Skip to content

Waa noocee Xadiith-ka Matruuk-a?

November 17, 2012


Bismilaah

Xadiiska Matruuka waa maxay?

Luqad ahaan:  Matruuk waxaa laga wadaa” wax laga tagay aan faaiidana lahayn”   carabtu waxay ku magacowdaa ukunta markay ka soo dhex baxdo  digaagii ay dhashay   ” التريكة   اىمتروكة  (Tii laga tagay)

Isdhilaax ahaan: Waa xadiiska  isnaadkiisa uu ku jiro raawi lagu tuhunsanyahay been 

Xadiiska Matruuka  waa nooc ka mida xadiisyada daciifka  sababtuna waa  raawiga xadiiska oo  ah qof been lagu yaqaan ama lagu tuhmo.

Maxay tahay sababta loogu tuhmayo beenta ?

laba sababood ayaa  loogu tuhmaa beenta  raawiga xadiiska..   

  1. Inaan laga warin xadiiskaa isaga maahe cid kale  isagoo waliba khilaafay  qacaaidooyinka  la yaqaan  ee culimada xadiiska u dhigeen xadiiska la aqbalayo iyo  xadiiskaan la aqbalayn.
  2. In raawiga xadiiska  lagu yaqaan been hadalkiisa caadiga ah   laakiiin ayna ka soo muuqan beentu  markuu xadiiska warinayo

Tusaale:
 حديث عمرو بن شمر الجعفي الكوفي الشيعي عن جابر بن أبي الطفيل عن علي وعمار: (كان النبي صلى الله عليه وسلم يقنت في الفجر، ويكبر يوم عرفة من صلاة الغداة -يعني: صلاة الفجر- ويقطع التكبير بعد صلاة العصر آخر أيام التشريق).

 
(Camr bin shamr Aljacfani Alkuufi Ashiici wuxuu ka soo wariyay Jaabir bin abii dufeyl isna wuxuu ka sii wariyay Cali iyo Camaar in Nebbigu sallalahu calayhi wasalam ahaa mid ku qunuuda salaada subax Takbiirsadana (Allahu akbar) dhaha maalinta carafo salaada subaxa ,wuxuuna joojin jiray Takbiirta maalinta u danbeysa ayaamu tashriiq  salaada casar ka dib)

Imaam Nisaa’i ,Daaraqudni, iyo kuwo  kaleba waxay  sheegeen in   ” عمرو بن شمر ”  xadiiskiisu Matruuk  yahay

Xukunka xadiiska Matruuka:

 Xadiiska Matruuka waa noocyada daciifka midka ugu hooseeya lamana xujeysan karo.

Maraajicda: << Tayseer Musdhalaxul Xadiith

WQ:  Najma Saciid

2 Comments leave one →
  1. Ahmed noor qorane permalink
    November 17, 2012 8:37 pm

    (Asc. walaal, bacdul salaaan ) jazaakumulah kheyrn& shukran in badan walaal’

  2. November 17, 2012 9:03 pm

    Wcsallam wrwb walaal.. Aaamin, waiyyaak.. waad mahadsantahay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: