Waa maxay Musdhalaxul Xadeeth?


Asalaamu Calaykom wrwb

Musdhalaxul Xadiith: Waa cilmi ka hadlaya inuu hadalkani ka soo arooray Nabiga scw. Sababta lagu eegi karana waxaa weeye iyadoo la eegayo, dadka wax werinaya iyo kan laga werinayaba. Maadama ay soo baxeen firqooyin badan sida Raafida/shiico, khawaarij iwm.  kuwaas oo aan inaba u aabayeelaynin xadiska. oo Nabiga scw ka been abuuran jiray, ayay culimo badani is xilqaameen oo ay u sameeyeen shuruud , si looga hortago beenaburadadaas waa weyn. Hadaba qawaacidooyinkaas ay dhigeen culimadu ayaa waxay u bixiyeen “Musdhalaxul Xadiith”. Ummada Nabi Muxamed wax uga horeeyay malahan cilmigan ah inay xifdiyaan Xadiiska Nabigooda . Faaiidada uu leeyahay cilmigan waxaa kamid ah:- In lakala garto axadiista kuwa daciifka iyo kuwa sixiixa ah. Si looga soo dhexsaarto fiqhi iwm. Laba tiir oo waa weyn ayuu ka hadlaa oo u qeybsamaa.

  1. علم الحديث رواية/ Cilmul xadiith Riwaayah: Waa iyadoo la baadhbaadho dadka werinaya xadiiska waxay ku suganyihin. Yacni ma dad la aqabli karaa hadalkooda iwm. Marka waa badhitaan la baadho xaaladaha sannadka.
  2. علم الحديث دراية/Cilmul Xadiith Diraayah: Waa iyadoo la baadhayo Matniga. Matni waxa laga wadaa “hadalka la werinayo laftigiisa”.

Taariikhdiisa

Cilmigan qeybahiisa qaar kamid ah waxaa ka hadlay Imam Shafici. Isaguuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee ka hadla.Laakiin umuusan samayn kitaab gooni ah ee waxuu ku soo dhexdaray uun kutubtiisa qaar ,Sida Kitaabkiisa, A resaala iyo al Umm. Markii ay ahayd Qarnigii 4aad ee hijriga ayaa waxaa Kitaab cilmigan u gooni ah alifay Imam Qaadi Raamahurmuzi. Kitaabkaasna waxuu ula baxay “المحدث الفاصل بين الراوي و الواعي”. Kadib waxaa ku xigasaday Al Xaakimu Naysaburi, Ibnu salax iwm. Caalim kasta wuu yimaadaa Kitaab ayuu ka qoraa .

Qofkii ugu horeyay ee ka qora Kitaab Saxiix ah xadiisyada Nabiga scw waxuu ahaa Imaam Bukhaari, kadibna Muslim ayaa ku xigay.

Advertisements

11 Responses to Waa maxay Musdhalaxul Xadeeth?

  1. Rayaan says:

    ASCK WW/ Mashaa allah jaza kumul lahu khyran
    wax baadan baan kafaiidaysta.

  2. Muhaditha says:

    Wcs

    Aaamin walaal Rayaan ,Ilaahay adigana miizaankaada xasanaatka hakuugu daro sidaad usoo booqato meeshan.

  3. Rayaan says:

    Asckm ww,

    Abaayo maalin malmaha kami ah anigo google kaa karadinayo farqiga udhaxeeyo alxadithul qudsi iyo qur’anka ayaa website kan iso baxay sidas ayan kubartay oo kuso boqda!

  4. Muhaditha says:

    Wcs

    MashaAllaaah waa war lagu farxo walaashiis qaali

  5. Najmo says:

    masha allah wax badna baa ka faaidey mahadsanidiin jazakumullahu qeyran walaalo

  6. mahadsanid walaal howsha aad isku xilqaantay ee ah u adeegidda dacwada

  7. axmed mohamuud says:

    Masha allah jazakalahu kheyr

  8. DR=KUKE says:

    Asc wll wad mahadsantahay si waliba aad ah sababtoo ah waxad dhaxashay dhaxalkii nabiga, sida uu udhaxlay cabdiramaan ibnu sakhar (abii hirrah)ama (abii huraurah)R.C, allana hanaga dhigo kuwa uxusul laabta diinta qaniimadeeda wsc .

  9. moustacho26 says:

    masha allah wan ku farxay meshan

  10. moustacho26 says:

    masha allah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s