوا واشربوا حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر.  Saxaabi  ka mida saxaabadii Rasuulka (salalahu calayhi wasalam) ayaa u fahmay aayadan  si ka duwan siduu Allah swt ula jeeday.    Wuxuu u fahmay saxaabigu in laga wado in dun madoow iyo mid cad inta la soo qaato  la eegayo. Taasna Rasuulkaa (salalahu callayhi wasalam) u cadeeyay inaan sidaa loola  jeedin ee loola jeedo  madowga habeenkii iyo iftiinka maalintii  kana shaafiyay fahamkiisii qaloocnaa.

  • Sunadu waxuu Qur’aanku idlaaqay ayay soo koobtaa  ama faahfaahisaa. Tusaale:

Aayda oranaysa (  kan wax xada iyo tan wax xadda gooya gacmahooda ) aayadu waxay tilmaamtay goynta gacmahooda  laakin ma sheegin ilaa xagee la goynayaa. Waxasase noo cadeeyay Sunada daahirka ah.

  •  Sunadu waxay cadeysaa macnaha erayada Qur’aanka qaarkood iyo waxa loola jeedo . Tusaale:

Aayada oranaysa  ( kuwa Allah swt rumeeyay ee iimaankoodana aan ku dheehin dulmi kuwaasi waxay leeyihiin amni  waana kuwa hanuunsan . Surat Ancaam 83) . Saxaabadii  way murugoodeen markeey ayadaan maqleen, waxayna yiraahdeen  Rasuulkii Alloow waa keenee kaan naftiisa dulmin?. Asxaabtu erayga “dulmi” ayay sidiisa ku qaateen, balse Ilaahay swt sidaa kamuu wadin.. Rasuulka (salalahu calayhi wasalam) ayaa u micneeyay oo yidhi ” Dhulmiga uu Ilaahay sheegayo waa shirkiga”. Siduu Adoonkii wanaagsanaa ee la odhan jiray Luqmaan uu ku sheegay Surat Luqmaan . Markuu wiilkiisa la dardaarmayay ayuu yidhi ” Shirkigu waa dhulmi weyn”

WQ: Najma Siciid

Lasoco qeybta 2aad

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: