Skip to content

Sheekhah Kaamilah Alkuwaariy

May 11, 2012

Wa ayyo Sheekhah Kaamilah Alkuwaariy?

Magaceeda & Meeshay ku dhalatay

Sheekhah Kaamilah Bintu Muxamed bin Jaasim bin Cali Al-Jihaam Alkuwaari waxay ku dhalatay Doha/Qatar,halkaas oo ay wakhtigan xaadirka ahna ku sugantahay.  

Cilmigeeda

Sheekhadu waxay martay wadadii caanka ahayd ee ay culimadu qaadi jireen , in ay xifideen Qur’aanka Ilaahay swt kadibna ay culuumta Islaamka dhex mushaaxaan. Waxay kasoo baxday dugsiyada Qatar qaar kamid ah kadibna waxay gashay Jamacada. Waxayna jaamacada ka qaadatay qeybta (كلية الشريعة) , waxay dhamaysay jaamacada sanadku markuu ahaa 1997. Risaaladii ay markaa masters/Maajisteerka ku qaadatayna waxay ahayd (وقائع الأعيان في الأحوال الشخصية والحدود والشهادات). 

Maxay hadda qabataa?

Waxay hadda u shaqaysaa oo ay baaxitha/baadho ka tahay hay’ada “وزارة الأوقاف والشؤون الإسلامية”.

Kutubteeda & Website-keeda 

Waxay leedahay website iyada u gooni ah , kaas oo runtii ruuxii akhristaa uu in badan ka faaidi,sidoo kalena  dareemi in webkani uu leeyahay qof cilmi iyo mutawaduc u saaxib ah. (http://alkuwarih.com/)

Sheekhadu waxay qortay ama ay sharaxday  kutub xoogaa ah oo isugu jira Tafsiir, fiqh-hi ,naxwe iyo qaar kale.

Kutubteeda waxaa kamid ah:

  • تفسير غريب القرآن
  • المجلى في شرح القواعد المثلى
  • الوسيط في النحو
  • أحكام صلاة الكسوف
  • شرح نونية الشيخ عائض القرني
  • المختصر من الممتع شرح زاد المستقنع
  • قدم العالم وتسلسل الحوادث
  • الخلاصة فى أصول الفقه
  • تحفة الأبرار في أذكار طرفي النهار

Ilaahay swt ha xifido Sheekhada, dadaalka iyo cilmiga ay umadda usoo gashayna haka abaal mariyo. aamiin

2 Comments leave one →
  1. lama permalink
    May 29, 2012 7:23 pm

    masha Allaah, ukhty, jzkheyr for det, waa qof mudan kudayasho

    • May 30, 2012 4:08 pm

      Waiyyaaki walaalo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: