Skip to content

Taariikhda Sheekh Nuur Qawwi oo gaaban

February 14, 2012

 Bismillah

Taariikh nololeedkii Sheikh Maxamad Nuur Qawi Xafdahullah

 Nasabkiisa magiciisa iyo meesha uu ku dhashay

Sheekhu wuxuu kamid yahay culimada salafiyiinta ee ugu caansan soomaliya .  SHeekha waxaa lagu magacaabaa : Maxamad Cuthmaan Cali Rawba Wadaay ,Wuxuu U dhashay Qawmiyada Oromada.

Wuxuu  dhashay sanadku markuu ahaa 1930 wuxuuna ku dhashay Itoobiya Tuulada Haramaanyo oo hada kamid ah Harar . Sheekhu wuxuu kasoo jeedaa qoys muslim ah oo dhexdhexaad ah macnaha aan ahayn reer cilmiga diinta lagu yaqiin .

Aabihi wuxuu dhintay Isagoo bil jira hooyadiina waxay dhimatay isagoo 14sano  jir ah wuxuuna koray isagoo agoon ah.             

 Barashadiisii cilmiga

Sheekha wuxuu  Qur,aanka xifdiyay isagoo 7sano jira. Waxaana baray Sheekh Maxamad Xasan . Intaa kadib wuxuu bartay Fiqhi Shaafici Iyo luuqada carabiga iyo ,Cilmiga xadiithka Kadib wuxuu u safray dalka Masar taariikhdu markay ahay 1950kii

Safarkiisii Masar

 Sheekhu wuxuu u safray Maser wuxuuna galay jaamacada Azhar. Safarkiisa uu Maser kutagay wuxuu kala kulmay dhibaatooyin , markuu waxbarashadii dhameeyay wuxuu soo aaday wadanka Somalia waxaana usoo dirtay jaamacada .

Wuxuu kusugnaa Somalia ilaa sanakii 1999 kii kadibna wuxuu aaday Imaaraatka carabta (UAE) oo uu ilaa hada kunoolyahay

Culumada sheekha waxaa kamid ahaa:

  • Sheekh Maxamuud Suleyman 
  • Sheekh Maxamud Shaltuut 
  • Sheekh Cuthman

 Ardayda sheekha waxaa kamid ahaa

  • Sheekh Xasan Xabeeb
  •  Sheekh  Boqolsoon (Alla Ha U Naxariistee)
  • Sheekh Maxamud Nuur (Bukhari)
  •  Iyo Sheekh Cabdul qadir (Gacamey)

 Sheekhu wuxuu dadka bari jiray culuumta kala duwan ee diinta lakiin wuxuu xooga saaray caqiidada iyo xadiithka Nabiga (sallalaahu calayhi wasallam)

Sheekhu wuxuu ahaa muftiga Somalia .

Kutubtiisa:

Sheekhu ma qorin kutub, laakiin waxuu leeyahay risaalooyin iyo khudba  .

Sheekha wuxuu la kulmay dhibaatooyin inta uu fidinayay dacwada salafiga ilaa laga xidhay sanadkii 1986 ilaa 1989kii ,wuxuu dacwada siiiwaday sheekhu iyadoo uu socdo dagaalkii sokeeye balse markii danbe waxuu u guuray wadanka Imaraadka halkaasna wuxuu kasii waday fidintiisii cilmiga wuxuuna kabilaabay kitaabka Fatxul Baariga ibnu Xajar ilaa uu ka xanuunsaday. Ilaahay hasiiyo caafimaad waasic ah. Dacwadiisana ajar iyo xasanaat haka siiyo.

 Wabillahi Tawfiiq

WQ: Ahmed Hasan Ibraahim

FG: Maqaalka laga tujumay taarikhda Sheekha waxaa la qoray muddo 4-5sano laga joogo.

 

4 Comments leave one →
  1. Ahmed noor qorane permalink
    June 24, 2012 6:35 pm

    Masha’allaah yaa raxmaan yaa raxiim allow cafimaad sii intii bukta oo muslim ah, sheekhana allaah cafimaad siiyo

  2. June 24, 2012 9:38 pm

    Aaamiin walaal

  3. August 4, 2012 10:40 am

    Allahayow sheekha islaamka ah oo sida weyn diinta ugu faafiyay oo kamid ah meesha uu uu sida wayn diinta ugu faafiyey dalkeena soomaalia allow caafi maalinta aakhirana abaal marintaada mida ugu wanaagsan allow sii ee wanaaji allow aamiin aamiin aamiin

  4. August 4, 2012 7:05 pm

    Aaamin walaalo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: