Skip to content

Qawaacidul Mufiidah fii macrifati Rijaalil Bukhaari- Q3aad

May 14, 2015

New

 

Bismillaah

Waa qaybtii 3aad ee Risaaladii ku saabsanayd Bukhaari dadka uu xadiiska ka weriyo sida lagu kala sooci karo.

Xarafka ” H”

  • Hishaam haduu ka weriyo Aabihii waa Hishaam ibnu Curwah ibnu Zubeyr
  • Hishaam haduu ka weriyo Anas waa Hishaam ibnu Zeyd ibnu Anas ibnu Maalik Alansaari ( waxaa loo yaqaanaa ” xafiidu Anas” )
  • Hishaam haduu wax ka weriyo Qataadah ibnu Dacaamatal Basri waxaad ogaataa waa Hishaam Ad-dastaawi
  • Hishaam haduu wax ka weriyo Ayuub Asakhtayaani waxaad ogaataa waa Hishaam Ad-dastaawi
  • Hishaam haduu wax ka weriyo Ibnu Jureyj iyo Macmar ibnu Raashid waxaad ogaataa waa Hishaam ibnu Yuusuf Asancaani
  • Hishaam haduu wax ka weriyo Muxamed ibnu Siiriin iyo Xafsah bintu Siiriin waxaad ogaataa waa Hishaam ibnu Xassaan Alqarduusi

Xarafka “I”

  • Isxaaq haduu yidhaahdo ” Akhabaranaa” waxaad ogaataa waa Isxaaq ibnu Ibraahiim Araaweyhi.
  • Ismaaciilka badanaa ku jira Isnaadka reer Madina waa Ismaaciil ibnu Jacfar
  • Ismaaciil haduu ku jiro isnaad reer Basra ah waa Ismaaciil ibnu Cullayah .
  • Ismaaciil haduu wax ka weriyo Qays ibnu abii Xaazim waxaad ogataa waa Ismaaciil ibnu abii Khaalid.
  • Isxaaq haduu wax ka weriyo Khaalid waxaad ogataa Isxaaqaasi waa Isxaaq ibnu Shaahiin Alwaasidi. Khaalidkuna waa Khaalid ibnu Cabdullah Adaxxaan Alwaasidi.
  • Isxaaq haduu wax ka weriyo Cabdurazaaq waxaad ogaataa waa Isxaaq ibnu Nasr.

Xarafka ” Kh”

  • Khalaad ibnu Yaxyaa haduu wax ka weriyo Sufyaan waxaad ogaataa waa Sufyaan Thowri
  • Khaalid ibnu Cabdullaah Alwaasidi haduu wax ka weriyo Khaalid waxaad ogaataa waa Khalid ibnu Mihraan Abul Manaazil ee caanka ku ahaa “Alxidhaa”
  • Khaalid haduu wax ka weriyo Cikramah waxaad ogaataa sidoo kale waa Khaalid Alxidhaa

In sha Allaaah la soco qaybaha hadhay

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: