Skip to content

Sheekh Muqbil binu Haadi

April 1, 2015

download (2)

Taariikh Nololeedkii Sheekh Muqbil

Waxa aan jecelahay in aan taariikh nololeedkii sheekh ka mid ah culimadii casrigan joogay oo kooban aan la wadaago dhammaan walaalaha akhrisanaya maqaalkan ,innaga oo ka eegi doona dhinacyo aad u fara badan; sida dhalashadii shiikha,nasabkiisa,dalbidiisii cilmiga,culimadii uu cilmiga ka qaatay,rixlooyinkiisii ama safaradiisii cilmiga, ,sabirkiisii iyo, ,ku dedaalistii cilmiga ,daryeelkii iyo ku dedaalistii dacwada &cilmiga saafiga ah,is dhul-dhigii shiikha,iyo waxyaalo kale oo aad ka dhex-dheegan doontaan maqaalkeena.

Magaca & dhalashada sheekha.

Waa caalimkii,Iimaamkii ,Muxadiith-kii ,Faqiihii,ku talaxtegey luuqada .Muqbil bunu Haadii binu Muqbil binu Qaayidah Al-Hamadaani Al-Waadiciyu ,ee qabiilada reer aala Rashaad Alle ha u naxariistee.  Shaykh muqbil Allah ha u naxariistee waxa uu dhashay sannadku marka uu ahaa 1937M
1356 H. Isaga oo ku dhashay degmada Dammaaj lagu magcaabo ,ee gobolka Sacdah ( Dalka Yemen).

Cilmi dalabkii Sheeekha.
Sida la sheegay sheekhu ugu horayn ba waxa uu cilmiga ka bilaabay dalkiisa Yaman sidii lagu yaqaaney culimada , waxa uu bilaabay inuu u safro dalka sucuudiga isaga oo bilaabay machadka xaramka Maka wuxuuna kaga baxay Machad-kaas dugsigii dhexe iyo sare muddo lagu qiyaaso lix sanno markii uu sidaasi si la mid ah uu dhammeeyey ayuu waxa uu u kicitimay dhinacaas iyo magaalada Madiina halkaasna ka bilaabay jaamacada islaamiga ah , ee Madiina oo uu sheekhu galay waaxdii ama kuliyadii Usuul-ka ;halka uu iyana ku qaatay kuliyada shareecada qaabka looyaqaan (intisaab) mararka fasaxa uu yahay ama isagoo aan xiisadaha ka qayb gelayn inuu gaar u diyaarsado taasina waxa ay marag ma doonto u tahay mamanaantii uu cilmiga u hayey iyo ka biqid (ka cabsasho)inuu waqtigu ka lumo,waana uu sii watey waxbarashadiisii illaa uu ka gaadhey heerka shahaadada loo yaqaan (Majisteer, ama Master).Waxa intaa ugarab socdey ka qayb galka xalaqaadyada lagu barto culuumta shareecada. Sidoo kale sheekhu waxa uu dhegeysan jirey aadna ugu riyaaqi jirey culimada jeediya khudbadaha illaa markii danbe uu Illaahay la kulansiiyey sheekh ka mid ah culimadii dadka wacdiyi jirey, isla markaasina uu siiyey waano uu ku farayo kutubta aadka faa’iidada u leh kana midka ay yihiin kitaabada caanka ah ee (Saxiixul-Bukhaari,Buluuq Al-Maraam,Riyaadu Al-Saalixiin,Fatxu-Majiid sharraxa kitaabu Tawxiid). 
Fiiro gaar ah: waxa xusid mudan in uu sheekhu cilmiga ku bilaabay isaga oo weyn haddana uu heer aan laga saadaalineyn ka gaadhey,sababta loo iinaynayaana waa taageero la’aan iyo cid ku garab istaagta cilmiga barashadiisa oo aanuu helin horaantii waqtigiisa.

Guryo noqodkii shiikha ee dalka Yaman

Markii caalimku uu soo dhamaystay barashadiisii cilmiga waxa uu isku deyey inuu uga faa’iideeyo umadda ku nool Yaman iyo dhammaan ummada islaamka. Halkaasi oo uu dhidibada u taagey goob diinta lagu barto laguna magcaabo Daarul-Xadiis oo ku taala magaaladii uu shiikhu ku dashay ee Dammaaj ;iyada oo ay jirtey in dalka Yaman waqtigaasi ay biyo-dhigtay khuraafaadka iyo kooxaha ku abtirsada shiicada oo ku baahsanaa dalka kuna faafsanaa ,balse wadaadku guntiga ayuu dhiisha iskaga dhigay waana u dhabar adaygay dhibaato kasta oo kaga iman kareysey dhinaca qolyahaas aan kor kusoo xusnay,Ilaahay amarkii waxa dhacday in looga yimaado dhulal aad u kala duwan oo daafaha caalamka ah, sida dalka Yaman dhexdiisa,Masar,Soomaaliya,Kuwayt,Sucuudiga,Jasaa’ir,Liibiya,iyo dalal kale oo fara badan kana mid yihiin dalal aad u badan oo dhulalka gaaladu degto ah,in badan buuna la dagaalamay lana diriray dadkii ahlu bidaca ahaa.

Sababtii ka denebeysey shiikhu inuu qoro kitaabkiisa Xadiiska ah ee(Saxiixu Musnad)
Iyadoo sheekha lagu yaqaaney u adeeggida Xadiiska Nebiga caleyhi salaatu wasalaam baa haddana waxa jira arrimaha qaarkood indhacdo kugu dhalisaa jirto inaad ku kacdid, inagoo halkaas uga socona isaga oo dhegeysanaya mid ka mid ah culimadiisii buu ka maqlay isaga oo le’’marka laga reebo labada Saxeexayn waa faro ku tiris kuwa saxiixa ah’’kelmedaas ayaa qub tiri kuna weynaatey sheekha waana tan sababtay inuu u qalin qaato qorista kitaabkan aad ka u qaaliga ah ee(Al-saxiixul musnad mimaa leysa fi saxeexayn )cajiib badanaa!!! waa mid ku tusinaysa hammigii iyo himiladii iyo hiigsigii dheeraa ee ku ladhnayd aragtidii fogeyd ee shaykh Muqbil.

Culimadii cilmiga uu ka qaatay
Intii uu noolaa culimo aad u fara badan ayuu cilmiga ka qaatay, balse inag oo aan soo koobi karin bal wax yar aan ka taabano intii ugu caansanayd:
1. Qaasim binu Yaxe Shuweyl
2. Cabdil Muxsin Al-Cabbaad
3. Ismaaciil Xadibah
4. Caalimkii Weynaa ee Muxamed Binu Naasiru Al-diin(Al-Baani)
5. Caalimkii Muxadiskii Faqiihii Ibnu Baas
6. Yaxye Binu Cusmaan Al Baakistaani
7. Muxamed binu Cabdullahi Al-Soomaali
8. Xamaad binu Muxamed Al-Ansaari
9. Cabdul Casiis Binu Raashid
10. Yaxe Al-Ashwal
11. Muxamed Amiin Al-Masri
12. Badiicu Al-Diin Al-Raashidi
13. Sheekh Maxamed Amiin Al-Shinqiidi
14. Muxamed Taqiyu diin Al-Hilaali
15. Seyid Muxamed Al Xakiim Al Masri

Kutubtii uu Qoray sheekhu
Kutubta uu qoray Muqbil aad bay u fara badan yihiin waxa uuna ku fara yaraystay kutub noocyo farabadan iyo funuun kala duwan leh ,bal aan isku dayno in aan guud mar iyo dulka xaadin ku samayno.
▪ Tafsiirka baynu ugu horaysiinaynaa maadaama uu yahay hadalkii ilaahay
1. Taxqiijin iyo takhriijin uu ku sameeyey labo majaladood oo ka mid ah (Tafsiiru ibnu Kathiir)
2. Saxiixul musnad Min asbaabi nussuul
▪ Caqiidada:
1. Shafaacada
2. Jaamicu Saxiix fil qaddar
3. Saxiixul Musnad min dalaa’ilu nubuwah
4. Riyaadul Jannah fii raddi calaa acdaa’i Sunnah
5. Ilxaadul Khumayni fii ardil Xarameyn
6. Haadihii dacwatunaa wa caqiidatunaa
7. Iidaaxil maqaal fii asbaabi silsaal
8. Saciqatu silsaal linisfi abaadiili rafdi wal ictisaal
▪ Xadiiska iyo musdalaxaadkiisa:
1. Saxiixu musnad mimaa laysa fi saxeexayn
2. Al muqtarix fii ajwibati musdalix
3. Taraajimu rijaalu daara Qudni
4. Taraajum rijaalu xaakimu diin
5. Axaadiisun mucalah daahiruhaa sixah
▪ Fiqhiga:
1. Jamcu beyna salaateyni fi safar
2. sharciyatu salaati fi nicaal
3. Taxriimu Khidaab bi sawaad
Kutub kale oo kala duwan
1. Taxriimu taswiir dawaatil arwaax
2. Qumcul mucaanid wasajrul xaaqidil xaasid
3. Musaaraca
4. Fadaa’ixu wanasaa’ix
5. Damul mas’alah

Ardaydii sheekha
Iyadoo ay jirto in uu sheekhu lahaa arday aad u badan kuna baahsan aduunka oo ku kala nool daafaha caalamka qaarkoodna ay manta yihiin culimo ka suntan bulshada, waxa aynu isku deyeynaa in aynu kuwa ugu caansan kasoo qaadano:

1. Muxamed binu Cabdullahi Iimaam(Maxamed iimaam)
2. Muxamed binu Cabdullahi Al-wazaabi
3. Cabdil casiis bin Yaxya Al-burci
4. Yaxye binu Cali Al-Xajuuri
5. Muxamed Saalix Al-soomaali
6. Cabdillahi binu Cusmaan Al-dimaari

Maxay ka yiraahdeen culimadii waaweynaa ee islaamka waqtan
▪ Sheekh Cabdul Casiis ibnu Baas : mar su’aal uu weydiiyey arday kasoo jeeda dalka Yaman ayaa waxa uu yidhi ‘’halkee la aadi karaa si looga dalbo cilmiga’’ waxa uu ugu jawaabey ‘’aad sheekh muqbil’’
▪ Shaykh Saalix binu Fawsaan: wuxuu yiri waxa aan daalacday muxaadaro uu jeediyey shaykh muqbil maalmihii ugu danbeysey noloshiisa taasi oo ka faaloonaysey cadaynta xaqa iyo gaashaan u daruurida baadilka iyo ictiraafka qurxoon ee uu u muujiyey dawlada Sucuudiga hawsha iyo shaqada culus ee ay u hayso islaamka iyo muslimiinta, waana markhaanti kac dhab ah ee caalim weyn Ilaahay khayr haka siiyo .siduu isugu taagey Yamen iyo qayrkeedba iyo faafinta cilmiga naafica ah,saxiixinta caqiidada in lagu dhiiri geliyo qabsashada kitaabka iyo sunnada.
▪ Rabiic Al-Madkhali: kitaabkiisa siyaru aslaaf waxa uu sheegay inuu yahay nin lagu yaqaano run,ikhlaas,dhawrsooni,kasaahidida aduunyada,caqiido saxiixa,manhajka selefiga ah ee saliimka ah,usoo noqoshada xaqa cidkastaba yar iyo weyn,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,illaa Dhamaadka.
▪ Shaykh ibnu Cusaymiin: sida uu kasoo rarayo shaykh Cabdillaahi binu Cismaan Al-Dimmaari waxa uu sheegay inuu yidhi shaykh muqbil waa iimaam dhawr jeerna sidaasi ku celceliyey.

Dhimashadii Caalimka
Waxa uu ku dhintay sheekhu magaalada madiinah cusbitaalka boqor Faysal xanuun dhinaca beerka iyada oo lagu garab aasay culimadii waaweyneyd Alle dhamaantood ha u wada naxariistee sanadkii 1422/30/Rabiicul Aakhir
Sidaas ayuu kaga safray aduunkan gabaabsiga ah.Nafkastanaa way dhadhamin doontaa oo innaga mid ah sida Ilaahay inoo sheegay .

Maxaa lagu xusuusan doonaa ?
Waxa lagu xasuusan doonaa sheekha booskii iyo meeqaamkii cuslaa ee uu ummada islaamka u hayey,u adeegistii diinta goor iyo aleyl,u tudhid la’aantii ahlu bidaca iyo gaalada,midhihii laga dhaxlay cilmigii sheekha, dhidiba u taagidii iyo dib usoo noolayntii dacwada iyo gacan ku suulintii khuraafaadka gaar ahaan dalka Yamen iyo aasaaski machadkii ibo-furka iyo aasaaska u ahaa dacwada dalka Yaman waqtigan la joogo ,waa daarul –xadiis eh ,gabbasha la’aantii iyo cadayntii xaqa,waxa lagu xasuusan doonaa ardaydiisii harqisay aduunka daafihiisa iyo dacaladiisa oo dhan ,hamigiisii iyo himiladiisii dheerayd ee diinta,dulqaadkiisii,qabsashadii iyo ku dhaqankii kitaabka iyo sunnada.is dhul-dhigii sheekha.

Fiiro gaar ah: waxa aan ka cudur daaranayaa maadaama oo maqaalkani uu ku qaran yahay af-Soomaali haddana waxa jira in kala duwanaansho uu u dhexeeyo afka-Carabiga. Gaar ahaan marka la qorayo magacyada markaa inaad sidaas ula socotaan waa muhiim.
Wixii aan gefey waxa ay ka ahaatay dhinacayga iyo shaydaan wixii aan toosiyeyna waxa ay ka ahaatay  xag Allah.

Wa billaahi Tawfiiq
W/Q:Axmed Cali Abokar

Tixraac:

1. ترجمة أبي عبد الرحمن مقبل بن هادي الوادعي بقلم صاحب الترجمة
2. شريط فضل طلب العلم للشيخ ابن باز
3. سير أسلافهم حفاظ الحديث السابقين واللاحقين

One Comment leave one →
  1. Najma permalink
    April 26, 2015 5:20 am

    Jazakalahu khayran akhi axmed juhdigaa ku bixisay qoralkan Alle wax ka khayr badan hakugu badalo ,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: