Skip to content

Imaam Ad-Daaraqudni

January 12, 2013

download (2)

Taariikh kooban Al-imaam Al-muxadith Ad-Daaraqudni

Bismilaah

Magaciisa & Barbaaridiisa

Muxadithkan waxaa la yidhaahdaa  Abul Xasan Cali bin Cumar bin Axmed bin Mahdi  Ad-daraaqudni Al-baghdaadi. Wuxuu ku dhashay   meesha la yiraahdo “Daaraqudn Baqdaad”  sanadku markuu ahaa  306H.  Wuxuu ku barbaaray imaamku guri cilmi,  Aabihii wuxuu sidoo kale ahaa Muxadith. Imaamku wuxuu ka caan baxay  magaaladiisa iyo guud ahaan Ciraaqba.

Cilmi raadintii Imaamka .

Sida caadada u ahayd Culimada, ayuu imaamkuna waxuu cilmiga bilaabay isagoo da’diisu yartahay.  Waxaa la sheegaa inuu ahaa imaamku mid cilmiga  u  ooman  aadna u raadiya.  Wuxuu cilmi raadinta ku bilaabay  sideey sheegaan  taariikhyahanada islaamku isagoo jira 10sano. Waxuuna kusoo noqnoqan jiray golayaasha cilmiga.

Yusuf Alqawaas wuxuu yiri “waxaan ahayn kuwa u taga Albaghawi, Daarqudnina wuxuu socon jiray gadaasheena  isagoo wiil yar ah markaasaan u diidi jirnay inuu soo galo  kadibna albaabkuu fariisan jiray isagoo ooyaya”

Wuxuu  ahaa mid  fahmad badan, garasho dheer, xifdi sarreeya, waxaa loogu yeeri jiray amiirkii muminiinta ee Xadiithka, waxaa lagu tirin jiray Imaamka xufaada xadiithka,  inkastoo waqtigiisu ka danbeeyay muxadithiintii hore hadana wuxuu ku gaaray raacitaanka uu raacay jidkoodii darteed.

Wuxuu aqoon durugsan u lahaa  xadiithka, fiqiga,,qiraa’aatka, taariikhda Adabka, luqada carabiga. Qur’aanka wuxuu ku xifdiyay yaraan, kadib markuu cilmiga ka qaatay Culimadii  ugu caansanaa casrigiisa kuwaasoo kula noolaa  caasimadii cilmiga ee Baqdaad  ayuu  u xirxirtay inuu  sidoo kale ka doonto cilmiga culimadii  ku nooleyd deegaanada kale  sida Basra, Kuufa,shaam, Xijaaz, Masar, si uu  uga sii maqlo cilmiga culimada iyo  shuyuukhda  kala duwan ee ku noolaa wadamada kale  isagana uga faaiideeyo cilmiguu wato ardaydiisa gaar ahaan Masar oo uu uga soo tagay raad  weyn. Sida kutub badan oo uu alifay  iyo ardayba.

Imaam Daaraqudni ma ahayn Muxadith kaliya ee waxaa u dheeraa cilmiga xadiithka, fiqiga, qiraa;aatka  iyo dhamaan culuumta islaamiga wuxuu aad u itqaaniyay imaamku luqada carabiga iyo adabkeeda  maxaa yeelay wuxuu cumrigiisa in badan oo ka mida ku mashquulsanaa  Qur’aanka kariimka kaasoo ah saldhiga luqada carabiga

Caqiidadiisa & Fadhligisa

Daaraduqni wuxuu ku taagnaa caqiidada Ahlu sunah waljamcah, wuxuuna aad uga fogaa  caqiidooyinka lunsan  ee bidcada iyo  baadida ku dhisan.  Madhabkiisa wuxuu ahaa shaafici. Waxay isku raaceen dadka  wax ka qora    taariikhda  culimada xadiithka inuu ahaa imaamku mid Alle ka cabsi  iyo  cibaado badan wuxuu ahaa mid raaciya cilmiga camal, Daarqduni wuxuu ahaa mowjad ka midda  baddaha cilmiga casrigiisii

Wuxuu  kutub badan ka alifay cilmiga loo yaqaan  (علل الحديث ورجاله ) wuxuu sidoo kale aad u yaqaanay Fiqiga  iyo ikhtilafka culimada..

 Culimadii uu cilmiga ka qaatay :

Imaamku wuxuu  cilmiga ka qaatay culimo aan lagu soo koobi karin qoraal  Khadiib Al baqdaadi wuxuu gaarsiiyaa ilaa  300 wax ka badan. Qaar kamid ah waa kuwan:

  • Abul Qaasim Albaghawi
  • Maxamed bin NayruzAl Anmaadi
  • Yaxya bin Muxamed bin Saacid
  • Abii Bakar bin Abii Daa’uud.
  • Abii Xaamud Muxamed bin Haaruun Alxadhrami iyo qaar kaloo badan..

Ardaydiisa:

  • Abuu Cabdulaahi  Adahmaani Anisabuuri
  • Abuu Maxamed Cabdulghani Alazdari Almasrii
  • Axmed bin Cabdallah  Almahraani Al Asbahaani   iyo qaar kaloo badan…

Maxay ka yiraahdeen culimadu imaamkan?

Ibnu Jowsi wuxuu yiri “wuxuu kulansaday  Daarqudni  Cilmiga  xadiithka,Qiraa’aatka. Fiqh, Naxwa, gabayga,  isagoo intaa ku darsaday Amaano iyo cadaalad iyo caqiido toosan  caqiidada Ahlu sunah waljamaca Caqiidadii salafu saalix”

 Ibnu kathirna wuxuu yiri “Daarqudni  wuxuu ahaa  Imaamkii casrigiisa marka laga hadlayo  Cilmiga Jarx watacdiil  iyo magacyada ragga xadiska wariya. wuxuu ahaa mid Qorid iyo alifaad wanaagsan”.

Cabdulqani bin Saciid wuxuu yiri ” Cidina kamay hadlin Axaadiista  Rasuulka sallalahu calayhi wasalam sideey uga hadleen  Cali bin Al madiini  waqtigiisii,.Muusa bin haaruun waqtigiisii  iyo Daaraqudni waqtigiisii”.

Abuu Cabduraxman Asilmi  wuxuu ka soo guuriyay in Xaakim  yiri  “Ilaahay baan uga marqaati kacayaa in sheekheena  Daaraqduni  uga tagin  dhulka mid la mida  aqoontiisa  xadiithka Rasuulka sallalahau calayhi wasalam  iyo sidoo kale  aqoontuu u lahaaa  saxaabada iyo taabiciinta”.

Kutubtuu qoray imaam Daarqduni.

  • كتاب السنن.
  •  العلل الواردة في الأحاديث النبوية.
  •  المُجتبى من السنن المأثورة.
  •  المختلف والمؤتلف في أسماء الرجال.
  •  كتاب الأفراد.
  • سؤالات الحاكم. وهو كتاب عمدة في الجرح والتعديل

Geerida Imaamka

Kadib markuu noloshiisa intii badneyd ku soo dhameeyey  barashada cilmiga iyo faafintiisa iyo sidoo kale u gargaarida sunada Rasuulka sallalaahu calayhi wasallam ayuu Ilaah swt oofsaday imaamka. Waxuuna ku geeriyooday Magaalada Baqdaad taariikhdu markay ahay 385hj isagoo jira 79sano

Ilaah swt ha naxariisto Muxadithka, dhaxalkuu ka tagayna miizaankiisa xasanaatka haw saaro, inagana hanagu anfaco aamiin.   Waxaan soo gaarnay  dhamaadkiii tarjumadii gaabnayd  ee Imaam Daaraqudni. Taariikhdiisu maaha wax lagu soo koobi karo qoraal yar waxaanse ugu talagalay inaan fikrad guud ka qaadano taariikhda caalimka iyo muxadithinka weyn

WQ:  Najma Saciid 

Wallahu tacaalaa aclaa wa axkam

 

One Comment leave one →
  1. Nuur Ibnuqorane AL SOMALI permalink
    January 19, 2013 11:43 am

    (ALLAAHU~AKBAR)
    masha,allaah ~~~
    dhamaan intii u adaagtay xadiiska rasuulka salalaahu calayhi wasalam Eebe subxaana watacalaa haka abaal mariyo ^ najma saciid
    walaal adigana ajir iyo xasanaad allaah kaa siiyo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: