Skip to content

About me


Asalaamu Calaykom Waraxmatullahi wabarakaatuh

Bismillaah

Waxaa laydhahaa Fartun Cabdiraxmaan. Waxaan ku noolahay Dalka Denmark. Blog-gan waxaan ogu tala galay inaan ugu adeego sunnada Nabiga sallalaahu caleyhi wasallam.

Nabiga (sallalaahu caleyhi wasallam) sifadiisa, hadalkiisa, ficilkiisa iyo waxyaabihii ay agtiisa saxaabadu ku sameeyeen oo na loo soo gudbiyo Waxaa la dhahaa” Xadiis”.

Hadaba Xadiiskaas inuu noqdo mid ka suggan Nabiga (sallalaahu caleyhi wasallam) iyo saxabadiisa oo Saxiix ah , ayay Culimo badani ku shaqlanaayeen oo ay ahaayeen kuwa u adeega. Waxayna u bixiyeen “Musdhalaxul Xadiith”.

Waxaan ahay mid aad u xiisaysa Cilmiga Xadiiska barashadiisa iyo dadkiisaba. Marka waxaan ku fakaray inay jiraan sidoo kale dhalinyaro aan isku xiiso nahay oo iyaguna aad u xiiseeya Cilmigan/fannigan.

Markaan leeyahay waxaan rabaa inaan sunnada u adeego waxaan  isleeyahay waxaad sunada ugu adeegi kartaa inaad dadka u cadeeyso oo aad uga digto sidii Nabiga (sallalaahu caleyhi wasallam) aan loogu been abuuran lahayn. Arintaasna waxaa la isaga ilaalin karaa uun iyadoo la barto Cilmigan.  Hadaba inshaAllaah waxaan Bloggan soo galin doonaa Musdhalaxul Xadiiska aqsaamihiisa ama qeybahiisa oo aan af soomali ku sharaxi doono. Kutubta aan ka soo guurinayo waxaa kamid ah Kitaabka “Tyseer Musdhalaxul xadeeth” iyo “Tadriibu Raawi”. Sidoo kale waxaan meesha soo galin kutubada laga baran karo Musdhalaxul Xadiith.

Waxaan kaloon soo galin Culimada Qortay kutubta “Musdhalaxul Xadiith” iyo Culimada loo yaqaan “Asxaabu Sitta” .

Waxaa kaloo jirta meel aan ugu tala galay inaan soo galiyo Video-yada muuqaalka ah ee laga baran karo Cilmigan. Sida Duruusta uu bixiyo Imaam Almuxadith Abii Isxaaq Al Xuweyni Xafidahullah , Sheekh Bashiir Shiil iwm.

Waxaa kaloo  jirta qeyb aan ugu tala galay Culimada soomalida taariikhdooda. Sidaan ognahayba Soomalidu mahan dad wax qor badan oo mahan kuwa kutub qora. Kuwa badan oo muxadithiin ah oon la aqoona inay jiraan ayaa macquul ah. Hadaba waxaan rabaa inaan soo galiyo culimada soomalida een hayyo taariikhdooda. InshaAllaah adiguna hadaad hayso walaal ii soo gudbi si aan usoo galiyo Bi’idnillah.

Waxaa sidoo kale jirta qeyb aan ogu tala galay inaan soo geliyo Taariikh ama Turjumaad gaaban oo aan ka qorayo Dumar alifay kutub. Sababta aan dumarka oga dhexsaaray nimanka/culimada kale waxaa weeye kumay badna inay wax alifaan iyada oo ay macquul tahay in la helo qaar badan oo culimada qaar ka cilmi badan ama u ahaa macalin ayaa hadana mahan caan, sidaa daraadeed waxaan rabaa bal in dadku il gooni ah ku eegaan.

Manhajkaygu waxaa weeye Ehlu sunnah waljamaaca,  Waxa kali ah een daliil ka dhigto ama aan ku dhaqmo waa Kitaabka Ilaahay , Axadiista Rasuulka Sallalaahu calayhi wasallam iyo Ijmaaca culimada. Waxaana ku dayasho ii ah Rasuulka Sallalaahu calayhi wasallam kadibna sadexdii qarni ee ku xigtay ee la yidhaahdo “Salafu saalix”. 

Waxaa jira walaalaha qaar iga caawiya oo ii soo qora maqaalo. Maqaalada aanan ku hoos qorin qofka qoray magaciisa , anigaa qoray, kuwa aanan anigu qorina waxaan ku hoos qoray walaalka/walaasha qortay.

Kolleey cilmi malihi oo iska ardayad baan ahay marka hadaad aragto wax khalad ah oo ka socda  xagga qoraal ama fikir khaldan ah inshaAlaah waan soo dhaweynayaa nasiixadaada/waanadaada. Sidoo kale hadaad hayso Wax maqaal ama video ah oo ku saabsan xadiiska waad ii soo diri kartaa.

Ilaahay swt hanooga dhigo camalkan aan samaynayno mid ikhlaas ah oo wejigiisa dartii ah. Ilaahayna hanago dhigo kuwii sida dhabta ah ugu gargaara sunnada Nabiga (sallalaahu caleyhi wasallam) cilmiga aan leenahayna hanagu anfaco . Aaamiin

InshaAllah waxii talo ah Halkan iigu soo dir: muhaditha@hotmail.com ama Barta facebook >>http://www.facebook.com/pages/Muhadithawordpresscom/234874096527242

18 Comments leave one →
  1. Najma permalink
    November 24, 2010 9:59 pm

    Assalamu calaykum

    Fartun Baaraka laahi fiiki abaayo ilaahay miisaanka xasanaadka hakuu saaro juhdigaaga , inan barano Rasuulkeena scw noloshiisii waxay ku xiran tahay inagoo barana Axaadiithtiisii kuwaasoo noo sheegaya camal iyo qowl walba uu sameyn jiray xitaa waxa jira axaadiith noo sheegaysa siduu u ekaa scw,waxaan isku baraarujinaynaa inan mar walba barano sunnada suubanaha scw intaan ka naqaana gaarsiino walalaheen .

    Mar kale waxan u mahadnaqayaa walashey fartun dadaalkeeda wax la isku dhiiri geliyo waxaa u fican inaan diinteena macaan barano , Rasuulka scw wuxu xadiis ku yiri(iga gaarsiiya aayadba ha noqotee)
    qof walboo hal xadiis ba ha noqdee yaqaan waxaa waajib ku ah inuu gaarsiiyo walalihii intaan garanayn

    Cilmiguna maaha wax dhamaada iyo wax laga dhergo, Allah waxan waydiisanayanaa cilmi naafis ah iyo camal khaalis ah aamin…

  2. November 24, 2010 11:03 pm

    Wcs

    Najma walaal Baarakallahu Feeki sidoo kale.
    Aaamin Ilaahay swt waxaan ka baryaynaa inuu dhamaanteenba naga wado dhigo kuwa kheyrka laga aaminsanyahay ah.

    Sidoo kale adna walaal wixii kheyr ah eed hayso 1 xadiisna ha ahaadee noo soo gudbi inshaAllah aanu kaa faaidno.

    Aaad baad umahadsantahay walaal

  3. December 10, 2010 10:29 pm

    asc wr wb

    Maasha Allaah Fartuun Alle hakuu fududeeyo dadaalka aadku jirtid hana kuugu abaal gudo Jannatul Firdowsa aamiin,

    jzk khayr

  4. December 11, 2010 8:32 pm

    Wcs

    Baarakallahu Feeki Walaal Hoodo. Aaamiin dhamaanteenba Ilaahay hanagu wada abaal gudo Jannadaas.

    Thnx

  5. Amal Abdi Haji permalink
    December 26, 2010 11:20 pm

    Assalamu caleykum
    walaal fartuun manshaallah aad iyo aad baan ugu faraxsanhay in aad sameysatay Blog-gan. Inshaallah waa meel aan ka faiidaysan doono,
    Illahayna kheyr ha kasiiyo adiga iyo walaalaha kale ee soo qoraba.

  6. December 28, 2010 6:59 pm

    Wcswrwb

    Walaashiis Amaal Ilaahay swt ajar iyo xasanaat hakaa siiyo sida qiimaha badan ee aad noo dhiirigalinayso aniga iyo walaalaha kale ee i caawiyaba.. Adna waxaan Ilaahay kaaga baryayaa inuu kaa dhigo mid faaida oo dadkana u faaiideysa aamiin.
    Thank you

  7. Cabduraxman permalink
    February 16, 2011 7:18 am

    Asc wr wb..abaayo mashALLAH…SUAALO AYAAN RABAA IN AAN KU WEYDIIYO…

  8. February 16, 2011 1:51 pm

    Wcswrwb!

    Hayye walaal waad i weydiin kartaa

  9. June 19, 2011 3:04 am

    Mashallah fartun I love yr blog so much huuno. Illaahay ha kaa abaal mariyo adiga iyo walaalada kaa caawiya macluumaadka runtii waad noo faa’iideyseene, lakiin waxaa igu fiicnaan lahayd in aan meel saxara ah inta iska tago wakhti dheera la isiiyo deedna sidii buugii ula soo kala baxo blogan :D

    Illaahayow cilmiga kuu sii kordhi oo banii aadmiga xumaantiisa oo idil kaa hay.

    NB! i am big follower of yr blog. keep it up wa jazakumullah khayr

  10. June 19, 2011 2:49 pm

    Waad mahadsantahay walaal qaali.. Ilaahay swt hanoo aqbalo ducadaada. lol saxaraha uma baahnid inaad la tagto, qol isku soo xidh oo kala furo (kaftan).. Jazaakllaahu kheyraa for you flowwing me.. InshaAlalah adiguna waxii dheeraad ah eed noo heyso waanu kaaga baahnan lahayn

  11. July 18, 2011 3:53 pm

    Batulo waxaadba tahay ruuxa i baray sida loo isticmaalo Blogg.. adaana ii sameeyayba. Mar welba oo aan meesha kheyr soo geliyo waxaad ku leedahay ajar :-)..

  12. Umu Cuzeyr permalink
    February 5, 2012 2:19 pm

    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    ماااا شاء الله
    بعد الحمد لله والصلاه والسلام علي خيرخلق لله نبينا محمد صلي الله عليه وسلم ( نسأل الله العظيم رب العرش العظيم ان ينفع الله بك
    شهد الله جل جلاله انى احبك فى الله واسأل الله تعالى ان يجمعنى وأياك فى الجنه مع سيدنا رسول الله صلى الله عليه وسلم الله يقويك وينفع بيك الأمة وجزاك الله عنا ألف خير
    اللهم احشرنا مع نبينا محمد صلى الله عليه وسلم آمين

    اللهم ارزقنا منازل الشهداء والفردوس الاعلى من الجنة آمين

    سبحان الله وبحمده عدد خلقه ورضا نفسه وزنة عرشه ومداد كلماته

    اللهم اجعلنا من أهل القرآن الذين هم أهلك وخاصتك آمين

    اللهم ارزقنا ثوابا جاريا إلى يوم الدين آمين

  13. March 26, 2012 11:44 am

    Wacalaykom sallaam wrwb

    Baarakaalahu feeki ukhtii Umu Cuzeyr.. Ilaahay swt ducadaada hanoo aqbalo

  14. Mohammed Amin permalink
    September 23, 2012 12:48 pm

    Bismillaah Masha Allaah Ilaahey Ha inoo Fududeeyo Barashada Diinta adiga na Ajar allaah ka siiyo Huuno

    • September 26, 2012 12:25 am

      Aaamiin Wa iyyaak walaal

  15. September 18, 2014 4:03 am

    jazaakalaaah walaal fartuun ajar iyo xasanaad alle ha ku siiyo anagana alle hanuu fududeeyo barashada cilmiga hana naga yeelo kuwo ku dhaqma dadkana bara cilmigi ay barteen ameen ameen ameen

    • September 18, 2014 2:19 pm

      Wa Iyyaak walaalkiis Mohamed. Ducadaada Allaha inoo aqbalo. Baarakallu fiik

  16. Abdullahi permalink
    June 1, 2016 6:21 pm

    Masha Allah, Allah haku xafido. waalidkaana Allah ha udambi dhaafo. Ubadkeenana adigoo kale Allah hanooga dhigo. wsc

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: