Skip to content

An-naasikh & Mansuukh

June 14, 2012

Waa maxay Xadiiska Naasikha iyo kan Mansuukha ah?

An-naasikh luuqad ahaan wuxuu leeyahay laba macne:

1) Al izalah(.baabi’in) marka la leeyahay oo kale  qoraxdii waxay  baabi’isay ama tirtirtay hooskii . 2) Macnaha kalena waa  “Gudbin”  sida marka la leeyahay  kitaabkii ayaa kitaab kale  laga koobiyeeyay yacni wixii macluumaadk ku jiray kitaabka hore waxaa loo gudbiyay ama  lagu guuriyay kitaabkan kale..

Isdilaax ahaana naasikh waxaa laga wadaa  in xukun horey u jiray  lagu badalo ama lagu baabi’iyo xukun cusub oo ka danbeeyay.
 
Yacni xadiiskii la tirtiray ee mansuukha ahaa laguma dhaqmayo ee waxaa lagu dhaqmi xadiiskan wax tirtiray ee naasikha loo yaqaan.

 Imaam Azuhari wuxuu yiri qofkaan kala aqoon  xadiiska  naasikha ah iyo midka mansuukha ah wuxuu isku qaldaa diinta . Qaar ka mida salafkiina waxay oran  jireen ma  fatwoon karo qof aan kala  saari karin xadiiska  la badalay (Mansuukh) iyo kan lagu badalay(Naasikh),  waana muhiim inuu  kala  garto  kalana fahmo Muftigu.

Hadaba in la kala barto xadiiska  naasikha ah iyo kan mansuukha ah  waa fani muhiimadiisa iyo  weynaantiisaba leh. Muhiimadiisuna waxaa weeye si loo kala ogaado  xadiisyada  aan la daliishan karin , kuwaas oo uu ka danbeeyay xadiis kale oo badalay xukunka xadiiskii hore  uu lahaa.

Sidee lagu ogaan in xadiiskan yahay naasikh oo uu tirtiray xadiis kale?

 Waxaa lagu ogaadaa dariiqooyin badan, waxaana ka mida:

  • In si toosa Rasuulka salalahu calayhi wasalam  looga maqlay. Tusaale:  Xadiiska oranaya ( waxaan ahaa mid  idinka  reeba inaad qubuuraha booqataan, balse hadda  soo booqda qubuuraha ,waayo wuxuu  idin  xasuusinayaa aakhiree) Imaam Muslim baa werinaya.
  • In lagu garto taariikh ahaan . Tusaale : Xadiiska uu werinayo Shadaad bin aws ee oranaya (  wuu afurayaa kan  is tooba iyo kan toobayaba), xadiiskaan waa la nasakhay waxaana ka danbeeyay xadiiiska Ibnu Cabaas werinayo ee  oranaya ( Nebiga salalahu calayhi wasallam wuu is toobay isagoo sooman). Hadaba xadiiska Shadaad wuxuu ahaa   xiligii Mekkah la furanayay sanadkii 8aad Hijrada,kan ibnu Cabaasna wuxuu ahaa  sanadkii 10’aad Hijrada ee ahaa sanadkii “Xajatul wadaac”, sidaa daraadeed waxaynu leenahay xadiiska Ibnu Cabaas ayaa la qaadanayaa xukunkiisa maadama uu isagu danbeeyay.
  • Waxaa kaloo lagu ogaan karaa in daliil ijmaaci ahi  jirto. Tusaale:  xadiiska oranaya (qofkii  Khamra caba hala karbaasho haduu mar afaraad ku noqdana hala dilo).  Waxay isku raaceen  culimadu in  xukunka dilka ee qofka khamrada caba uu yahay xukun la baabi’iyay, sidaasna  uu ku noqonayo mid aan la soo daliishan karin.

Tusaale  ka mida xadiisyada la  nasakhay

  • Wuxuu reebay Rasuulku sallalahu  calayhi wasalam  guurka Mutcada ah  sanadkii xajjatul wadaac isagoo horey u baneeyay dagaalkii  awdaas sanadkii sideedaad  Hijrada  .

 Faa’iidada Barashada naasikha iyo Mansuukha

Faa’iidada in la kala barto  xadiiska la nasakahay iyo xadiiska wax nasakhay  waxay tahay  in la kala fahmo  axkaamta  la  tirtiray iyo axkaamta lagu dhaqmayo ee  taagan  xili walba  iyo  sidoo kale waxa ka dhalan kara hadii xadiis  xukumkiisii la badalay   la  soo daliishado laguna  dhiso Mas’allo  xaaraam iyo xalaal  khusaysa  marka laga hadlayo xaga fiqiga   iyo axkaamka sharciga.

Dadka ugu cad cad  fankan waxaa ugu horeeya Imaam Shaafici.

Imaam Axmed bin xanbal isagoo ka hadlaya wuxuu  yiri ” Maanaan kala garan jirin mana aanan kala saari jirin xadiiska naasikha ah iyo kan mansuukha ah ilaa aan kala fadhiisano Shaafici”.

Kutubta ugu caansan ee laga qoray         

  •  “الاعتبار في الناسخ والمنسوخ من الآثار”   waxaa  qoray Abii bakar  Maxamed  Alxaazimi
  •  الناسخ والمنسوخ   waxaa qoray  Imaam  Axmed bin Xanbal
  • تجريد الأحاديث المنسوخة   waxaa qoray Ibnu Jowzi

Wallahu tacaalaa aclaa wa axkam

WQ: Najma Saciid

Ogaysiis:  Waan ogalahay ruux welba oo maqaalada Bloggayga kujira sii faafiya ,laakiin Please adoo raali ah ku hoos qor in aad Blogga>Muhaditha.wordpress.com ,aad kasoo xigatay. Jazaakallahu kheyraa 

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: