Skip to content

Dhahabiyul casr- Almuxadith Cabduraxmaan Almacaalimi

September 20, 2012

Almuxadith Cabduraxmaan ibnu Yaxya Almucaalimi (Imaamu Dhahabiga casrigan).

Magaciisa & dhalashadiisa

Sheekh Almuxadith Abuu Cabdillaah Cabduraxmaan ibnu Yaxya ibnu Cali ibnu abii Bakar Almucalimi Alcatamiyi Alyemani, waxuu ku abtirsadaa reer banii Mucalimi ee meesha la yidhaah Alcatmat/Yemen.

Imaamku waxuu ku dhashay Catmat sanadku markuu ahaa 1313Hijriyada.

Cilmi raadintiisa

Imaamku waxuu Qur’aanka ku dul akhriyay akhris weliba wanaagsan oo leh tajwiid nin kamid ah qaraabadooda iyo sidoo kale waalidkii , waxuuna u raaci jiray aabahii meel uu caruurtiisa ku bari jiray.

Kadib waxu usoo safray meesha la yidhaah Xujriyah oo uu walaalkiis oo ka weyn joogay, deedna waxuu ku soo qoray Madraso xukuumadu leedahay oo lagu barto Qur’aan, Tajwiid iyo xisaabta. Halkaas ayuu mudda ku jiray

Aabhaii ayaa kula dardaarmay inuu akhristo naxwe, markaasuu bilaabay inuu akhristo Sharax ajruumiga . Waxuu ku laabtay tuuladiisii isagoo jeceyl iyo xiiso u qaaday naxwaha waxuuna iibsaday kutub naxwe ah.

Muxadithku waxuu kutubta la daalacan jiray nin la yidhaah Axmed ibnu Maslax Ariimi, waxana isla daalacan jireen naxwaha waqtigooda badankiis, khaasatan waxay naxwaha kala soo baxi jireen kutubta tafsiirka ah ee naxwe ahaan u qoran sida Tafsiirka Khaasini iyo Nasafi.

Sheekhu waxuu sii socdaba waxuu gaadhay heer sare ilaa uu ka daalacday Kitaabka ”Almuqhni” ee Ibnu Hishaam, waxuuna daalacadaas waday muddo sannad u dhow.

Intaas kadib aabahii ayaa u tilmaamay inuu ka akhristo fiqhiga sheekha la yidhaahdo Axmed ibnu Suleymaan Almucalimi, waxuuna ka qaatay fiqhiga iyo cilmul faraa’idh.

Safaradiisii & Shaqooyinkiisii

Sanadku markuu ahaa 1336Hj ayuu sheekhu u safray dalka Sacuudiga meesha la yidhaahdo Jizaan . Muxamed Alidriisi oo ahaa amiirka meesha la yidhaahdo Casiir ayaa markuu arkay xalaalmiirashadiisa , cilmigiisa, zuhdigiisa iyo cadaladiisa u doortay Sheekh Cabduraxmaan Almucalimi qaadiga maxkamada. Waxuuna naanays oga dhigay ”Shekhul Islaam”. Markii uu geeriyooday amiirkan ayaa sheekhu waxuu u safray Hindia.

Taariikhdu markay ahayd 1341hj ayuu imaamku u safray Hindia waxuuna joogay muddo 30sano ah, kadib ayuu usoo laabtay Mekkah ,waxaana loo magacaabay amiinka Maktabada Xaramul makkiy.

Culimadiisa

  • Abaahii Yaxye oo uu Qur’aanka ka bartay
  • Sheekh Axmed ibnu Muslix Ariimid oo ay isla tadhaakarayn jireen kutubta naxwiga
  • Sheekh Axmed Ibnu Muxamed Ibnu Suleymaan Almucaalimi.
  • Sheekh Saalim ibnu Cabdiraxmaan

Fadhligiisa & Culimadu hadalkay ka dhaheen

Muxadithkani waxuu ku caan baxay sunadda inuu difaaco oo uu ugargaaro. Culimo badan ayaana ku amaanay ku gacan dheeridiisa xagga cilmul xadiithka iyo weliba soo nooleynta uu soo nooleeyay kutubta taarikhda iyo rijaasha (ragga axaadiista weriya taariikhdooda).

Culimada amaantay waxaa kamid ah, Sheekh Muxamed ibnu Ibraahim Aala sheikh , Sheekh Muxamed Cabdurizaaq Xamzah iyo Sheekh Muxamed Xaamid Alfaqiih. Ilaahay haw naxariisto dhamaantod.

-Imaam Albaani  mar uu tacliiq kitaab  Imaam Cabduraxmaan oo ku saabsanaa darajooyinka ay leeyihiin Ibnu Xibbaan dadkuu dhaho waa thiqa ayaa waxuu yidhi ” kani (yacni hadalkan) waa mid cad oo ku tusaya in qofka alifay uu yahay mid aqoon uleh oo suggay cilmiga Jarxi wa tacdiil, isagoo kalena ma arko, Ilaahay kheyr hasiiyo”.

Sheekh Bakar Abuu Zeyd waxuu yidhi ” Waa Dhahabiyul Casr/imaam Dhahabiga casrigan waana calaamatul muxaqiq”.

Ijaazooyinkiisa:

Sheekhu waxuu ijaaza ka helay Sheekh la yidhaahdo Cabdil Qadiyah Muxamed Sidiiq Alqaadiri oo ah sheekh kulyada xadiiska ee Jaamactu Cuthmaaniyah oo ku taal Xeydar-abaad ee dalka Hindia.Ijaazaduna waxay ahayd Sheekhan kutub dhawr ah ayuu ku siiyay isnaad kiis ah. Kutubta uu ijazada ku helay waxay kala yihiin:

–          Saxiixul Bukhaari

–          Saxiixu Muslim

–          Jaamicu Tirmidi

–          Sunanu Abii Daawuud

–          Ibnu Maajah

–          Sunanu Nisaa’i

–          Almuwa’da li Imaam Maalik.

Kutubtiisa

  • طليعة التنكيل
  • التنكيل بما في تأنيب الكوثري من الاباطيل
  • لانوار الكاشفة
  • القائد إلى تصحيح العقائد
  • الأنوار الكاشفة لما في كتاب أضواء على السنة من الزلل والتضليل والمجازفة
  • علم الرجال وأهميته
  • أحكام الكذب

Geeridiisa

Sheekhu waxay geeridu u timid isagoo weli ka ah amiin/secretary maktabada xaramul Makkiy. Welina uu ku jiro kutub tasxiixin iyo weliba inuu sunadda u adeego raddina ku sameeyo ehlubidac iwm. Waxuu Ilaahay swt oofsaday aroor khamiis ah isagoo markaa ku soo tukaday salaadi subax Masjidul xaram kadibna uu ku soo laabtay maktabada, taariikhduna waxay ahayd 6dii bisha Safar 1386hj. Cimrigiisuna qiyaastii waxuu ahaa 73 sano.

Ilaahay swt haw naxariisto naxariis waasic ah, cilmigii uu ka tagayna hanagu anfaco isagana miizaanka xasanaatka haw saaro. Allahuma aamiin.

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: