Skip to content

Raali noqo Rasuulkii Allow!!


Waa sidan xaalkanagu ee raali noqo Rasuulkii Allow!                                                                                             

Tirada dadka Islaamka ku abtirsanaya waxaa lagu qiyaasayaa inay yihiin 2 billion hadaysan dhaafsanayn.  Dawladaha sheeganaya inay yihiin kuwa Muslim ahna waxay gaadhayaan dhawr iyo konton.  Diinta dadkeedu uu sidaa u badanyahay ayaa qof welba oo donaya maanta inuu caan noqdo waxuu ku soo caan baxaa caydaada, anaguna  waxba kama qabano!

Markaan maqalno in sharaftaadii lagu tuntay ayaanu samaynaa mudaharaadyo , oo waxaanu ku dhaqaaqnaa ficilo xunxun, anagoo tusayna caalamka inaanu xanaaqsanahay , sidoo kalena gaalado dhan waanu isku wada darnaa., calamadoodaan gubnaa.   Hadana inyar kadib waanu  ku ilownaa!

Waxaad noo sheegtay in Ilaahay swt uu Qur’aanka ku yidhi  (وَاللَّهُ يَعْصِمُكَ مِنَ النَّاسِ) ” Ilaahay ayaa dadka kaa celin” yacni cidina wax kuma gaadhsiin karto . Waxaad kaloo noo sheegtay in Ilaahay Qur’aanka ku yidhi  (إِنَّا كَفَيْنَاكَ الْمُسْتَهْزِئِينَ) ” Anagaa kaaga filan kuwa kugu jeesjeesa”.

Hadaba Rasuulkii Allow , adoo nool iyo adoo dhintayba Ilaahay baa ku ilaalinaya, ee anagu jeceylkan aan sheeganayno een lenahay Rasuulkaanu jecelnahay ma waxaa weeye:

–          In aan afka uun ka hadalno oon nidhaahno waanu ka xunahay kali ah?

–          Mise inaan dhahno calamada gaaladu leedahay gubo inyar kadibna ilaawa?

–          Mise inaan internetka  ku badino magacaaga inyar kadibna aanu magacaaga sheegidiisa yarayno?

–          Mise inaan hadaanu nahay ” madaxdii Muslimiinta” aanu nidhaahno  waanu ka xunahay in Rasuulka lagu jeesjeeso , hadana aanan shaqo ka qaban arintaas?

–          Mise waxaa nagu filan gaalka wax sawiray wadankuu joogo madaxweynahiisa inuu na Raali geliyo?

Xukun ahaana waanu ognahayba  in ruuxii ku caaya ha ahaado muslim ama gaal in ay banaantahay in la dilo weliba ka laabo/tawbad keen lama odhanayo.  Sidoo kale waxaanu ognahay Xuquuqdaad nagu leedahay oo waxaana kamid ah inaan ku difaacno iyo inaan kaa jeclaano nafteena, caruurteena, waalidkana iyo aduunkoo dhan.

Waxaad noo sheegtay in Ilaahay Qur’aanka ku yidhi (قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي) ” Waxaad ku dhahdaa (Rasuulow) haddii ad tihiin kuwa Ilaahay jecel , raaca Rasuulka”. 

Marka  Ilaahay & Rasuulkiisa ayaanu jecelnahay aanu sheegayno soo been noqon mahayso talow?  Ileen jidkaagii maanan raacin, afcaal waxaan samaynaa aadan raali ka ahaynee?

Hadddii muslimiinta iyo madaxdoodu ay si dhab ah diinta ogu dhaqmi lahaayeen jidkaagana raaci lahaayeen, miyey gaaladu maanta ku dhiiran lahaayeen aflagaadadaada?

 
5 Comments leave one →
  1. Najma permalink
    September 15, 2012 7:37 pm

    JazakiLaah Muhaditha qoraalkan macnaha weyn ku fadhiya waa qoraal aan aad uga helay runtii Rasuulkii Alloow raali noqo, ummadaadii markey ka fogaatay ku dhaqankii diinteedii ay sharafta iyo ciziga ku lahayd sidaan baa u danbeysay نحن قوم اعزنا الله بالاسلام فاذا ابتغينا العزة بغيره اذلنا الله

    • Adna Muxammed permalink
      October 2, 2012 11:36 am

      So true subhanallah. I accidently pressed the unlike button cafwan

  2. September 17, 2012 12:05 am

    Waiyyaaki Walaashiis qaali.. Waa runtaa umaddeenu diintan unbay cizo ku yeeshaan , haddii ay ka gaabiyaan way khasaari

  3. Adna Muxammed permalink
    October 2, 2012 11:33 am

    Subhanallah!

  4. abu muxammed permalink
    June 26, 2014 2:07 am

    Allaha idin sharfo dhamaan walaalaha webkan ee maqaalkan sida wacan usoo qoray. Allaw sareyntii islaamkiyo sharaftii muslimiinta dib inoogu soo celI
    adaa DAAIMOO kare e. aamiin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: