Skip to content

Waa noocee xadiithka Mawquufka ahi?

November 28, 2012

 

Bismillah

Waa maxay Al-mawquuf?

Al-mawquuf:

Luqad ahaan:
 Waxaa laga wadaa joojin waxayna ka timid kelmada ” Waqafa” macna ahaan waxaa loola jeedaa in raawiga xadiiska uu ku joojiyo  ama ku istaajiyo xadiiska  saxaabigaas uu ka warinayo xadiiska  isagoon sii dhameytireyn silsilada xadiiska ilaa uu ka gaadhsiiyo Nebiga sallalahu calayhi wasalam..

 
Isdilaax ahaan: Waa xadiiska loo tiiriyo  saxaabi  ha ahaado waxa loo tiirinayo saxaabiga  hadal, ficil ama taqriir,

Xadiiska Mowquufka waa xadiis walboo loo  tiiriyo saxaabi ama koox ka mida saxaabada. Sannadka xadiiskaa haduu doono ha noqdo mid xidhiidhsan ama mid go’an.

Waxaan soo sheegnay in waxa loo tiirinayo saxaabiga uu noqon karo :Hadal, Ficil ama Taqriir , hadaba waakan Tusaale kamid ah nooc welba: ..
 
Almowquuf  Alqowli  ” قول الراوي، قال علي بن أبي طالب رضي الله عنه: “حدثوا الناس بما يعرفون، أتريدون أن يكذب الله ورسوله “. (Hadalka uu yidhaahdu qofka raawiga ahi ” Cali binu Abii Daalib Radhiyallahu canhu ayaa yidhi , Dadka u sheega waxay garanayaan, mise waxaad doonaysaan in Allah iyo Rasuulkiisa la beeniyo”).

Almowquuf  Alficli    قول البخاري: “وأَمَّ ابن عباس وهو متيمم “.‏  ( Hadalka Bukhaari ee ah “Ibnu Cabaas waxuu dad tujiyay isagoo gabagabaysan”) 

Almowquuf  Attaqriiri   كقول بعض التابعين مثلاً: ” فعلت كذا أمام أحد الصحابة ولم يُنكَر عَلَيُّ “.‏ ( Tusaale odhaahda ay dhahaan qaar kamid ah Taabiciyiinta ee ah ” waxaan sameeyay sidaa iyo sidaa saxaabi kamid ah saxaabada Rasuulka sallalaahu calayhi wasallam hortiisa igumana diidin”).

 Xukunka Xadiiska Mowquufka..

Xadiiska mowquufka ah wuxuu noqon karaa Saxiix, Xasan, Daciif  iwm. Laakiin waxaan is waydiin karnaa haduu noqdo Saxiix mala xujeysan karaa? jawaabtu waxay noqonaysaa in asal ahaan aan la xujeysan karin  waayo waa hadal ama  ficil saxaabi..

Hase yeeshee haduu jiro xadiith mawquuf ah oo saxiix ah wuxuu xoojin xadiith marfuuc ah oo dhaciif ah,maadama saxaabadu ay ahaayeen kuwa aad ogu degdega ku dhaqanka Sunnada Rasuulka sallalaahu calayhi wasallam. Haduuse xadiithku saxaabiga sii dhaafo waxuuba noqon marfuuc oo dabcan waa qasab in la xujaysto.

Maraajicda: Tayseer Musdhalaxul Xadiith<< Sheekh Daxxaan

WQ:  Najma Saciid

 

One Comment leave one →
  1. maxamed permalink
    September 16, 2013 9:17 am

    allaha idinka abaal mariyo waad noo faaiidayseeen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: