Skip to content

Sunnada wadaa’ifteeda Q2aad

March 12, 2012

 Sunnada wadaa’ifta ama hawsha ay qabato< Q2aad

 

Sunnadu waa  daliilka labaad  een daliishan karno marka laga hadlayo sharciga  Islaamka  waana  midda  inoo cadeysa  mar walba  axkaamta inoona kala dhigdhigta, waa mida  qofkii ku dhegaa uuna baadiyoobeyn waligii, waa mida kaa badbaadinaysa inaad ku dhacdo bidco iyo khuraafaad diin laga dhigay, waa xarig aan go’ayn cidii qabsataana  liibaaneyso aduun iyo aakhiraba …

Waxaan horey u soo sheegnay qaybo ka midda  wadaaifta ama howsha ay qabato Sunnadu hadana waan dhameystiri doonaa inshaAllahu tacaalaa .

  • Sunadu waxay noo cadeysay naxariista  Allah subxanahu watacalaa ee lagala soo dhex baxay  quraanka sida  hadalka Allah subxanahu watacalaa  

 ( وإذا ضربتم في الأرض فليس عليكم جناح أن تقصروا من الصلاة إن خفتم أن يفتنكم الذين كفروا ) [ النساء

Markaan eegno  aayada waxaan ka fahmaynaa in shuruuda  salaada lagu gaabin karo marka safarka la yahay ay tahay cabsi . sidaa darteed ayaa qaar ka mida saxaabada  waydiiyeen Rasuulka sallalaahu calayhi wasalam  maxaan u gaabinaynaa  salaadii  mar hadii ayna cabsi jirin ( yacni markan safarka nahay hadeyna cabsi jirin ) markaa ayuu ugu jawaabay  Rasuulkii  naxariista  loo soo direy calayhi salaatu wasalaam  waa sadaqo Allah swt idin siiyee qaata sadaqadiisa ..

  • Sunadu  waxay noo cadeysay  in la cuni karo Maydka  xayawanada qaar isagoo quraanku si guud u sheegay in Maydku xaraam yahay  sida aayada  oranaysa 

 ( حرمت عليكم الميتة والدم ..) Sunadu waxay noo cadeysay in maydka   ayaxa iyo  kalluunku ayna xaraam ahayn  Nabiga sallalaahu calayhi wasallam ayaana Xadiith ku leh : فقال صلى الله عليه وسلم : ” أحلت لنا ميتتان ودمان : الجراد والحوت، والكبد والطحال (waxaa naloo xalaaleeyay laba dhiig iyo laba meyt)

  • Sunadu waxay noo  sharaxday aayada oranaysa  ( قل من حرم زينة الله التي أخرج لعباده والطيبات من الرزق )

 In la is qurxiyaa inay banaantahay ayay aayadu noo sheegtay,balse sunnada ayaa inoo cadeysay waxyaabaha aan la isku qurxin karin ee xaaraamta ah sida  in Raggu xidhaan  dahab iyo xariir.

(Nabiga sallalaahu calayhi wasallam ayaa maalin kusoo baxay asxaabta isagoo gacmahiisa midood ku sida xariir mida kalena dahab, markaasuu yidhi Labadani waa ka xaaraam umadayda labkeeda (ragga) balse waa u xalaaal dhedigeeda (dumarka).).  Xadiiska waxaa soo saaray Xaakim , waana saxiix ayuu yidhi. 

  • Sunadu  waxay noo sheegtay  dhaxalka  ayeeydu qaadanayso. Qur’aanka kuma jirto dhexelka ayeeyda. 

 

  • Sunadu waxay ilaalisay  xiriiirka ka dhexeeya qaraabada . Qur’aanku waxuu xarimay inaan la isla guursan karin laba gabdhood oo walaalo ah. Sunnada ayaa ku kordhisay oo iyana waxay xarimtay inaan sidoo kale la isla guursan gabadh iyo eedadeed ama gabadh iyo habaryarteed. 

 

  • Sunadu waxay inoo sheegtay  Zakaatu fidr  waxay tahay iyo inta la bixinayo iyo dadka laga rabo  quraanka laguma sheegin  zakatulfidr.

 Tusaalayaasha ka hadlaya sunadda wadaaifta ama hawsha ay qabato  way badanyihiin mana soo koobi karno. Waxaan kusoo koobi intan. Ilaahay swt hanoo sahlo fahanka Qur’aankiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa (sallalaahu calayhi wasallam)

 WQ :Najma Siciid

 

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: