Maktabad ma leedahay – Q2aad


image

Maktabad ma leedahay-Q2aad

Bismillaah

Walaalyaal waxaynu horay oga soo hadalnay muhiimada ay leedahay in qofka muslimka ahi wax akhriyo sidoo kalena muhiim inay tahay inuu gurigiisa ku lahaado Maktabad.

Maktabada aynu sheegayno waa maktabad Islaamik ah kutubtuna waa kutubta shareecada , kuwaasoo isugu jira Qur’aan , Sunnah iyo Culuumta kale ee qofka Muslimka u wanaagsan inuu barto si diintiisa u ilaashado.

In sha Allah waxaynu sheegi doonaa :

  • Qaabka Maktabad loo design-gareeyo
  • Aadabta kutubta loola dhaqmo
  • iwm

 Qaababka Maktabad loo design-gareeyo:

Way badantahay qaababka loo design-garaysan karo maktabad waxaanse ka sheegi dhawr qaab:

  • Qol gooni ah inaad u banayso : Qolkaas oo aad ku xidho laydh fiican adoo markaana ka dhigaya qol ka xasiloon badan qolalka kale , sidoo kalena markaad soo gasho aad ku nasato.
  • Qolka fadhiga/hurdada inaad gees uga banayso: Dadka qaar ayaa laga yaabaa duruuf awgeed inaysan munaasab u ahayn inay qol u baneeyaa maktabada , hadaba dhib maleha waxaad samayn kartaa darbiga aad u banaysay kutubta ayaad ku rinjiyayn kartaa midab qurux badan sida cagaar khafiif ah iwm .
  • Balcony/barandada guryuhu leeyihiin xataa waad u banayn kartaa: Waase muhiim in meeshaas aadan dhigayn alaabo ama qashin. Waa inaad hagaajisa oo aad ka dhigtaa meel macquul ah in kutub diini ah la dhigi karo.

Kutubta sida loo simo:

Waa muhiim inaysan kutubtu ahayn kuwa is dhexyaala oo markaad u baahato inaad kitaab kala soo baxdo ay kugu qaadan wakhti dheer iyadoo sababtu tahay inaad garan la’dahay meesha uu yaalo.

Hadaba noocyadan ayaad u kala dhigi kartaa:

  • Fanni ahaan inaad u dhigto: Waxaad iskula dhigi intii isku fanni ah, sida: Culuumul Qur’aan, Xadiithka iyo Culuumtiisa, Fiqhiga iyo Culuumtiisa, Caqiidada, Siirada iyo Taariikhda, Adabka iwm.

Sidan waxay kuu sahli markaad kitaab rabto inaad hesho ayaad ka dhex raadin fanniga uu ku saabsanaa

  • Alphabets ahaan: Waxaad kalood samayn kartaa inaad iskaba dayso fanni ahaanta oo aad u dhigto kutubta xuruufta ay ka bilaawdaan adoo markaa ka bilaabaya ( ا – ي ). Sidan waxay u fiicantahay qofka sifiican u xifidsan kitaab welba magaciisa .

Kutubteen soo iibsadaa?

Qof welba waa dookh . Dadbaa markay arkaan meel kutub lagu iibinaya waxay ku yaacaan kutubta fiqhiga ama xadiithka. Laga yaaba inaad aad u jeceshahay inaad fanni mucayyin ah akhriso. Laakiin waxaan kugula talin lahaa inaad fanni welba ugu yaraan dhawr kutub kasoo iibsato.

Hadaba Maktabada ama kutubta aadaab ma leeyihiin gooni ah oo layga rabo inaan kula dhaqmo?

Haa, Waxaana kamid ah:

  • Inaad ku dadaasho in aad kutubta akhriso adoo daahir ah
  • Inaadan kutubta ka dhigan furaash aad isaga seexatid
  • Inaadan dhulka dhig dhigin
  • Inaad ka ilaaliso qoraxda si aysan galka uga dilaacin
  • Inaadan is duldulsaarin kutubta khaasatan inaadan kitaab weyn hoosta ka galin mid yar
  • Inaadan dhigin meel qoyan ama aadan ka tagin isagoo kala furan
  • Inaadan ka haajirin hadii aadan waayahan akhrinayn waa inaad isku daydo inaad boodhka ka nadiifiso

Kutub amaahashada/tobalcaaraysiga

Culimada qaarkood aad bay u dhibsan jireen in kutubta laga amaahdo ama caaraysto, waayo waxaa laga yaabaa cumrigiisii dhanaa inuu ku dhameeyay in kitaabkan uu alifo, deedna intii laga qaatay aan loo soo celin ama laga soo xumeeyay. Xataa heer uu gabyay nin:

ألاَ يا مستعير الكتب دعني ……. فإن إعارة الكتب عار
فمحبوبي من الدنيا كتابي … وهل رأيت محبوباً يعارُ

Hadaba waxaa laga yaabaa qofkan walaalkaa ah kitaabkan aad ka amaahatay inuu meel fog kasoo iibsaday ama uu qof u hibeeyay caalim ah oo doonayo inuu haysto

Arin muhiim ah : 

Hadii aad kitaab kasoo amaahato meel ama qof walaalkaa ah waa muhiim inaad u celiso hadii aadan u baahnayn, maalinka uu kaa dalbadana waa inaad u celisaa ama siisaa.

Sidoo kale adna walaalka/walaasha kitaabka laga amaahanaayo hadaad tahay waa khalad inaad u diido walaalkaa ama walaashaa cilmiga ay u baahantahay. Kuligeenba waynu ognahay denbiga ku jira cilmi in walaalka laga qariyo.

In sha Allah qofkii u baahan Inspiration sida kutubta loo sharaxdo waa kan

image  image

Qofkii Raba Barnaamijka Sh Abii Isxaaqna waakan:

Ilaahay swt haynagu anfaco waxaynu akhrino

Posted in Duruus Yaryar Cilmul Xadiith, Maktabad ma leedahay Q-2aad | Leave a comment

Qawaacidul Mufiidah fii macrifati Rijaalil Bukhaari- Q4aad


download (2)

Bismillaah

Waa Qaybtii 4aad ee ku saabsanayd sida loo kala sooco rijaalul Bukhaari .

Xarafka “M”

  • Muxamed ibnu Salaam Albeykandi haduu wax ka weriyo Sufyaan waxaad ogaataa waa Sufyaan ibnu Cuyeynah
  • Muxamed ibnu Kathiir Alcabdi haduu wax ka weriyo Sufyaan waxaad ogaataa waa Sufyaan ibnu Saciid Athowri
  • Muxamed ibnu Yuusuf Alfaryaani haduu wax ka weriyo Sufyaan waxaad ogaataa waa Sufyaan Athowri
  • Muxamed ibnu Ziyaad haduu wax ka weriyo Abuu Hureyrah badanaa waxaa weeye Muxamed Aljamxi
  • Muxamed haduu wax ka weriyo Cabdurazaaq Asancaani waxaad ogaataa waa Muxamed Albeykandi
  • Muxamed haduu wax ka weriyo Cabdah ibnu Suleymaan Alkilaabi, waxaad ogaataa waa Muxamed ibnu Salaam Albeykandi
  • Muxamed haduu wax ka weriyo Cabdullaahi ibnu Mubaarak Almarwazi waxaad ogaataa waa Muxamed ibnu Muqaatil Almarwazi
  • Muxamed haduu wax ka weriyo Abii Mucaawiyata Dhariir waxaad ogaataa waa Muxamed ibnu Salaam Albeykandi
  • Muxamed haduu wax ka weriyo Shucbah ibnu Xajaaj oo aan lagu darin nasabkiisa waxaad ogaataa waa Muxamed ibnu Jacfar Alqhundar
  • Muxamed ibnu Jacfar haduu ku jiro Isnaad reer Basra ah waxaa weeye Muxamed ibnu Jacfar Alqhundar
  • Muxamed ibnu Jacfar haduu wax ka weriyo Suleymaan ibnu Bilaal Almadani waxaad ogaataa waa Muxamed ibnu Jacfar ibnu abii Kathiir
  • Muxamed ibnu Jacfar haduu ku jiro Isnaad reer Madiina ah waa Muxamed ibnu Jacfar ibnu Abii Kathiir
  • Muxamed hadii la idlaaqo oo uu wax ka weriyo Abii Hureyrah waxaa weeye Muxamed ibnu Siiriin Albasri
  • Muxamed haduu wax ka weriyo Jaabir ibnu Cabdillaah waa Muxamed ibnul Mulandir Abuu Makki
  • Muxamed ibnul Mthana haduu wax ka weriyo Yaxya waxaad ogaataa waa Yaxya ibnu Saciid Alqadaan
  • Maxmuud haduu wax ka weriyo Cabdullaahi ibnu Mubaarak Almarwazi waxaad ogaataa waa Maxmuud ibnu Qhaylaan Almarwazi
  • Masdad ibnu Masarhad haduu wax ka weriyo Sufyaan waxaad ogaataa waa Sufyaan ibnu Cuyeynah
  • Masdad Albasri haduu wax ka weriyo Yaxya waxaad ogaataa waa Yaxya ibnu Saciid Alqadaan
  • Maalik ibnu Anas haduu wax ka weriyo Yaxya waxaad ogaata waa Yaxya ibnu Saciid Al-ansaari

Xarafka “S & SH”

  • Sufyaan haduu wax ka weriyo Saalix waxaad ogaataa waa Saalix ibnu Xayy. Waase naadir oo ma badna
  • Sufyaan ibnu Cuyaynata haduu wax ka weriyo Camru waxaad ogataa waa Camru ibnu Diinaar , sababtoo ah labadooduba waa reer Mekka.
  • Sufyaan haduu wax ka weriyo Ibnu Shihaab Azuhuri waxaad ogaataa waa Sufyaan ibnu Cuyeynah
  • Sufyaan ibnu Saciid Athowri haduu wax ka weriyo Camru waa Camru ibnu Caamir inta badan. Sidoo kale Camru binu Diinaar xataa wuu ka weriyaa waase naadir.
  • Saciid haduu wax ka weriyo Ibnu Cumar ( Cabdullahi ibnu Cumar) waxaad ogaataa waa Saciid ibnu Jubayr
  • Saciid haduu wax ka weriyo ibnu Cabbaas ( Cabdullahi ibnu Cabaas) waxaad ogaataa wa Saciid Ibnu Jubayr sidoo kale.
  • Saciid haduu wax ka weriyo Qataadah waxaad ogaataa waa Saciid ibnu Abii Curuubah. Sababtoo ah badanaa Qataadah ayuu wax ka weriyaa.
  • Saciid ibnu Abii Saciid Almuqbari hadii uu Abii Hureyrah wax ka weriyo waa la sheegaa magaciisa.
  • Saciid hadii uu Abuu Hureyrah wax ka weriyo waa Saciid ibnu Musayyib
  • Suleymaan haduu yahay mid ku jira Isnaad reer Kuufa ah waa Suleymaan Alacmash.
  • Suleymaan haduu yahay mid ku jira isnaad reer Madiina ah waa Suleymaan ibnu Bilaal Almadani.
  • Sheybaan ibnu Cabduraxmaan Anaxawi haduu wax ka weriyo Yaxya waxaad ogaataa waa Yaxya ibnu abii Kathiir.
  • Shucbata ibnu Xajjaaj Alwaasidi thuma Albasri Abuu Sadhaam haduu wax ka weriyo Camru waxaad ogaataa waa Camru ibnu Murrah.

Xarafka ” X”

  • Xamaad haduu ku jiro Bukhaariga waa Xamaad ibnu Zeyd Albasri , Abuu Ismaaciil.
  • Xamaad ibnu Salamata Alkuufi kuma jiro Bukhaari musnadkiisa , mutaabacaat mooyee. Imaam Muslim ayaase musnadkiisa badanaa ku weriya .
  • Xumeyd haduu wax ka weriyo Anas binu Maalik waxaad ogaataa waa Xumeyd ibnu Abii Xumeyd Adawiil Albasri
  • Xumeyd haduu wax ka weriyo Abii Hureyrah waa Xumeyd ibnu Cabdurraxmaan ibnu Cawf Azuhri

Wallaacu tacaaalaa aclaa wa axkam 

Posted in Duruus Yaryar Cilmul Xadiith, Qawaacidul Mufiidah fii macrifati Rijaalil Bukhaari- Q4aad | Leave a comment

Caalimkii Maqhrib ( Abuu Cumar Ibn Cabdul Barr)


download (2)

Waxaan Maanta tooshka ku ifinaynaa in sha Allaah caalim jaliila oo ka mida culamdeenii salafka kuwoodii ugu cadcadaa waa Muxadithki Andalus iyo faqiiheedii ee ahaa Ibnu Cabdul barr.
Imaamkani waxuu ahaa baddi cilmiga sidoo kalena aqoonyahankii cilmiga xadiithka iyo Rijaashisa. Waxaa inta u dheeraa aqoonta Cilmul qiraa’aatka iyo weliba Fiqhiga iyo khilaafaadka mass’aaisha fiqiga.
Magaciisa & dhalashadiisa

Magaciisa waa Abuu Cumar Yusuf bin Cabdallah bin Maxamed bin Cabdul Bar bin Caasim Anamariyyi Al andalusi Alqurdubi Almaaliki kuna caan baxay Ibnu Cabdul Bar. Waxuu ku dhashay Qurdubah Andalus bishi Rabiical aakhir , waxaa kaloo la sheega inuu dhashay bishii Jamaadul ulaa, sanadku markuu ahaa 368H.

Waa Imaam faqiiih ah Mujtahid ah wuxuu ahaa xaafid casrigisii ,wuxuu kaloo ahaa Qaadi iyo (Mu’arikh) taariikhyahan. Aabihii wuxuu ahaa Faqiih.

Imaam ibnu Cabdil Bar waxuu ku barbaaray Qurdubah cilmigana ka raacday horaantii noloshiisa isagoo ka qaatay culimadii xiligaa joogtay degaankiisa kana faaiideystay.
Imaamku wuxuu bartay intuu joogay Qurdubah Luqada,Fiqiga, Xadiithka iyoTaariikhda, Kadib wuxuu u wareegay oo u xirxirtay sida caadada culimada waligoodba ahayd xagaa iyo magaalada lagu magacaabo Badlaboos waagii ay dhacday dowladii Umawiyiinta ee Andalus ka talinaysay. Mudo ayuuna ku noolaa wuxuuna ka noqday Qaadi Ashbonah iyo Shantarin, kadib wuxuu u wareegay dhankaa iyo bariga Andalus wuxuuna u jilba jabsaday raadinta cilmiga sanadku markuu ahaa 390H.

Nasiib wanaag Allah wuxuu siiyay cimri dheer isagana waa ka faaiideystay waqtigii iyo cumrigii Allaah ugu deeqay wuxuuna galiyay waqti badan raacashada cilmiga sharciga ah. Waxuu u kadaloobsaday Barida iyo barashada cilmiga, waxaa hareerihiisa buuxiyay ardaydii u oomanayd cilmiga ee aan ka dhergi jirin quudashada cilmiga ,iyagoo ogaa in culumadu yihiin dhaxalkii anbiyada, wuxuu alifay kutub badan wuxuu ururiyay xog badan, waxay noqotay Tasaniftiisa(kutubtu alifay ama qoray) midaan la soo koobi karin meel fog iyo meel dhowba gaartay, waxaa u hambalyeeyay culimadii zamankisa joogtay juhdiga iyo dadaalkiisa dheeraadka ah. waxaa laga faaiidey wax aynaan soo koobi karin hadaa niraahno aan tirino, waxaa ugu filan tay u qireen culimadii la noolayd iyo kuwii ka danbeeyayba Wuxuu ku tilmaamay Imaam Dhahabi’حافظ المغرب’wuxuu hogaanka u hayay xifdi wanaag iyo itqaan.

Culimadiisa:

Inkastoo aan la soo koobi karin culimada Ibnu Cabdul bar, hadana waxaan halkan ku xusaynaa qaar ka mida culmadii Muxadithki andalus iyo faqiiheedii waxaana ka mid ahaa:

Khalaf bin Qaasim
Cabdulwarith bin Sufyaan.
Cabdullahi bin Maxamed bin Cabdulmu’min.
Maxamed bin Cabdilmalik bin Sayfun
Cabdullahi bin Maxamed bin Asad Aljahni
iyo qaar kaloo badan

Ardaydii imaamka:

Sidoo kale waxaan sheegaynaa qaar ka mida ardaydii xaafidka waxana ka mid ah:

Abul Cabaas Addala’iyu
Maxamed bin Fatuux Alansaari.
Abuu Daauud Suleyman bin abii Qaasim Almuqri
Abuu Cabdallah Alxamiidi
iyo qaar kaloo badan.

Maxay ka yiraahdeen Culimadu Ibnu Cabdul bar..

Wuxuu yiri Abul Waliid Albaaji Ma jirin ama ma jiro Andalus qof la mida abuu Cumar dhanka xadiithka, sidoo kale abul waliid wuxuu yiri: abuu Cumar waa qofka ugu xifdiga badan reer maqrib.
Ibn xazm baa wuxuu yiri isna isagoo ka waramaya kitaab uu qoray Alxaafid Ibnu Cabdul bar
(waa kitaab aanan garanayn wax la mida sidee baan u garanayaa wax ka wanaagsan)!
Imaam dahabi isaguna wuxuu yiri maruu tilmaamayay, Ibnu Cabdul bar waa Thiqah(qof lagu kalsoon yahay)Sune raace oona Dhowrsoon.
Xaafid Addahabi wuxu yiri wuxuu leeyahay Abuu Cumar kutub wax la mida ayna jirin.
Xumeydi ayaa isna isagoo tilmaamaya Muxadithki Andalus iyo faqiiheedii yiri hadalkan.
Abuu Cumar waa faqiih, xaafid, aqoon yahan cilmi u leh xadiithka, qiraa’aatka iyo cilmiga rijaasha

Qaar ka mida kutubtiisii

“الكافي” على مذهب مالك خمسة عشر مجلداً.

ومنها كتاب “الاستيعاب في معرفة الأصحاب” ليس لأحدٍ مثله.

ومنها كتاب “جامع بيان العلم وفضله”.

وله كتاب “الاكتفاء” في قراءة نافع وأبي عمرو.

وكتاب “بهجة المجالس” نوادر وشعر.

وله كتاب “التقصّي” لحديث الموطأ.

وكتاب “الإنباه عن قبائل الرواة”.

وكتاب “الانتقاء لمذاهب الثلاثة العلماء” مالك وأبي حنيفة والشافعي.

و”البيان في تلاوة القرآن”.

و”الأجوبة المستوعبة”.

وكتاب “الكنى”.

وكتاب “المغازي”.

وكتاب “القصد والأمم في أنساب العرب والعجم”.

وكتاب “الشواهد في إثبات خبر الواحد”.

وكتاب “الإنصاف في أسماء الله تعالى”.

وكتاب “الفرائض”، وغير ذلك.

Waxaa la sheegaa qaar kamid ah noloshiisa inteedii hore inuu ahaa Muxadithkii andalus iyo faqiiheedii (Daahiri) laakiin markii danbe uu noqday Maaliki,wuxuu gaaray Ibnu Cabdul bar darajada mujtahidka taasna waxay cadeynaysaa aqoontiisa iyo garashaduu u lahaa sida loola soo baxo dhuuxa fiqiga ku hoos jira isla markaana ku darsaday xadiithka iyo culuumta kaloo u dheereeyd, waa Fadli Allaah ciduu doono siiyo. Waxaa culimada qaar sheegaan sida Xaafid Addahbi uu ku sheegay kitaabkisa سير أعلام النبلاء in abuu cumar ibnu cabdul bar ay saaxiib ahaayeen Caliyu bin Xazm al andalasi wuxuuna ka qaatay kana bartay ibn xazm xadiithka.

Geeridi Ibnu Cabdul bar

Naf walba waa tii geeri dhadhamisee , wuxuu yiri Abuu Daauud al maqra’i wuxuu dhintay Abuu Cumar habeen jumca ah bisha Rabiical aakhar sanadkii 463 H isagoo da’diisu tahay 95 sano, wuxuuna ku dhintay Shaadibah, Xadiis ayaa macnahiisu ahaa dadka waxaa u wanaagsan qof cumrigiisu dheeraado camalkiisuna wanaagsanaado, waa sidaan u rajaynayno Culimadeena dhamaan inta dhimatay iyo inta noolba , Alaah ha u naxariisto Imaam, Muxadith , faqiihii Andalus naxariis waasica, inagana hanagu anfaco wanaagii iyo cilmiguu ka tagay kuwii ka faaiideystana hanaga yeelo. Aamiin

WQ: Najma Siciid

Posted in Abuu Cumar ibnu Cabdil-Barr, Taariikhda Culimada Xadiith-ka | Leave a comment