Skip to content

Maktabad miyaad leedahay? Q1aad

July 28, 2013

New

Hordhac yar

إن الحمد لله، نحمدُه ونستغفره ونستعينه  ونعوذُ بالله من شرورِ أنفسنا ومن سيئاتِ أعمالنا، من يهْدِ اللهُ فلا مضِلَّ له ومن يضلل فلا هادي له.  وأشهد أنْ لا إله إلا اللهُ وحده لا شريك له وأشهد أنَّ محمداً عبدُه ورسولُه

Sidaan ognahayba kelmadii ogu horeysay ee Qur’aan ah kuna soo degto Nabiga calayhi sallaatu wasallaam waxay ahayd ”Akhri”. Hadaba waxaynu halkaa ka faa’iidi muhiimada ay u leedahay umaddeenu inay wax akhrido.

Qofku waxuu wax akhriyaa markuu hayysto waxuu akhriyo sidoo kalena u nidaamsantahay kutubta uu akhrinayo.

Hadaba waxaan jeclaystay inaan halkan soo geliyo Muhiimada ay leedahay Maktabad inuu qofku ku leeyahay gurigiisa iyo sidoo kale habka ugu wanaagsan ee kutubta loo hagaajisan karo.

Waxaa mawduucan igu dhaliyay kadib markii aan daawaday barnaamij la yidhaah ” Asdaafu Lu’lu”. Barnaamijku waxuu kasoo galaa chanelka islamiga ah ee la yidhaah Alnada. Waxuu ku saabsanyahay barnaamijku  wareysi  Sheekh Abii Isxaaq Alxuweyni lala yeelanayo isagoo dhex fadhiya maktabadiisa. Waxuu sheekhu ka hadlayaa sida uu maktabada u habeeyay, markii ogu horeysay ee uu iibsado kitaab/yeesho maktabad, sidoo kale markii ogu horeysay ee uu alifo kitaab iwm.

Mawduucyada aan ka hadli doona waxay kala yihiin in sha Allah :

  •  Salafkii ummada siday ogu dadaali jireen wax akhriska ama aan dhahee ay u jeclaayeen inay wax akhriyaan.
  •  Aaadabta loola dhaqmo kutubta.
  •  Waxyaabaha haleeya Kutubta
  •  Maktabada sida loo hagaajiyo.

Waxaa laga yaabaa inuu noqdo maqaal ka kooban dhawr qaybood, waxaanse isku dayyi inaan intaan soo koobi karo soo koobo in sha Allahu tacaalaa.

Salafkeenii & sidey kutub akhriska ku ahaayeen

Salafkii ummada waxay ahaayeen kuwa aad u jecel wax akhriska oo waxay ka dhigan jireen wehel. Qaarkood waxaa la sheegaa ayagoo wax akhrinaya jidka dhexdiisa inay hog ku dhaceen, qaarna maktabadoodii ayaa ku duntay. Salafkii mid kamid ah waxaa la sheegaa xaaskiisa inay ka dacwootay kutub iibintiisa. Waxaa kale oo la sheega salafkii mid kamid ah inay tidhi xaaskiisu “ Wallahi sadex dumar ah oo layla guursado waxaa  iiga daran kutubta” .

 IBnu Jawzi waxuu yidhi “hadaan helo kitaab cusub waxay ii ahayd sidii anoo ku dhex dhacay kanzi”. Imaam Cabdullahi ibnu Mubaarak ayay asxaabtiisu ku eedeeyeen kali nimada uu fadhiyo ee uu ayaga ka dhex baxay. Markaasuu ogu jawaabay “Markaan gurigayga fadhiyo waa sidii anoo asxaabtii Rasuulka calayhi sallaatu wasallam la jooga” (Yacni kutubtaan akhrinayo).

111

Wax lala fadhiisto waxaa ogu wanaagsan kitaab!
Abuu Dhayyib Al-mutanabi

 Dadka buugaagta uruursada Sadex ayay u qaybsamaan sida la sheego :

  1. Dadka qaar waxay iibsadaan buugaag ay u baahanyihiin ayagoo markaa xiisaynaya mawduuca uu ku saabsanyahay kali ah, ama buugagta ay haystaan waa kuwa loo soo hadyeeyay.
  2. Dadka qaarna buug jeceyl ama waxa la yidhaah “bibliophile” ayay qabaan. Waxaana weeye dad aad u jecel inay iibsadaan ama loo soo hadyeeyo buugaagta ooy deedna meel ku aruursadaan. Arintaa waxay u samaynayaana waa jeceylkay u qabaan awgii.
  3. Dadka qaarna waxay buugaagta ku yihiin waxa la yidhaah “bibliomaniac” oo waxaa laga wadaa waxay ku waalanyihiin siday ku aruurin lahaayeen buugaag. Waxaa dhacda inay maalkooda oodhan u huraan siday ku iibsan lahaayeen buug. Waxaa kaloo dhacda hal buug kali ah inay ka haystaan intaasoo daabac. Qasab mahan inay yihiin kuwa akhriya . Qaarbaa akhris dartii ogu waalan qaarna waxyaaba kale.

 Tasniif/Tandhiim/Tartiib Al Kutub

Sadexdan kelmadoodba waxaa laga wadaa “kala habayn/kala hagaajin”. Waa muhiim qofku inuu kala habaysto kutubta oo intii islehba isu geeyo si dhawaan uusan ogu wareerin meelaha ay kala yaalaan.

  La soco qaybaha hadhay >>>

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: