Skip to content

About the blog


Naasiru-sunnah Imaam Albaani

 

Magaciisa & Dhalashadiisa

Sheekh Maxamad Naassirudiin Ibn Nuux Alnajaati Albaani.

Wuxuu Dhashay Taariikhda Miiladigu Markay Ahayd 1914 Oo Kubeegnayd 1332 Hijriga bishii 11aad.

Sheekhu wuxuu ka dhashay qoys aan xoolo ama dhaqaale lahayn oo faqri ah , wuxuuna kudhashay magaalo layidhaahdo (ishqudarah). Xiligaasna wadanka Albania waaxaa  madaxweyne u ahaa Nin la odhanjiray Axmad Zuuqa .

Sheekh Albaani  aabihii waxuu ahaa Sheekh Sharciga Islaamka kusoo bartay magalada Istanbul ee dalka Turkiga oo markaas Ay Ka talinaysay Dawladii Cuthmaaniyiinta.

Balse waxuu dib ugu soo laabtay wadankii uu u dhashay ee Albania oo ay shuuciyadu qabsatay oo uu  Axmad Zuuqina qaatay nidaamkii Secularismka . Markaas ayuu aabuhu go’aansaday  inuu u guuro dhinacaas iyo dhulka barakaysan ee SHAAM khaasatan wadanka Suuriya .

Imaam Albaani reerkoodu waxay soo dageen magaalada Dimishiq halkaas oo sheekhu uu kabilaabay waxbarashadiisii diiniga.

Barashadiisii Cilmiga

Imaamku wuxuu soo dhigtay dugsiga dhexe isagoo wali dugsiga dhexe kujira ayuu aabihii ka saaray dugsigaas , wuxuuna u bilaabay inuu guriga ugu dhigo cilmiga maadaama uu ahaa sheekh Faqiih ah .Halkaas ayuuna uga bilaabay inuu u dhigo tajwiidka Quranka, Culuumta naxwaha carabiga iyo Fiqiga xanafiga. 

Imaamku markii uu 20sano jirsaday ayaa wuxuu bilaabay inuu ku takhasuso Cilmiga xadiithka. Allaha u naxariistee wuxuu bilaabay Inuu wax Kabarto Maktabada wayn ee Kutaala Magaalada Dimishiq Ee Looyaqaano Maktaba (Dhaahiriyah).

Halkaas Oo uu sifudud  uga helay kutubtii iyo Makhduudaadkii Cilmiga ahaa ee Ku duugnaa meeshaas. Waxaana lagu tilmaamo maktabadaha aduunka ugu waawayn midkamida  .

Nolal maalmeedkiisii

Imaamku  wuxuu aabihii ka bartay qaabka saacadaha loo hagaajiyo taasoo ahayd xirfadii uu ku shaqaysanjiray ee uu nolol maalmeedkiisa kasoo saari jiray .Waxaa la sheegaa inuu shaakhu laba maal mood uun shaqaynjiray intakalana  waxbaran jiray .

Allah haw naxariistee Sheekh Albaani wuxuu macalin kasoo noqday mudo Sadex Sano Ah Jaamacada Caanka ah Ee Madiina Almunawarah halkaas Oo Madax Looga Dhigay Qaybta Xadiithka sanadku markuu ahaa 1381 ilaa 1383dii/H 

Sidookale Sheekhu wuxuu soomaray laba jeer oo La Xidhay Marna uu Xidhnaa Hal bil Markii Danbana Uu Xidhnaa Mudo 6Bilood Kudhaw 

Ardaydiisii

Imaamka waxaa wax kabartay Arday Aad u farabadan oynaan Soo koobi karin magacyadooda , waxaase kamid ah aradydaas culimada kala ah:

  • Maxamed Musa Nasri
  • Xasan al Xalabi al athari
  • Ibraahim Shaqra
  • Cabdimajiid Salafi
  • Sheekh Muqbil Alhaadi
  • Sheekh Abuu Isxaaq al Xuweyni

Fadhligiisii

Waxaa muran ka taaganyahay in Sheekh Albaani inuu ahaa mujadidkii Casrigan sida Nabiga Calayhi salatu wasalam kasugan wuxuu Yidhi (إن الله يبعث لهذه الأمة على رأس كل مائة سنة من يجدد لها دينها ) Qarni kasta bilowgiisa Illahay waxuu usoo saaraa umadan qof diinteeda u cusboonaysiiya . Sheekh Ibnu Baaz mar la weydiiyay Wa ayyo mujadidka casrigan? waxuu ku jawaabay waxaan umalaynayaa inuu yahay imaam Albaani. Sidoo kale Sheekh Muqbil waxuu yidhi waxaan aaminsanahay in uu Sheekh Albaani yahay kii cusbaynaysiinayay casrigan.

Sheekhu wuxuu caan ku ahaa ladagaalanka tacasubka loo tacasubo madaahibta isagoo dadka ku boorin jiray in wax laga qaato sunada iyo quranka lana raaco fahamkii salafka .

Hadaladay culimadu ka dhaheen

Sheekh Ibn Baaz : Ma arag casrigan aynu joogno ruux kaga caalimsam xagga xadiiska Imaam Albaani.

Sheekh Ibnu Cutheymiin: Intaan ka ogahay sheekhan waxaa lagu bartay inuu sunnada ku dadaalo oo bidcacada la dagaalamo. Bidcadaas oo ah mid ku salaysan ictiqaad iyo camal. 

Imaam Shanqiidi waxaa la yidhi isagoo darsi akhrinaya haddii uu soo galo imaam Albaani, darsiga ayuu istaajin jiray oo uu u istaagi jiray wuuna salaami jiray, ixtiraam iyo weynayn uu weynaynayo

Kitaab isaga laga qoray:

Kutubta taariikhdiisa laga qoray waxaa kamida kitaab lagu magacaabo ( Maca Shaykhinaa Naasiri Sunnah wadiin) Oo Uu qoray Cali Ibn xasan al xalabi 

Kutubta sheekhu qoray 

  • Irwaa’ul qhaliil oo ah 9 mujalad
  •  Silsilatu axaadiith ad-daciifah waa 14 mujalad
  • Silsalatu axadith al saxiixah waa 11 mujalad 
  •  Caqiidatu Daxaawiyah 
  • Altarghiib wa Tarhib waa 4 mujalad 
  • Iyo kuwa kale oo badan oo uu taxqiijiyay sida: Kutubta sunanka ee Ibnu Maajah, Abu Daud iyo Tirmidi oo mid 4 mujalad ah
Geeridiisi

Allah haw naxariistee sheekhu wuxuu dhintay maalin sabti ah oo ay bisha jamadul akhir tahay 22 sanadkii 1420ki/H  1999 october  .

Da’diisu waxay ahayd 86sano.

Fiiro gaar ah:

  • Imaam Albaani waxuu ahaa reer Yurup oo mahayn asalkiisu carab
  • 1999kii waxuu abaalmarin ah “u khidmeynta xadiithka Nabiga ” ka helay Boqor Feysal 

Ilaahay swt waxaan ka baryaynaa inuu Miizaankiisa xasanaatka ugu daro diinta uu adeegay khaasatan axaadiithta Rasuulka Sallalaahu calayhi wa sallam

Wallahu aclam

WQ: Ahmed Hasan

 

 

 

 

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: