Skip to content

Qaabka Xadiiska loo xambaaro iyo sida loo sii weriyo!

September 2, 2012

                  

Qaabka Xadiiska loo xambaaro iyo sida loo sii weriyo!

Haddii aad akhriso kutubta xadiiska waxaad badanaa arki habab kala duwan oo ay muxadithiintu xadiiska u sheegaan. Waxaad arki muxadithka oo mar dhahaya ” xadathanii” marna odhanaya ” xadathanii ijaazatan” haddii aadan ahayn mid aqoon u leh hababka loo weriyo axaadiista iyo xukunadooda waad ku wareeri ayaa laga yaabaa.

Waxaa jira 8 hab ama nooc uu qofku xadiska ku werinayo. Mar waxa jirta uu sheekha afkiisa ka maqlo xadiiska, marna waxuu maqli sheekha oo uu arday meesha fadhiya ku dul akhrinayo xadiis , sheekhuna uu ku raacsanyahay ardaygu waxuu akhrinayo, marna sheekh ayaa arday wadan kale jooga intuu waraaq u diro ku odhanaya axaadiistaydan qaado oo iga weri (yacni sidii adoo afkayga ka maqlay oo kale). Hadaba noocyadan aan hadda tusaale ahaanta u soo qaatay iyo in kale oo hadhayba waxay leeyihiin xukun. InshaAllah waxaan isku dayi inaan dhamaantoood soo wada qoro.

 Bal marka hore maxay kala yihiin 8-da hab/qaab ee axaadiista loo xanbaaro ama loo weriyo?. 

  1. السماع من لفظ الشيخ=Sheekh in afkiisa laga dhagaysto
  2. القراءة على الشيخ=Sheekh in lagu dul akhriyo
  3. الإجازة=Al-ijaaza
  4. المناولة=Almunaawalah
  5. الكتابة=Alkitaabah
  6. الإعلام=Aliclaam
  7. الوصية=Al wasiyya
  8. الوِجَادَة=Al wijaadah 

Waxaan isku dayaynaa inaan mid walba si gooni ah u sharaxno, kuna sii dheeraan mahayno inshaAllah.

1) السماع من لفظ الشيخ=Sheekh in afkiisa laga dhagaysto

 Waxaa weeye iyada oo uu sheekhu akhrinayo xadiiska, ardayguna dhagaysanayo. Ha ahaado sheekhu mid kor ka xifdisan xadiiska ama mid kitaab ka eegaya, sidoo kale ardayguna ha ahaado mid maqlaya xadiiska kadibna qoraya ama mid maqlaya balse koru uun ka xifidaya. 

Xukunka/Darajada werinta noocan ah :

Jamhuurul culamaa waxay sheegaan noocan inuu yahay kan ogu sareeya hababka xadiiska lagu weriyo ama lagu xambaaro.

  Alfaadha/erayada la isticmaalo

“سمعت أو حدثني أو أخبرني أو أنبأني أو قال لي أو ذكر لي”

Waxaana laga wadaa (Waxaan maqlay, waxaa ii sheekeeyay, waxaa ii waramay, waxuu igu yidhi, waxuu ii sheegay)

2) القراءة على الشيخ=Sheekh in lagu dul akhriyo

Noocan waxaa kale oo la yidhaahdaa ”al cardh/soo bandhigid”. Waa iyada oo xadiiska uu akhrinayo ardaygu sheekhuna dhagaysanayo. Ha ahaado ardaygan xadiiska werinaya laftiisa cida sheekha ku dul akhrinaysa ama cid kale oo majliska fadhiday. Sidoo kale ha ahaado akhriskan la akhrinayo kitaab dhexdii ama dusha/xifdis. Sidoo kale  sheekhu ha ahaado mid dusha ka xifdisan xadiiskan la akhrinayo ama mid kitaab ka eegaya.

Xukunka/Darajada werinta noocan ah :

Sadex qawl/hadal ayaa ku soo arooray , waxayna kala yahiin:

  • Qolo tidhi noocan  iyo kii hore (yacni ee ahayd In sheekh laga dhagaysto) way simanyihiin. Waxaana fikirkan laga weriyaa : Imaam Maalik, Bukhaari  iyo Culimada Xijaaz iyo Kuufa badankood.
  • Qolo tidhi Noocan ayaa ka hooseeya noocii hore. Waxaana fikirkan laga weriyaa Jamhuurta ehlu mashriqa<< Fikirkan ayaana saxsan.
  • Qolo tidhi noocan ayaa ka sareeya nooocii hore: waxaana ra’yigan  laga weriyaa Imaam Abii Xaniifah, Ibnu Abii Dhu’ab iyo riwaayadaha Imaam maalik mideed.

Alfaada/erayada lagu weriyo noocan:

        Sida ogu wanaagsan waxaa weeye in la yidhaahdo

” قرأت على فلان ” أو ” قرئ عليه وأنا أسمع فأقرَّ به “

(Waxaan ku dul akhriyay hebel, ama waxaa lagu dul akhriyay hebel anigoo maqlaya wuuna u qiray).

–          Waxaa u banaan inuu yidhaahdo:

  حدثنا قراءة عليه

(Wuu noo waramay akhris lagu dul akhrinayay )

–          Sida caanka ka ah muxadithiintana agtoodana waa  ” أخبرنا “  (Wuu noo waramay).

     3)  الإجازة=Al-ijaaza

 Waa sheekha oo u baneeya ama u idma ardaygu inuu ka weriyo kitaab mucayin ah ama guud ahaan axadiistiisa . Tusaale: Waxaan kuu idmay inaad iga weriso kitaabka Saxiixul bukhaariga.

Noocyada Ijaazada:

Way badanyahiin laakiin waxaynu ka sheegi 5 nooc kali ah

1)      Inuu sheekhu u idmo qof cayiman inuu ka weriyo kitaab cayiman.  Tusaale: Waxaan kuu idmay inaad iga weriso Saxiixul bukhaariga. << Noocan ayaana ogu sareeya ijaazada.

2)      Inuu sheekhu u idmo qof cayiman wax aan cayimnayn. Tusaale: Waxaan kuu idmay inaad iga weriso axadiistaad iga maqashay.

3)      Inuu sheekhu u idmo qof uusan cayimin wax aan cayimnayn. Tusaale: Waxaan musliimnta zamankan nool u idmay inay iga weriyaan axadiistayda.

4)      Inuu sheekhu u idmo qof majhuul ah ama wax majhuul ah: Tusaale: waxaan kuu idmay inaad iga weriso Sunanka, waxaana laga yaabaa sheekhu inuu weriyo kutub badan oo sunan ah. Ama inuu yidhahdo waxaan u idmay Muxamed Ibnu Khaalid Ad-dimishqiy inuu iga weriyo axaadiista, waxaana laga yaabaa inay buuxaan oo ay joogaan koox dhan oo magacan leh. Hadaba waa kee?.

5)      Inuu sheekhu u idmo qof aan jirinba. Tusaale: waxaan u idmay inuu axadiistayda weriyo hebel ilmaha u dhalan doona.

Xukunka/Darajada werinta noocan ah :

–          Nooca koobaad Jamhuurti waxay dhaheen waa saxiix waana lagu dhaqmi karaa xadiiska lagu weriyo noocaas ama qaabkaas. Balse waxaa la sheegaa in culimada qaar ay buriyaan saxiixnimadiisa, waxaana la dhahaa waa Imaam Shaafici riwaayadahiisa mid kamid ah.

–          Noocyada danbe ood han khilaafka ka taagan waa mid daran oo badan. Calaa iyo kulli xaaal xadiiska habkan loo xanbaaro eena loo weriyo waxuu wataa xoogaa khafiifnimo/dhaciifnimo mana wanaagsana in la sahlado oo la dhibyaraysto.

Alfaada/erayada lagu weriyo noocan:

–    Sida ogu waangsan waxaa weeye :

” أجاز لي فلان “

(Waxaa i siiyay ijaazo hebel)

–   Waxaa banaan :

” حدثنا إجازة ” أو ” أخبرنا إجازة “

(Waxuu noogu sheekeeyay ijaaza ahaan ama waxuu noogu waramay ijaaza ahaan).

–   Culimada Muta’akhiriinta/danbe waxay isticmalaan

” أنبأنا “Hadalkan waxaa doortay Imaamka leh kitaabka “ Alwijaaza fii tajwiizil ijaaza”.

 4)  المناولة = Almunaawalah

 Eraygan micnahiisu waxaa weeye “Siin”.

Munaawaladu waxay u qeybsntaan laba nooc oo kala ah:

1)      Munaawalah ay la socoto ijaazo[1]. Waana nooca ogu sareeya ijaazada. Tusaale:  Waa iyadoo uu sheekhu u dhiibo arday kitaabkiisa, kadibna uu ku yidhaahdo “Axaadiistan waxaan ka weriyay hebel ee iga sii wari adiguna”. Kadibna uu siiyo kitaabka si yadd ah ama si tobal caaro ah si uu oga sii minguuriyo.

2)      Ama Ijaazo lama socoto. Tusaale: Inuu sheekhu siiyo arday kitabkiisa balse uu ku gaabsado inuu dhaho uun “ waa axaadiis aan maqlay”. (yacni iga sii weri muusan odhan).

Xukunka/Darajada werinta noocan ah :

1)      Haddii ay tahay nooca hore oo ah “ Middan ijaazada la socoto” waa la ogalyahay werinteeda waxayna ka daraja hooseysaa iyadoo laga maqlay afka sheekha ama sheekha lagu du lakhriyay .

2)      Nooca danbe haday tahay  ee ah “ tan ijaazadu la socon” lama ogalo sida saxiixa ah.

Alfaada/erayada lagu weriyo noocan:

  • Sida ogu wanaagsan waxaa weeye inuu yidhaahdo “ Naawalanii” “ Ajaaza lii”<< haday tahay tii u dhaweyd Ijaaazada.
  • Waxaa u banaan inuu yidhaahdo sidii isagoo maqlay “ Xadathanaa munaawalah”  “Akhbaranaa munaawala/ajaazatan”.

5)  الكتابة= Alkitaabah

Alkitaabah waxaa weeye inuu Sheekh ku qoro gacantiisa axaadiista uu maqlay amaba uu qof kale amro inuu ka qoro axaadiistiisa kadibna uu ruux jooga ama maqan u diro oo siiyo kuna dhaho axaadiistan ayaan maqlay.

Alkitaabah laba nooc ayay u qaybsantaa

1)      Mid ay la socoto Ijaaza . Tusaale :  Waxaan kuu ijaazeeyay axaadiistan aan kuu soo qoray.

2)       Mid aysan la socon ijaaza. Tusaale: Inuu sheekhu qoro axaadiis dhawr ah kadibna uu qof siiyo (hadyeeyo) LAAKIINSE odhan mahayo iga sii weri.

Xukunka werinteeda

1)      Tan hore hadday tahay (midda la socota ijaaza) way banaantahay waana saxiix , waxayna la simantahay sida werinta la yidhaahdo “Munaawalah ay la socoto ijaaza”.

2)      Tan aysan la socon Ijaazadu waa mamnuuc in la weriyo ayay dadka qaar yidhaahdeen, qaarna waxay dhaheen way banaantahay, sida saxiixa ah laakiin way banaantahay.

 Ma shardi baa in la helo cadayn  si loo hubsado farta/khadda?

1)      Dadka qaar waxay dhaheen waa in loo shardiyeeyo cadeyn sababtoo ah faraha qaar way isku ekaan karaan. << Hadalkani waa mid dhaciif ah

2)      Qaaarna waxay dhaheen waxaa ku filan in qofkan loo soo qoray waraaqda uu garto uun qofkan kale fartiisa sidey u egtahay. << hadalkan ayaana ah saxiix.

Alfaada/erayada lagu weriyo noocan:

  •  Inuu ka dhawaajiyo odhaahda ah “qoritaan” oo uu yidhaahdo tusaale “ Hebel baa iisoo qoray (axaadiista uu weriyo).
  • Ama inuu ku daro odhaahooyinka ku tusaya maqalka tusaale “ waxaa ii sheegay/waxaa ii waramay hebel qoritaan uu qoray”.

6)  الاعلام =Al-iclaam

Al-iclaam waxaa laga wadaa ogaysiin

Waxaana weeye sheekha oo ku yidhaahda ardaygiisa ”xadiiskan/kitaabkan waxuu kamid yahay kuwaan maqlay”.

Xukunka werinta noocan ah:

Culimadu way isku khilaafeen laba qawl ayayna u kala baxeen.

  • Qaar yidhi way banaantahay. Waxa yidhina waa qaar badan oo kamid ah asxaabul xadiith, fiqhi iyo usuul-ba.
  • Inaysan banaanayn    < waxaana hadalkan yidhi in ka badan hal  muxadith, waana hadalka saxsan .

Alfaada/erayada lagu weriyo noocan:

Waxuu odhan sheekhayga ayaa I ogaysiiyay sidaa iyo sidaa.

7)  الوصية = Al wasiyyah

Micnaheedu waxaa weeye “dardaaran”

Waxaana laga wadaa inuu sheikh uu ka dardaarmo kitaab oo uu axaadiistisa werinayo  ha ahaato mar uu safrayo ama mar ay u timid geeridu oo uu sii dhimanayo.

Xukunka werinta noocan ah:

–          Way banaantahay ayay dhaheen qaar kamid ah salafka sida : Muxamed ibnu Siiriin iyo Abii Qalaabah.

–          Qaar kalena waxay yidhaahdeen ma banana < hadalkan ayaana saxiix ah.

Alfaada/erayada lagu weriyo noocan:

Hebel baa ii dardaarmay sidaa iyo sidaa ama hebel baa ii sheegay dardaaran

 8)  الوجادة=Alwijaaadah

Waxay ka timid kelmadani “wajada” oo ah “wuu helay”.

Waxaana laga wadaa inuu ardaygu helo axaadiis uu qoray sheikh, sheekhaas oo aysan isku casri noolayn, ama isku casri wey noolaayeen ee maysan wada kulmin, ama way wada kulmeen ee muusan ka maqal wax xadiis ah sidoo kalena kamuusan helin xataa ijaaza.

Xukunka werinta noocan ah:

Werinta noocan ahi waa baab ka mid ah Munqadica laakiin hadana itisaal/xidhiidh ayaa ku jira.

Alfaada/erayada lagu weriyo noocan:

Waxaan ku helay hebel fartiisa xadiiskaas ama waxaan ka akhriyay qoraal uu qoray hebel xadiiskaas sidaasuu ku bilaabi kadib ayuu isnaadka gali iyo matniga.

” ناولني ” أو ” ناولني ” وأجاز لي “


[1]  Ijaaza waxaa laga wadaa= Waa sheekha oo u baneeya ama u idma ardaygu inuu ka weriyo kitaab mucayin ah ama guud ahaan axadiistiisa

 
Maraajica:
Tadriibu Raawi <Imaam Suyudi
Taysiir Musdhalaxul Xadith<< Daxxaan
No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: