Skip to content

Al Jarx Wa tacdiil Q2aad

March 26, 2012

Bismilaah

Dersigani waa kii labaad ee aan kaga hadalno Jarxiga iyo Tacdiilka. Si aad u fahantid dersigan waxaa fiican inaad soo akhrisid Qeybtiisa 1aad inshaAllah.

Dersigan waxaanu kaga hadli doonaa , qofkan wax jarxinaya ama tacdiilinaya sifa nooce ah ayaa laga rabaa.. Sidoo kale maxay tahay alfaada/erayada/odhaahda ay isticmaalaan cuimada loo yaqaan “culamaa’ul jarx wa tacdiil” ama “Culamaa’ul xadiith”. Erayadaas oo ay ku sifeeyaan dadka axaadista laga qaadanayo. Sidoo kale martabadahee/darajooyinkee ayay kala leeyihiin.

Waxaanu ku horeysiin:

Sifada laga rabo ruuxa wax jarxinaya[1] ama tacdiilinaya[2]

Si uusan qofku ugu malayn in cid welba ay wax iska jarxin karto ama iska tacdiilin karto waa inaan sheegnaa shuruuda ay culimaa’ul xadiith u sameeyeen.

Waxaan soo qaadanaynaa sifooyinka ogu waa weyn ee aas’aaska u ah:

  1. Qofkan wax jarxinaya ama tacddiilinaya waa inuu isagu horta yahay mid cadaalad leh. Waana shuruuda ugu horeysa . Marka laga helo cadaalada ayaa lo soo laaban shuruudaha kalena. Waayo qof aan isagiiba cadaalad ahayn see looga qaadan tawthiiq ama tajriix.
  2. Inuu yahay mid Ilaahay ka cabsanaya sidoo kalena xalaal miirasho badan. Sababtoo ah cabsida Allah iyo xalaalmiirashadu waxay qofka ka ilaalinayaan inuu ku degdego arinta khatarta ah (yacni jarxiga), waxuuna ka fogaan tacasubka . Sido kalena waxuu ogaan inuu Ilaahay swt daalacanayo. Ibnu Xajar waxuu yidhi , Ibu Daqiiq Alciid waxuu yidhi “Cirdiga Muslimiintu waa god kamid ah godadka naarta waxaana godkaas qarkiisa istaagay laba nooc oo dadka kamid ah , waana madaxda  iyo Muxadithiinta”.
  3. Waa inuu yahay mid soo jeeda/taxadaraya sidoo kalena yahay mid wax hubsasho badan. Umu sugnaanin qof welba oo cadaalad laga helo, xalaalmiirasha iyo Allah ka cabsina leh inuu wax jarxiyo ama tacdiiliyo isagoon ahayn mid wax hubsanaya ama ahayn mid soo jeeda.
  4. Inuu yahay mid kala garanaya asbaabaha wax lagu jarxiyo ama lagu tacdiiliyo. Qofku haduusan garanayn asbaabaha wax lagu jarxiyo waxay noqon xan haduu ka hadlo dad kale. Waayo lama rabo ruux welba inuu iska banaanaysto cirdiga walaalkii.

Arin muhiim ah:

Qofka wax jarxinaya wuu noqon karaa qof adoon ah ama dhedig ah. Sidoo kale ma banaana ilma aan qaangaadhin in la qaato tajriixintiisa ama tacdillintiisa.

 Maraatibta[3] iyo Alfaadha/erayada  Jarxiga iyo tacdiilka.

Ibnu Abii Xaatim muqadimada kitaabkiisa ”Aljarx wa tacdiil” waxuu u qeybiyay Jarxiga 4 martabadood , tacdiilkana sidoo kale. Martabad kastna wuu cadeeyay xukunkeeda. Culimada isaga ka denbeysay ayaa Jarxigana laba martabad ku sii daray Tacdiilkana sidoo kale.. Halkaas waxay noqdeen 6 iyo 6. (Yacni jarxiga 6 martabadood ayay ka dhigeen , tacdiilkana 6 martabadood).

Waa maxay alfaadha/erayada loo isticmaalo marka wax la tacdiilinayo, sideyna ukala sareeyaan martabadooyinkoodu?

Darajada Sifada Tusaale-Alfaadha Xukunka
1) In la isticmaalo alfaad ku tusaysa tawthiiq heerka ugu sareeya فلان إليه المنتهي في التثبيت، أو فلان أثبت الناس(Hebel ayaa ugu thiqaysan dadka, ama hebel ayay ku dhamaataa sugnaanshau)


Dadka martabadan lagu sifeeyo waa xujjo axaadiistoodu.
2) In la isticmaalo alfaadh xoojinaysa oo ku sheegaysa thiqa inuu yahay ruuxan ثقة ثقة ـ أو ثقة ثبت(Waa thiqa thiqa ah. Ama waa thiqa suggan) Dadka martabadan lagu sifeeyo waa xujjo axaadiistoodu .
3) In la isticmaalo alfaadh aan lagu adkayn inuu yahay thiqa saas usii weyn ثقة، أو حُجَّة.(Waa thiqa ama Xujjo) Dadka martabadan lagu sifeeyo waa xujjo axaadiistoodu.

 

4) In la sheego inuu yahay ruuxan caadil laakiin laguuma cadayn xifdigiisa صدوق. أو مَحَله الصدق ، و لا بأس به(Haddii uu Yaxye ibnu Maciin yidhaah ”laa b’sa bih” waxuu kawadaa waa thiqqa)  

Martabada dadka lagu sifeeyo lama xujaysto axaadiistooda laakiin waa laga qori axaadiistooda waxaana loo isticmaali ikhtibaar ahaan. (Ikhtibaar waxaa aga wadaa =Axaadiistooda ayaa waxaa loo bandhigi dadka thuqaata ah axaadiista ay weriyaan, haddii ay is waafaqaan waa la qaadan haddii kalena lama qaadanayo).

 

5) inaan la cadeyn tawthiiq iyo tajriix midkoodna فلان شيخ، أو روي عنه الناس.(Hebel waa sheekh, ama hebel dadku way ka weriyaan) Martabada dadka lagu sifeeyo lama xujaysto axaadiistooda laakiin waa laga qori axaadiistooda waxaana loo isticmaali ikhtibaar ahaan. (Ikhtibaar waxaa aga wadaa =Axaadiistooda ayaa waxaa loo bandhigi dadka thuqaata ah axaadiista ay weriyaan, haddii ay is waafaqaan waa la qaadan haddii kalena lama qaadanayo).
6) Wax ku dareensiinaya inay u dhawdahay jarxin. فلان صالح الحديث، أو يُكْتَبُ حديثه.(Hebel waa saalixu xadith, ama hebel waa laga qoraa axaadiista)  

Martabadan dadka lagu sifeeyay lama xujaysto axaadiistooda, laakiin waa laga qori  Ictibaar ahaan kali ah oo aan ikhtibaar lahayn. (Ictibaar waxaa laga wadaa= Axaadiistooda waxaa lagu quweyn in la daba galgalo oo shawaaid iyo mutaabaca loo raadsado).

Waa maxay alfaada/erayada loo isticmaalo marka wax la jarxinayo, sideyna ukala sareeyaan martabadooyinkoodu?

Darajada Sifada Tusaale-Alfaadha Xukunka
1) Wax ku tusaya dabacsanaan. Waana kan ugu dhibyar jarxiga (yacni sifadan dadka lagu sheego mahan jarxi sidaa usii weyn). فلان لَيَّنُ الحديث،أو فلان فيه مَقال(Hebel wuu xadiith fududyahay, ama waxbaa laga sheegaa) Martabada dadka lagu sifeeyo lama xujaysto axaadiistooda ,laakiin waa laga qori ictibaar ahaan ayaa loo qaadan axaadiistooda.

 

2) In laguu cadeeyo qofkaas inaan la xujaysan. فلان لا يحتج به ، أو ضعيف ، أو له مناكير( Hebel lama xujaysto , ama waa dhaciif, ama waxuu leeyahay manaakiir) Martabada dadka lagu sifeeyo lama xujaysto axaadiistooda ,laakiin waa laga qori ictibaar ahaan ayaa loo qaadan axaadiistooda.

 

3) In laguu cadeeyo in qofkaas aan laga qorin axaadiis. فلان لا يكتب حديثه، أو لا تحل الراوية عنه أو ضعيف جداً( Hebel lagama qoro axaadiis, ama ma banaana in hebel laga weriyo, ama waa dhaciif daran) Martabadan dadka lagu sifeeyo lama xujaysto, lagamana qoro , lamana ictibaaro axaadiistooda.
4) In lagu tuhmo been . فلان متهم بالكذب أو متهم بالوضع، أو يسرق الحديث، أو متروك أو ليس بثقة.( Hebel been baan lagu tuhmayaa, ama wadhci baa lagu tuhmi, ama axaadiistuu xadaa, ama waa mid laga tago, ama thiqa mahan) Martabadan dadka lagu sifeeyo lama xujaysto, lagamana qoro , lamana ictibaaro axaadiistooda.
5) In lagu sifeeyo beenaale كذاب أو دجال أو وضاع أو يكذب أو يضع(Waa beenaale, ama Dajjaal, ama wadhaac, ama wuxuu sheegaa been, ama wuu wadciyaa) Martabadan dadka lagu sifeeyo lama xujaysto, lagamana qoro , lamana ictibaaro axaadiistooda.
6) In lagu xeedheerado beenaale-nimadiisa. فلان أكذب الناس ، أو إليه المنتهي في الكذب ، أو هو ركن الكذب .(Hebel waa kan dadka ogu been badan, ama isagay ku dhamaataa beentu,ama waa tiirka beenta.) Martabadan dadka lagu sifeeyo lama xujaysto, lagamana qoro , lamana ictibaaro axaadiistooda.

[1] Jarxin= Waa iyadoo laga helo qofkan wax werinaya ceeb.

[2] Tacdiil= qofkan oo laguu sheegayo inuusan lahayn ceeb .

[3] Maraatib= heer/darajo.

Wallaahu tacaalaa aclaa wa axkam

La soco qeybaha hadhay InshaAllah

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: