Skip to content

Muxamed Ibnu Aslam Ad-duusi

August 7, 2012

Turjumaad gaaban oo ku saabsan Almuxadith Muxamed ibnu Aslam Ad-duusi.

Magaaciisa & Asalkiisa

Magaca Imaamku waxaa weeye : Abul Xasan Maxamed ibnu Aslam ibnu Saalim ibnu Yaziid Alkindi Aldhuusi. Waxuu mowlahooda ahaa “Al-dhuusi”. Imaamku waxuu dhashay taariikhdu markay ahayd qiyaastii 180hj.
Imaamku waxuu kamid ahaa xuffaada axaadiista, waxuuna ku caan baxay wanaag. Imaam Dahabi waxuuba ku sifeeyay inuu ahaa “Sheekhi Bari”.
Culimadiisa.
Shiyuukhda uu wax ka bartay aad bay u badanyihiin , waxaana kamid ah:
  • Yaziid Ibnu Haaruun
  • Xasan ibnul Waliid Alneysaabuuri
  • Muxamed ibnu Cubeyd
  • Jacfar ibnu Cawn iyo culimo kale oo badan. 
Ardaydiisa
  • Ibraahim ibnu Abii Dhaalib
  • Muxamed ibnu Khuzeymah
  • Abuu Bakar ibnu Abii Daa’wuud
  • Muxamed ibnu Wakiic Al-dhuusi iyo kuwa kale.
Fadhligiisii & meeshuu Bulshada ka joogay.
  • Alxafidu Dahabi wuxu yiri “waa imaamki xaafidka ahaa ee rabaaniga ahaa sheykhul Islam”.
  • Abuu Cabdullaahi Alxaakimna wuxu yiri ”  Maxamed ibnu Aslam  waxuu ahaa mid  aad u raac raaco athaartii/raadkii Rasuulka (sallalaahu calayhi wasallam) “.
  • Maxamed ibnu Raaficna wuxu yiri  “Waxan ugaley Maxamed ibnu Aslam Aldhuusii wax kale iilama ekaan saxaabadi Rasuulka (Sallalaahu calayhi wasallam) mooyee!!!.
  • Maxamed ibnul Qaasim wuxu yiri “Waxaan la noolaa Maxamed ibnu Aslam Aldhusii 20 sano waligay ma arkin asagoo 2 rakco oo salad ah dukanaya maalinta jimcaha mooyee. Waxaan maqley asago ku dhaaranaya { walahi hadii aan awoodo in aan ku sameynkaro camalkeyga meel aysan i arkeyn 2dayda malak waa sameyn laha cabsi aan istutusnimada ka qabo }”.
Kutubta uu qoray/alifay.
  • Musnad
  • Raddu calal Jahmiyah
  • Al-arbicuun
  • Duruqu Alxadiith Qabdil Cilm
  • Al-iimaan wal acmaal<< Sida uu sheegay Imaam Alzarkali kitaabkan waa 2 juz waxuuna ku radinayaa Kuramiyah.
Geeridiisa.
Imaamkan Muxadithka ahi waxuu geeriyooday taariikhdu markay ahayd 242hj. Ilaahay swt haw naxariisto naxariis waasic ah ,cilmiga uu ka tagayna haynagu anfaco aamiin.
Meelaha laga heli karo turjumada Sheekha.
  • Xilyatu Awliyaa< Abuu Naciim
  • Siyaru Aclaamu Nubalaa<< Shamsudiin Ad-dahabi.
WQ: Cismaan Cabdi
No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: