Skip to content

Sheekh Axmed Shaakir (Abuu Ashbaal)

May 21, 2012

Taariikhda sheekh Axmed Muxammed Shaakir

Barbaarintisii

Ash-Shaykh Al-Muxaddith Axmed Muxammed Shaakir  waxa uu ku dhashay magaalada Qaahira, ee dalka Masar,  markuu sanadku ahaa 1309hj, bisha Jamaadul-Aakhir. Aabihii Muxammed Shaakir wuxuu ahaa Caalim reer Azhar ah wuxuuna ka soo qabtay wadanka xilal Diineed oo kala duwan sida: Wakiilka jaamacatul azhar. Bishii Maarso /1900 ayuu Muxadithku ula safray aabhii  dalka Suudaan , ayadoo loo magacaabay inuu ka noqdo garsoore ama Qaadi ,da’da Sheekhuna markaas waxay ahayd 8 jir.

Waxaa la geeyay kulliyad lagu magacaabo (gordon) si uu uga barto asaaska shareecada iyo Culuumta Diinta.  Waxa ay u soo laabteen asaga iyo aabihii wadankoodii hooyo ee Masar taarikhdu marka ay aheed  26/4/1904.  Sheekh Axmed Shaakir waxa uu ku biiray Mac-hadka Askandariya , waxaana Sheekh ka ahaa mac-hadka aabihii  Muxammed Shaakir .

Taariikhdu markay ahayd 29/4/1909 ayuu  aabihii  keenay Magaalada Qaahira si uu u haleelo Culimada Azhar cilmina uu ogu qaato.

Sheekh Axmed Shaakir waxa uu bartay qeybaha kala duwan ee Diinta Islaamka sida Uusuulul fiqhiga, waxaana baray sheekh Muxammed Abuu Daqiiqa, oo kamid ahaa Culimada Mac-hadka Askandariya, sidoo kale wuxuu xubinna ka ahaa Culimada wadanka Masar.

Culimada uu ka qaatay Cilmiga:

  • Aabihii Muxammed Shaakir, kitaabada uu ka qaatay waxaa kamid ah:
  1. تفسير البغوي
  2. صحيح مسلم
  3. سنن الترمذي
  4. صحيح البخاري
  • Sheeikh Muxammed Al-Amiin Ash-Shanqiidi 
  • Sayyid CabdulAllahi Bin Idris As-Sunuusiy 
  • Sheekh Muxammed Rashiid Ridaa iyo Culima kale oo fara badan.

Sheekh Axmed Shaakir waxa uu ka dhigtay jaamacada Azhar Madhabka Xanafiga wuxuuna ka noqday qaadi ama garsoore , lakin wuu ka fogaa in uu ku tacasubo Madhabkiisa, wuxuuna u laaban jiray  Kitaabka, Sunnada iyo aqwaashii Culimadi Salafka.

Arintaasna waxaa daliil u ah oo ku tusinaya  taxqiijinta muxadithku  ee kitaabka (Alrisaala) ee Imaamu Shaafici (Raxmatullahi calayhi) waxa uuna ku cadeeyay inuu ka fogyahay tacasub ama u hiilin waxa looyaqaan.

Sheekh Axmed Muxammed  Shaakir waxa uu alifay kitaabo aad u fara badan ,sidoo kale wuxuu tacliiq ama sharax saaray kutubo fara badan.

Kutubtiisa :

  •  نظام الطلاق في الإسلام
  • الكتاب والسنة
  •  كلمة الحق
  •  كلمة الفصل في قتل مدمني الخمر
  • الشرع واللغة

Kutubta uu taxqiiqiyay

Sheekhu wuxuu qabay fikirka ah in xisaabta xidigaha ay tahay in lagu dhiso bilowga bilaha Carbeed , iyadoo uu khilaafsanaa aragtida shaqsiga ee uu arkaya bisha.

Waxaa jirtay qiso dhex martay aabihii iyo sheekh lagu magacaabi jiray sheekh Muxammed Mustafa Almaraaqi ahaana Sheekha azhar, wuxuuna fatwooday in bilaha lagu dhiso xisaabta xidigaha waxaa khilaafay Culimo aad u badan uu ka mid ahaa sheekha aabihii .

Sheekh axmed shaakir waxa uu raacay aabihii kuna taageeray fikirka ah in aragtida ay ka horeyso tirinta xidigaha.

Lakin muda dheer ka dib waa uu ka laabatay wuxuuna cadeeyay in sheekii azhariga ahaa uu ku saxsanaa, tahayna in lagu dhiso bilaha xisaabta xidigaha .

Shaqooyinkii uu soo qabtay sheekhu

Kadib markuu helay shahaadadi caalamiga ahyd ee Dr waxaa loo magacaabay mac-hadka Cuthmaan Maahir mudo 4 bilood ah, Kadibna waxa uu u soo wareegay qeybta Qadaha ama garsoorka Sharciga ah, illaa uu ka gaaro inuu noqdo garsoorihii ugu sareeyay.

Ugu dambeyn wuxuu kamid noqday xubin kamid ah maxkamada sare .Waxaa laga fariisiyay shaqada 1952, sababtuna waxay ahayd asagoo gaaray sanadkii hawl gabnimada lugahana lag qalay.

Geeridiisii

Intaa wixii ka dambeeyay wuxuu u jeestay inuu dhanka Cilimga, ilaa uu ka geeriyoodo

Waxaa xag Rabbi loo oofsaday taariikhdu markay ahayd, 1377Hj /Dil Qicda Maalin Sabtiya. Allaha u naxaristo sheekh Axmed shaakir wax badan ayuu umada Islaamka kaga tagay ,Allana waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo, Aamiin.

Qore: Al faqir illa’llaah ( Xusayn Caydaruus Muxammed ) 


No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: